Ciidamada Nabadgelyada oo Howlgal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Ka Sameeyay Muqdisho

Published: March 20, 2017

Is-rasaasayn xalay ka dhacday caasimadda muqdisho ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyo labo qof oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, ka dibmarkii Ciidanka Nabad galyada ay howlgal ballaaran ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaaladda, iyagoo gacanta ku soo dhigeen labo qof oo kale oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen Koox burcad ah oo dadka dhib u gaysan jiray

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalku ka dhacay degmadda Yaaqshid, waxaana kaloo uu xusay in ninka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay ka mid ahaayeen koox burcad ah oo dadka dhac u gaysan jirtay,waxaa kaloo uu sheegay in gacanta lagu dhigay mooto bajaaj ay wateen iyo hubkii ay dadka ku dhacayeen

Wuxuu kaloo sheegay in labada qof ee dhawacmayna lagu dabiibayo Cusbitaalka , waxaana uu inta ku daray in dhawaan maxkamada lasoo taagi doono isla markaan la waafaji doono cadaalada ay mudan yihiin.

Dhinac kale, Bam gacmeed ayaa lagu weeraray xalay fiidkii guriga uu magaalada Jowhar ka dagan yahay nabadoon Shiiq Muuse oo ka mid ah nabadoonada caanka ka ah Magaalada Jowhar.Bamgacmeedka ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhawaaca ruux kale oo ka tirsanaa ilaalada Nabadoonka la weeraray , waxaana marxuumka xalay geeriyooday saakay lagu aasaya magaalada Jowhar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *