Puntland oo diiwaan-gelinaysa dadka qaxootiga ah.

Published: January 28, 2020

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo kaashanaysa Hay’ada UNHCR ayaa bilawday in ay diiwaan-geliso dadka qaxootiga ah ee ku nool deegaanada Puntland, kuwaas oo intooda badan kasoo barakacay wadamada Yaman iyo Ethopia.

diiwaan-gelintaan ayaa ah mid loo samaynayo Hanaan Casri ah. waxaana dadka la diiwaangelinayo dadka laga qaadayaa faroiyo indho. Ujeedada diiwaangelintaan ayay dawladu ku sheegay in la rabo in lagu ogaado tirada dadka qaxootiga ah ee ku nool Puntland, meelaha ay u badan-yihiin iyo inta ay wadanka joogeen.


Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa laga diiwaangeliyay dadka qaxootiga ah, waxaana la rajaynayaa in dhawaan magaalooyinka kale ee Puntland iyaggana laga bilaabo diiwaangelinta dadka qaxootiga ah.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *