Joornaalka Dagbladet oo sanadkii 2016 sadaal ka bixiyey Rasyal Wasaare Xasan Kheyre

Published: February 24, 2017

Qoraal ku soo baxay joornaalka Dagbladet ee ka soo baxa dalka Norway qaybtiisa Plus ee lacagta lagu akhristo ayaa daabacay bishii Agoosto 2016 in Kheyre uu wasiir noqon doono doorashada kadib.

Cinwaanka Joornaalka ayaa ahayd Sidan:
Shirkadda uu hoggaaminayo waxa ku socda baaritaan. Laakiin. Khubaradu waxay aaminsan yihiin Norwiijiyaanka Xasan in uu noqon karo Wasiir gudaha Soomaaliya,

Qoraalkan ayaa soo baxay iyada oo weli baaritaano ku socdaan shirkadda SOMA OIL oo Xasan Kheyre saamina ku lahaa isla markaana ahaa madaxa Bariga Afrika, taas oo uu iska casiley maalintii shalay.

Joornaalka oo soo qaatey sawir oo uu la sawiran yahay Boqoradda Sonja Haraldsen iyo Xog-hayihii hore ee hay’adda NRC Elisabeth Rasmusson, mar ay kuwada sugnaayeen xerada Dhadhaab ee dalka Kenya. Qoraalka sawirka macnaha ka bixinaaya (Caption) ayaa lagu qorey in Kheyre awood ku dhex lee yahay beesha uu ka soo jeedo, noqon karana Wasiir.

Joornaalka ayaa soo xigtey Stig Jagle Hansen oo ah cilmi-baare Noorwiiji ah, kaas khibrad dheer u leh arimaha Soomaaliya, waxaana uu sadaal ku bixiyey in Kheyre noqon doono qof saameyn leh oo xil muhim ah ka qabta Soomaaliya.

Sadaasha Joornaalku bixiyey sanadkii 2016 ayaa run noqotey maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 23 Feberaayo markaas oo Kheyre loo magacaabey raysalwasaaraha Soomaaliya.

Raysalwasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre ayaa haysta dhalashada dalka Norway waxaana uu dalkaas tegey sanadkii 1989.

Hassan kan bli minister i Somalia

Qayb kamid ah qoraalka waxaan ka soo xiganey NorsomNews.com

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *