Garoowe:Shirweynaha 5aad ee Gollaha Guud ee Dallada PUNSAA oo Furmay-Sawiro

Published: March 21, 2017

Caasimadda Garoowe waxaa maanta si rasmi uga furmay shirweynaha 5aad ee gollaha guud ee dalladda midaysa Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland ee PUSAA, waxaana ka soo qaybgalay Wakiilo matalaya hay`adaha iyo ururada maxaliga ah ee Puntland.

Shirweynahan oo ka furmay xarunta PDRC ee Garoowe, waxaa ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland, waxaa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Dallada PUNSAA oo ku soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka, isagoo si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka io caqabadaha dalada ee 2014ka- ilaa 2017ka

Nuur Shire cismaan, Guddoomiyaha PUNSAA

Wuxuu sheegay in mudo saddex maalmood ah uu socon doono shirweynuhu, loogana doodi doonaa xeerarka iyo shuruucda ururka u yaal, islamarkaana lagu dooran doono maamulka cusub ee dallada hoggaamin doono labada sanno ee soo socota.

Shirweynaha, waxaa kaloo hadalo ka jeediyay Nabadoon Khaliif Aw-cali oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashadda dadban ee Puntland, kana mid ah xubnaha dallada Puntland, waxaa kaloo hadalo kooban ka jeedisay shirweynaha Guddoomiye K/xigeenka Dallada Saynab ismaaciil, Agaasimaha hay`ada PDRC Cali Faarax, Qaar ka mid ah xubnaha ka socda ururadda maxaliga ee dallada ku midoobay, Wakiil ka socday hay`adda Saverworld. Wakiil ka socday xafiiska siyaasadda ee qaramada Midoobay ee UNSOM.

Wasiirka Dastuurka, arrimaha federaalka iyo Dimoqraadiyanta Puntland Cali Ciise

Wasiirka Dastuurka, arrimaha federaalka iyo Dimoqraadiyanta Puntland Cali Ciise Oog oo shirweynaha si rasmi ah u furay ayaa ugu hambalyeeyay ururadda ku bahoobay dallada PUNSAA inay shirweynihii 5aad ay ku qabsadaan magaaladda Garoowe, isagoo tilmaamay in dallada iyo dowladda Puntland ay xiriir iyo wadashaqayn leeyihiin dhinacyada dimqoraadiyada, Xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshadda rayidka ah.

Gabagabadii, Shirweynaha oo muddo saddex maalmood socon doono, ayaa waxaa lagaga hadli doonaa ansixinta ka mid noqoshada xubnaha ee gollaha, dib-u-eegista wax-ka bedelida shuruucda iyo xeerarka dallada, xulista guddiga doorashdda ee ku meel gaarka ah iyo doorashada guddoonka dallada PUNSAA.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *