Kulan Taageero oo ay isugu yimaadeen Qurbajoogta Puntland ee Australia

melbourne-skyline

Maalintii Axadda ee 30ka bishan January 2011 ayey kulan isugu yimaadeen xubnaha bulshada Qurbajoogta Puntland ee Australia Magaalada Melbourne. Kulankaas ayaa ujeedadiisu aheyd in looga hadlo xaaladaha abaaraha ka jira Somalia gaar ahaan degaannada Puntland iyo sidii ay bulshada qurbojoogta Australia ay gacan uga gaysan lahayeen gurmadka lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada ay abaaruhu ku […]

Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso Oo U Fariistay Imtixaankii 2010-2011

Jaamacadda

Waxaa 22.01.2011 imtixaan u fariistay xarunta Jaamacadda Bariga afrika ardey isugu jirta Wiilal iyo gabdho gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso. Ardeydaan u fariistay Imtixaanka ayaa isugu jirtay gabdho iyo wiilal gaareyey 1296,kuwaasi oo dhamaantood ku galay Imtixaanka xarunta Jaamacadda ee magaaladda Boosaaso. Imtixaankaasi ayaa ahaa Semester-ka 1-aad 2010-2011 ee Jaamacadda Bariga […]

Jaaliyada Puntland ee wadanka Switzerland oo taageertay Go’aankii Puntland

geneva-large

Bayaan:- Taageerid Jaaliyada Puntland ee wadanka Switzerland Qaymeen:- Jaaliyada Puntland ee wadanka Switzerland markii ay aqrisay, qiimeesay, fahantay, go’aankii ka soo baxay Dowlada Puntland :- Waxaan halkan ku cadeynaynaa in Jaaliyada Puntland ee wadanka Switzerland ay si buuxdo u taageersantahay Go’aankii geesinimadaa ahaa ee ka soo baxay Dowlada Puntland taariikhdu markey eheed 16.01.2011, kaasi oo […]

Jaaliyada Puntland ee Benelux oo Taageertay Go’aankii Puntland

Flag_of_Puntland

BAYAAN: Taageerid Jaaliyadda Punland ee Benelux. Qaymeen Dheer: Jaaliyadda Puntland ee Benelux markii ay aqrisatey, fahantey, qiimeysay qarraarkii ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Waxaan halkaan ku cadeynaynaa in aan taageersanahay qarraarka ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed. Waxaana dhamaan halbolayaasha dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ee ugu horeeyo madaxweynaha dowlad […]

Kulan ku Saabsan Daryeelka Caruurta oo lagu Qabtay Magaalada Qardho (Sawiro)

qardho (2)

Waxaa galabta lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kulan balaaran oo ay ka soo qaybgaleen ururada bulshada, sida haweenka, dhalinyarada, maamulka degmada Qardho iyo ururo aan dawli ahayn (NGO). Kulankan ayaa lagu qabtay xarunta haweenka ee Garwo Net, waxaana halkaasi laga jeediyay khudbado kala duwan oo diirada lagu saarayay sidii loo daryeeli lahaa […]

Wasaarada Haweenka Puntland oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeeda Sanadkii tegay iyo Qorshaheeda Sanadkaan (Sawiro)

DSC00197

Xarunta Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland ayaa lagu qabtay kulan si heer sare loo soo agaasimay kasoo lagu soo bandhigaayay waxqabadkii Wasaarada Haweenka ee sanadkii tegay (2010) iyo himilada ay Wasaarada hiigsanayso sanadkaan ee 2011.Kulanka waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire,xubno kamid ah Wasiirada Puntland,Waxgaradka,haween iyo marti kaloo badan. Agaasimaha […]

Machadka Farsamada Gacanta Ee Magaalada Boosaaso Oo Arday Gudoonsiiyey Shahaadooyin

IMG_0786

Xaflad shahaado gudoonsiin ah oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa ka dhacday xarunta machadka farsmada gacanta ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ardey gaareysa 235 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey xaflad ka dhacday gudaja machadka,kuwaasi oo muddo sanad ah baranayey qaybaha kala duwan ee lagu dhigto […]

Jaaliyada Magaalada Basel Switzerland oo Gudoomiye Cusub dooratay(Sawiro)

SAM_0916

Basel:- Shir weyne ay maanta  isugu yimaadeen Jaaliyada Soomaalida Gobalka Basel iyo nawaaxigeeda ee wadankan Switzerland ayaa  waxa ay ku doorteen gudoomiye cusub oo badali doono  gudoomiyhii hore ee Jaaliyada Gobalka Basel ee Switzerland. Kulankan ayaa ahaa mid aad u weyn waxaana ka soo qeyb galay inta badan xubnaha jaaliyadaasi ay ka koobantahay iyo marti […]

Maamulka Jaamacada Bariga Soomaaliya ee Qardho Oo Baaq U Diray Jaaliyadaha Reer Puntland

East_Somalia-University_Gardo21-300x224

Maamulka Jaamacada Bariga Soomaaliya (East Somalia University) ee magaalada Qardho ayaa jaaliyada reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed ka codsaday in ay taageeraan Jaamacada bariga Soomaaliya oo dhawaan si rasmi ah looga furay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Proff. Axmed Maxamed Bare oo ka mid ah maamulka sare ee Jaamacadaasi oo la hadlaayey Horseed Media […]

Jaaliyada Soomaaliyeed ee G/Minnesota Oo Kulan u qabtay Drs.Xaawa Cabdi

haawa-300

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesotta ee dalka Maraykanka ayaa kulan weyn oo soo dhoweyn ah u qabtay Drs.Xaawa Cabdi oo booqasho ku joogta dalkaas iyada iyo labada gabdhood ee ay dhashey oo kala ah Deeqo iyo Aamina. Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee caasimada gobolka Minnesota,waxaana kasoo qaybgalay dadka Soomaaliyeed ee ku […]