Lix Sarkaal oo Sucuudiyaan oo Lagu Xiray Maraykanka ka dib Toogashadii Florida

Published: December 7, 2019

Kadib markii Askari u dashay boqortooyada Sucuudiga uu toogasho ku dilay saddex askari oo Maraykanka ayaa hay’ada dambi baarista gudaha ee FBI waxay xirtay lix sarkaal oo kale oo sucuudiyaan, kuwasoo su’aalo la waydiinayo

Askariga dilka gaystay oo isna la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Siciid Alshmarani, waxaana uu tababar ku qaadanayay Saldhig ciidamada Cirka Maraykanku ku leeyihiin gobolka Florida.

Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, boqorku wuxuu xusay inuu aad uga xumaaday dilka uu gaystay askariga sucuudiyaanka ah isago ku tilmaamay falkaas mid bahanlinimo ah,

FBI-du waxay baaraysaa in toogashada ka dhacday saldhiga ay la xiriirto fal argagixiso iyo in kal. Senat Rick Scott oo laga soo doorto gobolka Florida ayaa ku baaqay in dib loo eego tababarada a siiyo askarta Sucuudiga ee yimaada Maraykanka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *