Puntland oo hambalyo u dirtay raysal-wasaaraha magacaaban Xassan Kheyre

Published: February 23, 2017
Raysal-wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre

Maaulka Putland waxay si weyn ugu Hambalyeyneysaa Raisul wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta oo 23 Feb uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya U magacaabay xilka Raisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu yiri war ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Warka ka soo abxay Puntland ayaa lagu sheegay inPuntland u aragto Mudane Xasan Cali Kheyre in uu yahay Shaqsi kasoo bixi karo masuuliyada loo idmaday , asagoo Horay usoo qabtay arimo badan oo bini aadannimada ah oo ay haatan Soomaaliya baahi badan u qabto.

Maamulka Putland ayaa ballan qaadey in ay la shaqeyn doontaa isla markaana gacan siin doontaa Raisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre , waxayna ka rajeyneysa umada Soomaaliyeed in si dhaw loola Shaqeeyo.

maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii u horeyey ee kamid ah Dowladda federaalka SOomaaliya oo hambalyo u dira raysalwasaaraha magacaaban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *