7 Sarkaa Oo Booliis ah Oo lagu dilay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

Published: December 7, 2019

Toddobo Sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenay, Dhakhtar iyo labo qof oo shacab ayaa lagu dilay weerar gaadmo oo ka dhacay degeenka wajir ee waqooyi Bari ee Kenya

Taliyaha Booliska Wajeer Loyford Kibaara waxaa uu sheegay Dablay hubaysan ay weerareen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen 56 qof, kaasi oo u kala safrayay magaalooyinka kutulo iyo Warguduud ee gobolka.

Wuxuu sheegay in dablayd oo loo malaynayo inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ay toogteen dhammaan dadkii aan muslimiinta ahayn ee saarnaa Baska, Weerarkan ayaa ka dhacay fiidnimadii habeenkii jimcaha.

wuxuu sheegay in 4 qof oo dhaawacyo fudud qabaa ay naftooda la baxsadeen markii uu weerarku dhacayaan, saddex ka mid dadka badbaaday ayaa ahaa saraakiil Booliis.

Dhinaca kale, Ururka Alshabaab ayaa sheegtay. masuuliyiada weerarka lagu dilay 7 Sarkaal ee booliiska ah iyo 3-da qof ee Shacabka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *