Banaabax lagu taageeray Raysawasaare Xassan Kheyre oo Muqdisho ka dhacay

Published: February 24, 2017

Banaanbax weyn oo lagu soo dhaweynaayo raysalwasaaraha dhawaan u magacaabey Madaxweynuhu mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho ka dhacay maanta oo Jimce ah.

Isu-soobaxa ayaa ka dhacay fagaaraha daljirka daahsoon waxaana soo qaban-qaabiyey maamulka Gobolka Banaadir. Banaanbaxa waxaa ka qayb galay maamulka gobolka banaadir, Xildhibaano, Bulshada rayidka ah iyo odoyaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Jimcaale Madaale ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin magacaabidda Raysalwasaaraha cusub, waxaana uu sheegay in ay la shaqeynayaan raysalwasaaraha.

Xildhibaan Duniyo Cali oo kamid ahaa Xildhibaanadii ka hadley fagaaraha isu soo baxa ayaa sheegtey in raysalwasaaruhu uu ka yimid Bulshada rayidka ah, ayna u ducaynayaan.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ayaa Baarlamaanka ku mahadiyey in ay keeneen madaxweyne dadku rabaan, Madaxweynuhuna uu keenay raysalwasaare ay rabaan, Baarlamaanka ayey ugu baaqeen in uu si fudud u meel-mariyo.

Fagaaraha isu soo baxa ayaa ku soo dhamaadey si nabad ah iyo jawi deggan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *