Raysalwasaare Kheyre oo la kulmey safiirka UK ee Soomaaliya

Published: February 24, 2017

Raysalwasaaraha magacaaban ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatey safiirka Midowga Boqortooyada u fadhiya Soomaaliya Mr. David Concar.

Kulankan oo ahaa isbarasho iyo wada shaqeynta labada dal ayaa safiirka Midowga Boqortooyada (UK) u ballan qaadey Raysalwasaaha in uu si dhaw ula shaqeyn doono.

Labada masuul ayaa kawada hadley shirka heerkiisu sareeyo ee Somalia2017 ee Lonfon lagu qabanaayo sanadkan kaas oo uu shirguddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed.

Sidoo kale Raysalwasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Mudane Kheyre ayaa kala hadley Dowladda Ingriiska xaaladda abaarta oo ah mid marba marka a danbeysa sii xumeaaneysa, waxaana uu ka dalbadey in xaaladda si dhab ah loo galo.

Ugu danbeyntii Mudane Kheyre ayaa Dowladda Ingriiska uga mahadceliyey taageerada had iyo jeer ay siuyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu Raysalwasaaraha horgeeyo Baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida in uu soo dhiso xukuumad taas oo mar labaad doonaysa in iyadana la horgeeyo Golaha shacabka si loo ansixiyo barnaamijka iyo himilada Xukuumadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *