Prof Cabdirisaaq Cismaan: “Anigu uma sharaxani guddoomiyaha aqalka sare”-DHEGAYSO

Published: January 17, 2017

Mudane Cabdirisaaq Cismaan Juurile ayaa ka hadley warar maalmihii u danbeeyey Muqdisho lagu dhex faafinaayey, oo sheegaya in uu u tartamayo afhayeenka Aqalka sare, warkan ayaa saxaafadda qaarkeed qoreen.

Mudane Juurile oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in aysan jirin shir beesha Daarood isugu timid oo ay ku go’aansadeen in ay raadsadaan kursiga guddoomiyaha Aqalka Sare, warkaasi waa been mana jiro meel lagu shirey ama lagu heshiiyey in kursigaas la raadsado.

Mudane Cabdirisaaq Juurile ayaa sheegay in kursiga Guddoomiyaha Aqalka sare uu yahay qoondada Mudanayaasha ka yimid Somaliland, marka la raaco heshiiska aan qorneyn laakiin la isticmaalo.

Dhanka kale Mudane Juurile ayaa ka hadley shaqada ay qabanayaan Mudahayaasha Aqalka Sare.

Xildhibaanka ayaa waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *