Roobab dabaylo wata oo ka da'aya Deegaanada Puntland.

Published: December 7, 2019

Roobab dabaylo xoogan watta ayaa 24kii saacadood ee lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanada Puntland, roobabkaan ayaa saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo isgaarsiinta deegaanada oo qaarkood ay hawada ka maqantahay.

Weli si rasmi ah looma oggaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay roobabkaan maadama weli ay da’ayaan, 5 doonyood oo kuwa kaluumaysigga ah ayay baddu la tagay Deegaanka Ceelaayo ee Gobolka Sanaag, Murcanyo, Caluula, Xaafuun, Bayla & Garacad weli wax xog ah oo dhamaystiran lagama hayo, Sidoo kale weli khadka taleefoonka ayaa ka go’an Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Wasaarada Puntland ayaa ka digaya khataraha roobabkaan, waxay sidoo kale dawlada joojisay isu socodka gaadiidka, dadweynaha ayaa looga digay in ay ku safraan toggaga iyo dhulalka hoose ee biyo mareenka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *