Muuse Biixi oo Si Adag u Difaacay Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Published: November 16, 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa difaacay xubnaha cusub ee Komishanka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay diidmada xisbiga ee xubnaha yyooyootan.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa sheegay inuusan jirin qodob sheegaya inaan la soo celin Karin xubnihii hore uga midka ahaa komishankii hore ee la beddelay

Wuxuu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi.

“waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.” ayuu yiri madaxweyne Muuse, isagoo sii raaciyay

“ Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn maynno, waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu Axsaabta mucaaridka ah usoo jeediyey inuu dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla, loona hoggaansamo go’aamada sharciyadda ku dhisan ee hay’adaha qaranku soo saaraan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *