Ra`iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Muqdisho, Magacaabayna Guddi Gaar ah.

Published: March 22, 2017

Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Booqday dadkii Ku Dhaawacmay qaraxyo ismaadiin ah oo lala beegsaday Difaaca ay Ciidamada Ammaanku ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaalada Muqdisho.

Cisbitaalada uu booqday Ra`iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen Madiina iyo Ordugan, isagoo midmid u xog wareystay dadka dhaawacyadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Kheyre wuxuuWarbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka Ee Cisbitaaladaasi, wuxuuna ka dalbaday in dag dag loogu soo gudbiyo bukaanada Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka, si loogu soo dabiibo dalka dibadiisa.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Cisbitaalka Madiina la soo gaarsiiyay dhaawacyada 20 ruux kuwaas oo hadda xaaladdooda Caafiimaad ay la tacaalayaan. sidii kale Ciifimaadka cusbitaalka Ordogan ayaa la gaarsiiyay 1qof oo dhaawaciisa la daawaynayo

dhinaca kale, Ra’isul Wasaaruhu wuxuu magacaabay guddi gaar ah oo isugu jira Dhaqaatiir, Aqoonyahan iyo Culimaa`udiin, kuwaas oo si gaar ah u qiimeyn doono dadka Dhaawacyadoodu ay culisyihiin waxna aan looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

Gababagabadii,Qaraxyada ka dhacay muqdisho ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 5 qof, halka 20 qofna ay ku dhaawacmeen, mana jirto cid sheegatay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyeen, hase yeeshee saraakiisha dowladda federaalka ayaa ku eedeeyay Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladd.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *