Puntland oo si hordhac ah uga warbixisay Khasaaraha Roobabka ka da'ay Puntland

Published: December 7, 2019

Wasaarada Arimaha Gudahada dawlada Puntland ayaa si hordhac ah warbixin uga soo saartay inta la ogyahay khasaaraha ka dhashay Roobabkii ka da’ay deegaanada Puntland, Wasaaradu waxay sheegtay in khasaare Hantiyeed uu jiro sidoo kale meelaha qaar isu socodku uu hakad gallay. Wasaaaradu sidoo kale ma sheegin wax khasaare Nafeed ah oo ka dhashay roobka.

Wasaarada ayaa shaacisay xogihii ugu danbeeyay ee ay soo aruurisay.1: Qundheed 9 guri ayaa dumay
2: Baqbaq gaari ayay latageen guryo 7 ayaa dumay
3: Garmaal 6 reer ayaa arigii xoolihii kala tageen ilmo yarna qabawgii ayuu udhintay
4: Eyl birtii golis ayaa dhacday guryana wa dumisay.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *