Tirada Dhimashada Fayraska shiinaha oo 100 Gaadhay iyo Ajaaniibta Oo Qaxaya

Published: January 28, 2020

Iyadoo oo uu si xowli ah u sii fidayo fayriska halista ah ee ka dillaacay wadanka Shiinaha ayaa tirada dadka dhintay waxay gaartay 106 qof halka ilaa 4,500 qof uu ku dhacay.

Dowladdaha Maraykanka , Faransiiska iyo Japan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan dalka shiinaha gaar ahaa magaalada Wuhan oo ah halka ugu daran ee cudurku ka dilaacay.

Dowlada Shiinaha ayaa gebi ahaanba joojisay isu socodkii iyo dhaqaqaaqi gobolka bartamaha dalkaasi ku yaal ee Hubai, halkaasi oo ku noolyihiin ilaa 50 Milyan oo qof oo ay ku jiraan Ajaaniib wadamo badan u dhalatay. Dowladu waxay kaloo joojisay kala iibsiga xawayaanka duurjoogta ah oo aad looga cuno wadankaasi

Qorshe la doonayay in lagu soo daadgureeyo muwaadiintiin Maraykanka iyo Faransiiska ee ku nool magaalada Wuhan ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo aan la faahfaahin sababta keentay dib-u-dhaca.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *