USA: Qaar kamid ah warbaahinta oo loo diidey shir-saxaafadeedka Aqalka Cad

Published: February 25, 2017

Qaar kamid ah warbaahinata waaweyn ee Maraykanka iyo weliba kuwo laga lee yahay dalal kale ayaa laga joojiyey, shir saxaafadeed maalintii shalay ee Jimcada ka dhacay Aqalka cad ee Maraykanka sida CNN qortey.

Warbaahinta laga reebay liiska waxaa kamid ah CNN, New York Times, Los Angeles Times, Buzzfeed, Politico iyo qaar kamid ah warbaahinta dalal kale laga lee yahay oo BBC kamid tahay, waxaana laga reebay shir saxaafadeed loogu yeero Press gaggle oo ah wargelin dadban ama aan rasmi ahayn.

Kuwa la casumey waxaa kamid ahaa NBC, ABC, CBS iyo Fox News iyo weliba warbaahinta xagjiriintu qoraan ee Breitbart, Washington Times iyo One America News Network.

Wakaaladda Wararka ee AP iyo Time Magazine ayaa iyagu isaga baxay oo diidey in ay ak qaybqagaal shir-saxaafdeedka loo diidey wabaahinta qaarkeed.

Ururka suxufiyiintu ka soo warama Aqalka Cad ku mideysan yihiin ee The White House Correspondent`s Association ayaa canbaareeyey dhacdadan.

Warbaahinta CNN iyo Politico ayaa daabacay Khamiistii war kale oo loo dusiyey oo sheegaya in Aqalka Cad uu ka dalbadey FBI in ay joojiso baaritaanka ay ku hayso xiriirka gacanyarayaasha Trump iyo Ruushka mudadkii ol-olaha doorashada iyo weliba xil la kala wareegidda, FBI ayaa codsigaas diidey.

Trump ayaa aad u dhibsadey sirta ka baxaysa FBI waxaana uu ku tilmaamey fashil isaga oo ka ladbadey in a helaan halka biyuhu ka qubanayaan.

DonaldTrump ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii Muxaafidiinta Maraykanka ee CPAC ka sheegay in uu dagaal kula jiro waxa uu ugu yeeray Fake News.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *