Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland iyo Dawooyinka Dhacay -SAWIRO

Published: February 25, 2017

Todobaadkii hore warbaahinta qaarkeed oo Horseed Media kamid tahay waxay daabacdey qoraal ka hadlaya Dawooyin dhacdey sanadkii 2015 oo loo qaybiyey qaar kamid ah hawlwadeenadii ka qayb-qaatey ol-olihii daweynta xoolaha ee la qabtey 21-30.01.2017, Dawadaas oo nooceedu ahaa TYLOVET ayaa loo qaybiyey 15-16 kooxood oo ka qayb-qaatey daweynta Xoolaha loo soo hayaamiyey bariga Puntland.

Jawaabta Wasaaradda ee HAA & MAYA

Arrintan waxaa ka hadley Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Mudane Axmed Cabdi Calishire (Axmed Keyse). Raadiyaha SBC ayuu waraysi siiyey Axmed Keyse. Agaasimuhu wuxuu qirey in 40 dhalo oo kamid ahayd dawada Warbaahintu soo bandhigtey ay bakhaarka ku dhex-dhuumatey si khalad ahna ku baxdey laakiin dhakhaatiirtii iyo hawl-wadeenadu ay soo celiyeen, wuxuu meesha ka saarey in la isticmaaley dawo dhacdey khalad dhacay oo laga hortegey ayeyna ahayd ayuu ku dooday.

Shir-saxaafadeed kale ayaa Wasaaraddu qabatey maalin kadib markii uu waraysiga bixiyey Agaasimaha Guud Axmed Keyse, waxaana soo fariistey Wasiirka Xanaanada Xoolaha mudane Cabdijamaal Maxamed Cismaan iyo Agaasime waaxeedka caafimaadka Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxaa ka maqnaa shirka Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo aan la sheegin sabab uu uga maqan yahay. Labadan masuul ayaa marey waddo ka duwan tii agaasimaha waxaana ay gebi ahaanba dafireen dhacdadan, waxay sheegeen in aysan jirin, wax daawo dhacdey ah oo bakhaarkooda ka baxdey.

Wasiirka ayaa mudadii uu ku dhex-jirey shir-saxaafadeedkiisa hanjabaad u diray Horseed Media oo kamid ahayd warbaahinta wax ka qorey dhacdadam wuxuu sheegay in ay Maxkamad la tiigsanayaan “Qareen ayaan qabsaneynaa meel ayaana uga soo haraynaa” sida uu wasiirku yiri. Horseed Media kama mid ahayn warbaahintii lagu casumey shir- saxaafadeedka. Saxaafaddii goobjooga ka ahayd shirka ma aysan weydiin su’aalo la xiriira waraysigii Agaasimuha guud bixiyey iyo xogtii Horseed Media daabacdey, oo labaduba khilafsan hadalka inkiraadda ah ee Wasiirka ka soo baxay.

Dhegayso War-saxaafadeedka Cabdijamaal Wasiirka Xanaanada Xoolaha

Beenta iyo daacadnimo xumida dalalka qaarkood waxay galaafataa shaqada Madaxweynaha ama Wasiirka. Waxaa la is weydiinayaa cidda Wasiirada Puntland la xisaabtanta. Bandhigii Madaxweynaha ee sanadkasta uu qaban jirey ee uu ugu yeeri jirey la xisaabtanka Wasaaradaha ayaa baaqdey 2017, ma jirto wax natiijo ah uu uu ka soo saarey Bandhigii hore 2016. Baarlamaanka Puntand ayaa shaqadiisu tahay in xukuumadda uu u ansixiyo sharciyadda iyo miisaanaiyadda waxayse gabeen in ay la xisaabtamaan, dhibaatada dalka ka taagan.

Xagee Wasaaraddu geysey dawadii dhacdey.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa dawooyinkii wakhtigeedu dhaceen ee Noromectin iyo TYLOVET aan waxba ka qaban sidii ay khatartooda ku yareyn lahayd. Dawooyinka ayaa kala khatar badan waxaana ay dooneysaa in marka la gubaayo ama la burburinaayo loo maro qaab aysan waxyeelo ku keeni karin bulshada iyo bay’adda labadaba, tusaale Dawada Noromectin oo ah mid khatar badan waxaa la doonayaa in laga ilaaliyo in lagu aaso ama lagu gubo oo dareerahoodu gaaro dhulka biyomareenka ah ama u dhaw xitaa. Wasaaraddu waxay leedahay qalab lagu gubo ama lagu burburiyo dawooyinka dhacay (incinerator) inkasta oo aan keligiis xal ahayn oo dawooyinka dhacay ay muhim tahay in ay wax ka qabtaan shirkado khibrad u leh ayaan loo itsicmaalin qalabkaas.

Dawooyinkii dhacay ee Saxaafaddu soo bandhigtey ayaa god yar looga dhex qoday Wasaaradda gudaheeda, waxaana saxaafadda soo garsiiyey kuwo ka damqadey masuuliyad darrada meesha ka taagan horey ayaa bakhaarka loogu hayey muddo sanado ah, waxaa loo qaybiyey ol-olihii markii ay soo celiyeena waxaa god yar looga dhex qoday isla Wasaaradda, waxay shaqaalaha qaarkood shakiba ka qabanaan in mar kale la isku dayayo in la isticmaalo, sawirada waxaa ka muuqda dawada nooceedu yahay Noromectin oo ah mid khatar badan oo saameyn yeelan karta mustaqbalka.

HOOS KA EEG SAWIRADA GODKA WASAARADDA LAGA DHEX-QODAY

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdi-jamaal Maxamed Cismaan waxaa la gudbooneyd markii dhacdadan soo baxdey in uu baritaan ku sameeyo oo sharciga la tiigsado cidii ka danbeysey in ay dawo dhacdey bakhaarka ku hayaan muddo sanad ah ol-olaha dawada ku galaan. Bal sug wax yar. Ma ahan markii u horeysey ee dawo dhacdey ay ka soo baxdey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxaa Horseed soo gaarey warbixin kale oo sheegaysa in ol-olihii dhacay bishii Diseembar 2016 lagu galay Dawada nooceedu yahay Noromectin oo dhacdey Janaayo 2016, dawadan ayaa ka khatar badan tii hore ee ahayd Antibiyootikada, waxaana loogu tala galay in xoolaha ka disho Dhabiijada, boodada iyo noocyo kale, Xoolaha lagu duro ayaan la dooneyn in loo dhawaado caanahooda iyo hilibkooda muddo 28 maalmood ah taas oo muujineysa awoodda ay leedahay.

Ugu danbeyntii waxaa maamulka Puntland la gudboon in ay wax ka qabtaan fadeexadda ka taagan dawooyinka iyo masuuliyad darrada ay samaynayaan masuuliyiinta qaar iyada oo khatar la gelin karo waxa keliya ee Soomaali u harey, haddii kale waxay caddayneysa in maamulku aanu wax jixin-jix ah u haynin dad iyo duunyaba.

Ma ahan wax cusub in masuuliyiinta iyo siyaasiyiintu ay warbaahin ku eedeeyeen been-abuur marka war xaqiiqo ah uu noqdo mid aysan jecleysan.

Warbaahinta oo Horseed Media ku jirto marna laguma cabsi gelin karo Maxkamad ayaan ku geyn iyo waan xiri, waxaase muhim ah in wasiirku garto cidda uu xukumo oo iyaga wax ka qabto, sharcigana waa loo siman yahay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *