Akhriso: Liiska Golaha Wasiirada ee Dowladda federaalka Soomaaliya – VIDEO

Published: March 21, 2017
Qaar kamid ah Golaha wasiirada xukuumadda Xasan Kheyre

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey liiska xukuumadiisa. Golaha wasiirada ayaa u badan wejiyo cusub, waxaana kamid ah qaar horey u soo noqdey Wasiiro iyo kuwo kale oo ku magacaabnaa denjirayaal.

Golaha wasiirada ayaa ka kooban 26 Wasiir, 14 Wasiiru dowle iyo 26 wasiir ku xigeen tan oo tirada guud ka dhigeysa 66 Wasiir, waxaana kamid ah 6haween ah. Wasiirada cusub ee ka kooban 26 waxaa Xildhibaano ka ah 10 Wasiir.

Golaha Wasiiro ku-xigeenada waxaa u badan Xildhibaanada Federaalka.

Wasaaradaha ayaa loo kala beddalay shakhsiyaadka Wasiirada ka noqon jirey beelaha ay ka soo jeedaan, marka loo eego Golaha xukuumadda iyo barnaamijka Raysalwasaaraha ayaa la horgeynayaa baarlamaanka si loo ansixiyo.

Hoos ka akhri liiska Wasiirada iyo Wasiiru dowlayaasha:

  1. Raysalwasaare ku xigeen: Mahdi Axmed Guuleed (Khadar)
  2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb: Yusuf Garaad Cumar Maxamed
  3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Cabdi Faarax Siciid (Juxaa)
  4. WasiirkaWasaaradda Maaliyadda: Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle Ducaale
  5. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga: Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi
  6. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan
  7. WasiirkaWasaaradda arrimaha dastuurka: Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil
  8. Wasiirka Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha: Jamaaal Maxamed Xasan
  9. Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka cirka iyo dhulka Maryan Aweys Jaamac
  10. Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Inj. Cabdi Canshuur Xasan
  11. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xil. Sheekhnuur Maxamed Xassan
  12. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Khadro Axmed Ducaale
  13. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji
  14. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka. Deeqa Yaasiin Xaaji Yusuf
  15. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed
  16. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Islow Abuukar Ducaale
  17. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xil. Siciid Xuseen Ciid
  18. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada: Drs. Fawsiya Abiikar Nuur
  19. Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
  20. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga: Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye
  21. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)
  22. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda: Avv Xasan Xuseen Xaaji
  23. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Saalax Axmed Jaamac
  24. Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha: Saalim Caliyow Ibrow
  25. Wasiirka Gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Dr. Maryan Qaasim
  26. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali

Wasiiru Dowlayaal

  1. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada: Cabdulqaadir Macalin Nuur
  2. Wasiiru Dowlha Xafiiska raysalwasaaraha: Cabdulaahi Caamud
  3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha: Cabdicasiis Laftagreen
  4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Cabdulqaadir Baqdaadi
  5. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim
  6. Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah: Cabdulqaadir Axmed Kheyre
  7. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Xasan Macalin Xuseen
  8. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Faarax Weheliye
  9. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa
  10. Wasiiru Dowlaha Qorsheynta, Maalgashiga iyo hormarinta Dhaqaalaha Cabdalla Xaaji Cali
  11. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo Dhulka Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
  12. Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo tacliinta sare: Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri
  13. Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Axmed Cabdi Kaariye
  14. Wasiiru Dowlaha Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Cabdullaahi Bile Nuur

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *