Booliska oo sheegay in Wasiir Janan ka baxsadey xabsigii uu ku xidhnaa

Published: January 28, 2020

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan ayaa ka baxsaday gacanta dawlada sida ay sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Gen Sakiya Hassan, sidoo kale waxay sheegtay in dawladu ay ku raadjoogto.

Taliyuhu waxay shacabka ka codsatay in cidii aragta in ay kusoo wargeliso, waxayna tilmaantey in uu yahay danbiile loo haysto danbiyo kala duwan oo uu galay, Janan ayaa ku xirnaa qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

https://www.facebook.com/zakia.hussen.9/posts/10162710552080265

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan” ayay tiri Taliye Sakiya

War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Bosaso ee maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa dowladda federaalka looga codsaday inay sii dayso wasiir jannan.

C/rashiid ayaa Xabsiga loo taxaabay xili uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho sanadkii hore, waxaana dowladda federaalka ku soo eedaysay dambiyo culus oo uu galay

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *