Taliyihii qaybta Booliska ee Shabeelada Dhexe oo qarax lagu diley

Published: January 22, 2017

Taliyihii qaybta Booliska ee gobolka Shabeelada Dhexe Col. Carfaaye ayaa weerar loo adeegsadey banbaanada gacanta laga tuuro lagu diley gudaha saldhigga Booliska Jowhar.

Col. Carfaaye

Col. Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa xiliga weerarka lagu qaadey ku jirey hawlihiisa shaqo waxaana uu ku sugnaa saldhiiga Booiska ee degmada Jowhar.¨

Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay saldhiga Booliska oo uu markaas ku sugnaa. Qaraxa Bomka waxaa ku dhaawacmey saddex askeri oo kale oo la sheegay in ay ahaayeen ilaalada taliyaha la diley.

Taliyaha Booliska ee Shabeelada Dhexe ayaa dhaawac ahaan lagu geeyey isbitaalka halkaas oo markii danbe ku geeriyoodey.

Ciidamada Booliska ayaa wada baartitaano gur guri ahn oo ay ku baadi goobayaan kuwii ka danbeeyey weerarkan.

Al-Shabaab ayaa sheegtey masuuiyadda weerarkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *