Waji-Gabaxii Shirkii Hiigsiiga 2016 ee Dowlada Federaalka Soomaaliya (Faallo)

Shirkii-Hiigsiga-Muqdisho29July15

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay diyaariso qorshe cusub oo ay dooneyso inay ku qeexdo habka ay u dhici doonto doorashada 2016, kadib markii uu fashil ku dhamaaday shirkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirkii Arbacadii lasoo dhaafay 29 Luulyo (July) ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga hadlayey waxqabadkii dowlada Federaalka iyo […]

Xaliimo Yarey oo markale loo adeegsanayo Guddi khilaaf ka taagan yahay? [Daawo]

Guddiga-Doorashada-2016

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga uu dhawaan maamulka Federaalka u magacaabay Doorashooyinka 2016, guddigaasi oo Guddoomiye loogu doortay Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey). Guddigan ayaa kamid ah guddiyada Dowlada Federaalka magacowday oo aysan kala tashan maamulada dalka ka jira sida ku qoran Dastuurka, waxaana horey u qaadacay maamulada Puntland […]

AMISOM oo ay dhaqaale xumo lasoo daristay!

AMISOM-Somalia-2015-2016

Bilowgii sanadkan ayaa waxaa hakad weyn ku yimid qorshihii ciidamada AMISOM ee kooxda Al Shabaab looga saarayey deegaano badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya. Ciidamada AMISOM ayaa hakiyey duulaankii loogu magacdaray “Indian Ocean” ee lagu doonayey in Al Shabaab looga saaro gobalada, Shabeelada Hoose, Gedo iyo Jubada Dhexe. Dhaqaale Yari! Caqabada ugu weyn ee AMISOM […]

Xagal-daacu Waa Halkee: Ma Madaxweynahaa? Ma Raysalwasaarahaa? Ma Xildhibaanadaa? Ma Dastuurka? Mise Waa…?

federaalka

Maalmihii u danbeeyey waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federaalka Cabdiweli Axmed Maxamed, inkasta oo khilaafku ahaa mid la hadal hayey bilihi u danbeeyey ayaa Madaxweynuhu noqdey ninkii u horeeyey ee afkiisa laga maqlo jiritaanka dhabnimada khilaafka mar uu waraysi […]

Awooda Maalqabeenada Yuhuuda & Siyaasada Dowlada Maraykanka

sheldon1

Sheldon Adelson oo ah 80 sano jir ayaa shirkado badan oo Shirkadaha Khamaarka iyo Hotelo badan ku leh Maraykanka gaar ahaan magaalada Las Vegas, waana nin si weyn ugu ololeeya Isra’iil, saameyn weyna ku dhexleh siyaasada Maraykanka maadaama uu maalgeliyo in badan oo kamid ah murashaxiinta u tartamaha xilalka Baarlamaanka iyo waliba xilka Madaxweynaha. Sheldon […]

Puntland: Musuq-maasuqa Mujtamaca Maasheeyey & Musiibooyinka Rabbaaniga ah!

musiibooyinka_Raabaniga_1

Qore: Daauud Cumar dauud.omar@gmail.com Deegaanada Puntland ayaa xilligan si weyn looga dareemayaa raadadkii ay reebeen musiibooyinkii Rabbaaniga ahaa ee roobabkii mihiigaanka ahaa ee watey dabeylaha iyo qabowga dilay dad badan oo reer guuraa ah iyo kaluumeysatada deegaanada xeebaha bari ee dalka Soomaaliya. Musiibadan rabbaaniga ah ayaa kusoo beegantay xilli dhawaanahan ay deegaano badan oo kamid […]

Haddii Puntland Ka Badbaadday Xukun Marooqsi Xukuumadeed Ma ka Xoroobaysaa Kalagiis-Talisnimo Duub-Dhaqameed?!!

canjeex

Sanadkii 1998 Goballadii ku midoobay maamulka Puntland ee yagleelay dhismaha Dowlad-Goballeedka puntland waxay dejiyeen Axadigii dastuurka maamulka Puntland,Dastuurkuna waa “ sharciga ugu sareeya Dhulka”Axadi-Dawladdeedkaasi ayaa  lagu askumay maamulka Puntland  waxaa la dhisay xukumad iyo barlamaan ku meel gaar ah oo muddo seddex sano ah, maamulkaas waxaa loo igmaday   in uu bulshada gaarsiiyo dastuur rasmi ah […]

Aragtida Horseed Media: Soomaaliya Waxaa U baryey Waa Cusub Doorashada Prof.Xassan Maxamuud Kadib [Editorial]

horseed_best2

Doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ahayd mid taariikhi ah, waxay ahayd mid umadda Soomaaliyeed gelisey yidiilo cusub, waxaa isaga horyimid kuwo aaminsan in kursiga Soomaaliya lacag iyo laaluush lagu gaari karo iyo kuwo aaminsan in aragti iyo barnaamij daacad ah lagu gaari karo. Xildhibaanada Baarlamaanku waxay kala doorteen in ay u codeeyaan […]

Falanqeyn: Nidaamka Dimoqraadiyeynta Ee Puntland [Qaybta Kowaad]

puntland_election

Hordhac: Xukuumadda hada haysa taladda Puntland waxay wadaa qorshe ay ku doonayso inay wadanka kaga saarto nidaamka wax qaybsiga beelaha ayna ugu rarto nidaamka Xisbiyada badan qorshahaas oo ah mid in badan ay ku taamayeen dadweynaha Reer Puntland. Maalinimadii shalay waxaa kalfadhi aan caadi ahayn isugu yimi mudanayaasha Golaha Wakiiladda si loo dardargeliyo qorshaha Xukuumada […]