Xaaladda Gambia oo ka dareysa, ajaanibta oo isaga baxay dalkaas

Published: January 18, 2017

Madaxweynaha dalka Gaambiya Yahya Jammeh ayaa xilkiisi ku ekaa habeenkii xalay, waxaa sharcigu dhigaayey in maalinta khamiista ah uu xilka wareejiyo kadib markii looga adkaadey doorashadii dhawaan dalkaas ka dhacdey. Laakiin wuxuu ku dhawaaqey in uu xukunka sii hayn doono dalkana gelin dono xaalad deg-deg ah.

Doorashadii dhacdey 1 Diseembar 2016 Yaxya Jammeh waxa uu qiray in uu ka guuleystey ninka la tartamaayey ee Adama Barrow. Jammeh ayaa Gaambiya ku hoggaaminaayey gacan bir ah muddo 22 sano ah. Wax yar kadib qirshadii in laga guuleystey ayuu ka noqdey kadib markii uu sheegay in ay jiraan codad badan oo aan la tirin.

Maalintii shalay ee Salaasada waxaa xilka iska casiley qaar kamid ah golaha wasiirada kuwaas oo ka mudaaharaadaya, diidmada Madaxweynuhu in uu xilka wareejiyo.

Dalalka dersika la ah Gaambiya ee Galbeedka Afrika ayaa sheegay in ay farogelin ciidan ku samaynayaan Gaambiya oo ah dal yar haddii xaaladdu ka darto.

Ilaa maalintii shalay waxaa ka soo baxaayey Gaambiya ajaanibta dalxiisayaasha ah, maadaama dalxiisku uu yahay ilaha dhaqaale ee dalkaas, waxaana si weyn u jecel in ay u tamashle tagaan dadka reer galbeedka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *