Baarlamaanka Puntland oo maanta cod u qaadaya guddiga doorashooyinka

Published: November 16, 2019

Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta lahor geynayaa Baarlamanka maamulka Puntland, si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa cod loogu qaadi doonaa guddiga doorashooyinka Puntland, si ay u guda galaan howlaha horyaalla ee hirgelinta barnaamijka xisbiyada badan.

Guddiga ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida, waxa ay warbixin ka hor-jeedin doonaan xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigayaan arrimaha u qabsoomay mudadii ay shaqadan hayeen iyo waxa ay hiigsanayaan.

Guddiga doorashooyinka Puntland, ayaa waxa horyaall shaqooyin muhiim u ah maamulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;  diiwaan-gelinta xisbiyo siyaasadeed, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo  qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *