Qalab 90 Kun oo dollar Ku Fadhiya oo Lagu Wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka PL

Published: January 29, 2020

Hay’adda World Vision xafiiskeeda Garoowe ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland ku wareejiyay Qalab qiimihiisa dhan yahay 90 Kun oo dollar.

Qalabkan oo isugu jira mishiino, qalabka Qaliinka iyo daawooyin ayaa loogu talagalay inay adeegsadaan Cusbitaalka Guud ee Garoowe iyo xarumaha daaweynta TB-Da

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/2220783614882082/

Dr Cali Xasan oo madax ka ah qaybta Cudurka TB-da ee wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sharaxaad ka bixiyay noocyada qalabka lagu wareejiyay iyo waxaa lo isticmaalo

” Qalabkaasi wuxuu ka kooban yahay Qalab qaliin oo xaga lafaha ahdaawooyin loogu talagalay Cusbitaalka Guud ee Garoowe iyo qalab ay leeyihii xarumaha TB-da”

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax xasan oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii lagu wareejinayay qalabka ayaa u mahadceliyay hay’ada World Vision.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *