Breaking News, Entertainment, and Sports | Horseed Media » Featured Stories

Dawladda Siilaanyo Dhisey Tayo Miyuu Ku Doortey Mise Taallo uu Dhabarka Ku Tiirsado Ayuu Samaystey?
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalintii shalay daaha ka qaadey golihiisa wasiirada, kadib markii si dimoqraadi ah loogu doortey xilka madaxweynaha doorashadii 26 bishii Juun ka dhacdey Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaan xilka loo dhaarin waxa uu magacaabey guddi ka soo talo bixiya sidii uu ku dhisi lahaa dawlad tayo leh, waxaana guddigaasi ay ku soo koobeen in la sameeyo 15 wasaaradood oo keliya, wasiiradana aad loo yareeyo.

Mudane Siilaanyo ayaa golihiisa wasiirada ee uu saxaafadda u soo bandhigey ay ka kooban yihiin 20 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen, taas oo ah mid khilaafsan taladdii ay soo bandhigeen guddigii uu magacaabey, waxaana la rumeysan yahay in ay inta ka badan doonaan.

Waxaa durba saluugey qaabka uu wax u magacaabey dadweynaha ku dhaqan gobolka Awdal, oo la siiyey laba wasiir oo keliya, waxaana qaarkood ay saxaafadda u sheegeen in xisbiga Kulmiye aarsi wado ee sida uu wax u magacaabey aysan caddaalad ku dhisneyn.

Dhanka kale waxaa isla maanta arintaas ka mudaaharaadey Beel ka mid ah beelaha dega Hargeysa gaar’ahaan xaafadda Isha Boorame, waxaana ay sheegeen in ay taageereen Siilaanyo isla markaasna ay isaga u codeeyeen laakiin uu balantii uga baxay.

Siyaasiyiinta beelaha Hartiga ka soo tegay ee fikirkoodu yahay gooni u istaaga Somaliland ayaa la siiyey laba wasiir oo reer Sool ah iyo hal wasiir oo Sanaag ah. Wararka qaar ayaa sheegay in gawaari nooca dagaalka ah oo laga lahaa Sanaag ay u soo goosteen dhanka Puntland kadib markii Siilaanyo ku dhawaaqey xukuumadiisa ayna hal nin ka dhex arki waayeen.

Siyaasiyiintii xisbigii la diidey ee Qaran Dr.Gaboose iyo Xaashi oo muddo dheer Rayaale ku hayey xabsiga Mandheera ayaa markaan kala wareegaya xilka laba nin oo ahaa raggii xabsiga u direy Cirro iyo Cawil yare.

Sidoo kale Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo mar sii horeysey xisbiga Kulmiye u soo magacaabey xubintii guddiga doorashada, ayaa waxaa diidey Madaxweynihii hore Rayaale waxaana uu ku eedeeyay in ay Kulmiye ka tirsan tahay, waxaa markaan loo magacaabey in ay ka mid noqoto Golaha Wasiirada Siilaanyo.

Isirka Soomaaliga ah ayaa meelkasta oo ay joogaan isku mid ah waxaana maamulada laga dhiso Soomaaliya lugta jiita anaga ayaa nala qadiyey iyo reer hebel ayaa sedbursi helay, mana ahan mid meel wada gasha in aad heshid maamul kooban oo tayo leh iyo qancinta beelaha.

Si kastaba ha ahaatee Mudane Siilaanyo ayaa wasaaradihii doorkalahaa ku safay beelaha Galbeedka dega waxaana la is weydiinayaa Siilaanyo ma waxa uu ku soo xushey tayo iyo aqoontooda mise taallo iyo derbi adag oo gundhig u noqda dawladiisa curdinka ah ayuu samaystey?.

Abdirisak Shiino
Horseed Media

Xalka Puntland
Kalsoonida shicibka Puntland oo la soo celiyo ayaa nabad abuuri karta.

Guud ahaan geyiga puntland, gaar ahaana xarunta ganacsiga ee Boosaaso ayaa beryahaan dame hoy u noqotay amaandarada soo kordheysa ee ka jirta gobolada Puntland. Dilka dadka aan waxba galabsan, shaqaalaha dowlada iyo qarxinta goobaha dowlada ayaa waxaa ay noqotay mid maalin walba dhacda. Boosaaso waxaa ay ku sugan tahay marxaladii ay Muqdishu ku sugnayd afar sano ka hor. Waagaas oo muqdisho maalin walba dad indhaha soo xirtay ku dili jireen qof waxtar leh. Waxaana aad u adkaa in dadka dhibka geystey lasoo qabto. Haddaba suàalahaan soo socda ayaa u baahan in la gorfeeyo.

Xagee ayey siyaasada Puntland ka qaldan tahay? Sideese lagu sixi karaa?

Dhibta Puntland ka jirtaa ma mid meesha ka abuurantay baa ( homegrown) mise waa mid meel kale ka timid?

Maxaa la gudboon shicibka puntland, gaar ahaan dadka ku nool boosaaso?
Maxaa la gudboon salaadiinta Puntland?
Maxaa la gudboon dowlada Puntland?

Kalsoonidii shicibka miyaa dhuntay?

Balanqaadyadii ay dowlada Puntland ee hadda jirta iyo madaxweyneheeda, dr Faroole sameeyeen kolkii la doortay waxaa ugu horeeyey.

In ay dowladu xoojiso nabadgelyada Puntland, ayna abuurto nidaam iyo kala dameyn la isku halayn karo

In dhaqaalaha iyo horumarka gobolada Puntland kor loo soo qaado isla markaasna lala diriro musuqmaasuqa.

Dadka reer puntland oo ka daaley taya xumida maamuladii lasoo maray ayaa waxaa ay aad u soo dhoweeyeen dowladii faroole dhisay iyagoo ka filaayey iney balanqaadyadaas ka dhabbeyn doonto. Waxaa aad iyo aad u sareysey rajada ay qabeen dadka reer puntland dal iyo dibadba. Dowladuna si wanaagsan ayey ku bilowday shaqadeeda balse waxaad moodaa in beryahaan dame wax isbedeleen.

Dowladu qodobkii ugu muhiimsanaa balanqaadkeeda,  ee adkeynta nabada, saldhigna u ahaa wax walba ayey la ildaran tahay.Waxaa soo baxaaya kala fogaansho u dhexeysa shicibka iyo dowlada. Markasta oo kala durugsanaantaasi korodhona waxaa dhumeysa kalsoonida shicibku dowlada ku qabo.Kolka kalsoonidu yaraatona waxaa imaaneysa in shicibku gabo doorkii kaga aadanaa ilaalinta nabada iyo kala dameynta. Waxaa imaaneysa sidaan maantaba Boosaaso ku aragno oo ah in shicibku  wax walba ka sugo dhinaca dowlada. Qof kastaana yiraahdo dowladu waa iney waajibkeeda gudataa. Haddaba ma jirto dowlad guuleysan karta haddii aan shicibku taageerin.Kalsoonida uu dadku dowlada ku taageeraayona iskama timaado ee waa in dolwadu abuurtaa, oo dadka kasbataa. Waa in shicibku soo sheegaan kuwa nabadgelya xumida wada iyo kuwa la shaqeeya. Haddii kalsooniyi jirto ma dhacdeen in barqa cad inta la dilo qofkii la doono haddana aan wax raad ah la helin.Haddii kalsooni jirto shicibku iyagaa dowlad ah dalkoodana ilaashada. Balse waxaa muuqata in kalsoonida shicibka boosaaso ee xagga dowlada ahi sii yaraaneyso. Taasi waa mida dhalisay guuldarada qaybaha kala duwan ee amaanka. Waa fadeexad weyn in maalin walba la dilo dad, ciidanka amaankuna aaney helin ciddii dilka geysatey iyo wax raad ah haba yaraatee.

Waa maxay xalka lagu badbaadin karo puntland?

Haddaba ugu horeyn waa in dowladu ka shaqeysaa sidii ay usoo celin lahayd kalsoonidii shicibka guud ahaan Puntland gaar ahaana magaalada Boosaaso iyo gobolka bari.

1.Waa in madaxweynuhu ku baaqaa shir deg-deg ah ay ka qayb qaataan; caaqilada,nabadoonada,garaadyada, islaanada, ugaasyada,boqorada, suldaanada, iyo beeldaajiyayaasha.

Qaladka ugu weyn ee ay dowlada Faroole sameysay waxaa uu ahaa iyadoo aaney dowladu wax weyn oo xil ah iska saarin doorka ay isimadu ku leeyihiin siyaasada Puntland. Waxaa ay ila tahay in aan la dhayalsan karin kaalinta ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin puntland.

Shirkaas odayaasha dhaqanka la isugu yeero waa in lagu qabtaa magaalada boosaaso lana soo celiyaa iyadoo weliba lagu tixgelinaayo doorkii isimadu lahaayeen. Waa in shirkaas lagu lafa guraa sidii Puntland loo badbaadin lahaa. Haddii isfaham halkaas ka dhaco, isim walbaa waxaa uu la hadlayaa dadka uu isimka u yahay si puntland dagaal sokeeye looga badbaadiyo.

2.Dadka mucaaradka ku ah xukuumada Puntland ee ay ka mid yihiin siyaasiyiin hore oo caan ah iyo ganacsatoba waa in lala furaa wada hadal. Loona ogolaadaa iney furtaan xisbi mucaarad ah, walow uusan nidaamkii xisbiyada diyaar ahayn hadana in la isa sii diyaariyo waa wax wanaagsan. Odayga mucaaradka ku ah dowlada hadda jirtaana waxaa uu helaayaa fursad uu godka kaga soo baxo oo uu maalin cad wax dhaliili karo isagoo si cad u isticmaalaaya afkiisa, aqoonstiisa iyo dhaqaalihiisa. Waxaa meesha ka baxaysa mucaaradnimada habeenkii la wado ama la isticmaalo ilo kale oo aan feker dheer lahayn.Mucaaradnimadaas habeenkii ah qayb weyn ayey ka qaadataa amaandarida Puntland.

3.Waa in  maamulku joojiyo ciqaabta guud ee dadka aan ka soo jeedin Puntland ( the collective punishment of all people from south is unacceptable). Dadka wada nabadgelyo xumada waa in ciqaabta ay mudan yihiin la mariyaa meesha ay doonaanba haka soo jeedaane. Waa laga yaabaa in meelo kale taageero ka timaado balse dadka fuliya falalka nabadgelya xumida ah ee puntland ka dhacaa intooda badani waa reer puntland. Xalka meesha uu jiro halaga doono ee yaan meel kale wakhti lagu dhumin.

4. Dagaal lagu qaado meelo puntland ka mid ah iyadoo aan cuqaasha iyo salaadiinta iyo shicibka puntland laga haysan kalsooni waxaa ay dhalin doontaa bur-bur iyo kooxo kala duwan oo puntland ka dilaaca. Waxaan arkaa saan-saan la mid ah arimihii dhaliyey dagaalkii ka dhacay garoonka Boosaaso oo c/lahi yusuf looga soo horjeedey. Qaladkii waagaas dhacay yuu dhicin. Maskaxda iyo fikirka saliimka ahi ha shaqeeyo. Ha la isdhegeysto, maamul, dowlad iyo shiciba si wadajir xal loogu helo arimaha murugsan ee Puntland.

Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen
Master degree in economics
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Aragtida Maqaalkan waxaa lagala xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Heshiis Qarsoodi ah oo dhexmaray Dowlada Federaalka iyo Dowlada Holland
Dowlada Holland ayaa wada qorshe ay dooneyso inay si khasab ah dib ugu celiso Koonfurta Soomaaliya, Qaxootiga Soomaalida ah ee Sharciga loo diiday, kadib markii arrintaasi ay heshiis kala saxiixdeen dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qoraal maanta kasoo baxay Hay’ada u dooda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa dhaliiceysay heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Holland oo lagu doonayo in dadka Soomaalida ah ee sharciga loo diiday dalka Holland in dib loogu cesho dalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ah mid qarsoodi ah oo aan illaa iyo hada la shaacin, waxayna dowlada Holland diiday inay soo bandhigto qoraalka Saxiixa Heshiiskan dhexmaray mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada The Netherlands.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan hada 8 qof oo Soomaali ah oo ay dowlada Holland dooneyso inay ku celiso Koonfurta Soomaaliya, maalmaha soo socda, ayadoo suurtogal tahay in maalinta 24ka July qaar kamid ah dadkan si xoog ah looga saaro dalka Holland.

Arrintan ayey hay’ada Human Rights Watch si weyn walaac uga muujisay, ayadoo Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah goobta kaliya oo ay Dowlada Federaalka ku sugan tahay ay tahay meel weli dagaalo ka socdaan.

Human Rights Watch ayaa uga digtay dowlada Holland inay ku dhaqaaqdo qorshahan ay damacsan tahay, ayadoo lagu tilmaamay falkan mid lid ku ah ama kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ku aadan dadka magan-gelyo doonka ah iyo Qaxootiga.

Horey ayey u jireen heshiis sidan oo kale la sheegay inuu dhexmaray Somaliland iyo Holland oo ku aadan dadka la celinayo, balse dhawaan ayey Somaliland sheegtay inay dib uga noqotay heshiiskaas kadib markii cadaadis soo foodsaaray.

Dowlada Puntland ayaa ayadu ka gaabsatay codsi horey uga yimid dhanka Dowlada Holland ee ah in dhulkooda lagu soo cesho dadka laga soo tarxiilayo Holland.

Balse waxaa hada muuqata in ay jirto heshiis ka yimid dhanka Federaalka oo u ogolaanaya dowlada Holland inay si khasab ah kusoo celiso dadka Soomaalida ah ee hada lagu hayo xeryaha Qaxootiga ee dalka Holland, kuwooda loodiiday sharciga.

Warar hoose oo Horseed Media soo gaaraya ayaa sheegay in heshiis uu dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi halkaasi oo xubno matalayey Dowlada Federaalka ay kula kulmeen wafdi ka socday Wasaarada Cadaalada ee dalka Holland, halkaasi oo sida la rumeysan yahay lagu kala saxiixday heshiiskan.

Dhanka kale Maxkamada Darajada 1aad ee caasimada Holland ee Amsterdam ayaa ka codsatay Wasaarada Cadaalada ee Holland inay soo bandhigto qoraalka heshiiskan lagu saxiixay, hase yeeshee Dowlada Holland ayaa arrintan ka cago jiiday, ayadoo sheegtay inay Holland aysan dooneyn inay dhibaato ku timaado xiriirkeeda diblumaasi oo ay la leedahay Dowlada Federaalka.

Dowlada Holland ayaa la filaya in todobaadka illaa iyo bisha Oktoober ee sanadkan 2010 ay dib u celiyaan qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Soomaaliya ee dowlada Holland u diiday inay sharciga qaxootiga siiso.

Abdifutax Ali
Horseed Media

Umadd waliba waxay heshaa maamulkay istaahisho!!
Waxaa dhowaan la xusay sanadguuradii 50aad ee aasaaskii dowladii Soomaaliya. Waa la wada soconaa marxaladihii Soomaaliya soo martay intay soo jirtay. Jiilkeenii dhashay 70-tanaadkii iyo intii naga danbeysay wax badan oo wanaag ah kamaan arag dowladnimida.

Waxbarasho sii xumaanaysay, musuqmaasuq, cadaadin, dagaalo iyo barakac. Hadana soomaalidu waxay lahayd dal lagu yaqaan oo lagu ciseeyo. Waxaa dhacay taariikhdena kala-guurkii ugu darnaa. Waxaa loo yaacay dalkii guduhiisii iyo dibadiisaba. Waxaa loo degay reer reer, loo heshiiyey reer reer, wax loo qaybsaday reer reer isla markaana loo dagaalamay reer reer. Qofkii xabadi dishaa maanta waxay u dhowdahay inay kaga timaado kuwa asaga reer ahaan xiga maadaama lakala soocmay.

Waxaanu helnay ilaa iyo hadeer, afar maamul ama dowladood, dowlada dhexe DKG, Somaliland, Puntland iyo Galmudug. Waxaanu helnoo kale marka laysku daro boqolaal xildhibaan, boqolaal wasiir, intaasoo wasiir ku xigeeno, agaasimeyaal, maamulayaal. Inteenii soo gaartay dowladii kacaanka waxaanu moodi jirnay in xiriir ka dhaxeeyo tirada dowlada iyo fadliga tayadeeda. Waxaan kaloo la yaabanahay sababta isku shaandhaynta golayaasha wasiirada ay u tahay wax qasab inay isku bedesho sida afarta nur (nur waa xiliga sida xagaaga iyo gu´a).

Akhriste baarlamaanka dowlada federaalka ee ku meelgaarka ah wuxuu ka kooban yahay waqtigaan aan qoraalkan qoraayo 550 xildhibaan. Waqti ka hor wuxuu ka koobnaa 275, laakiin heshiis ayaa kooxo muran dhex yiil ku galeen in la labajibaaro habeen kaliya. Alxamdulilaahi! Waxaa moodaa in xaaladu sidan ka xasiloonayd markii caddadu koobnayd. Dowlada Maraykanka ee dhaqaale ahaan dunida u horaysa ayaa shacbigeedu dhanyahay 309 milyan.

Kongareeska maraykanka wuxuu ka kooban 2 aqal ay wadartoodu tahay 435+100 = 535 xubnood. Xubin kasta aqaladaa ka tirasan waxay meteshaa ilaa 600 000 qofood oo maraykan ah. Ma fahmin weli sababta 9 malyan oo qofood, qaarkood qaxooti ku yihiin wadanka dibadiisa, qaarna nolol iyo macaash ku joogaan wadamo kale, ay baahi aad ugu qabayso 550 xubnood baarlamaan ka kooban. Xubin kastoo ka tirsan baarlamaanka DKG waxay meteshaa qiyaastii 16 300 qofood ( 9 000 000/550 = 16 364).

Tranparecy International waa urur caalami ah hadafkiisuna yahay la dagaalanka musuqmaasuqa aduunka kuna yaal wadanka Jarmalka. Ururkan wuxuu sanadkiiba mar soo saaraa liis ku saabsan sida wadamada dunidu ukala musuqmaasuqsanyihiin. Akhristow aduunka waa lakala nasiib badanyahay. Nasiibkeenii soomaalinimo wuxuu noqday, bal akhristow in yar meel cusko, wadankii 180aad ee liiskii la soosaaray sanadkii 2008.

Caddada inta wadanee liiska ku jirtaa ayaaba ahayd 180 wadan. Micnuhu waxaa weeye Soomaaliya waxay noqotay wadanka ugu musuqmaasuq badan dunida sanadkii 2008. Hambalyo leeyahay madaxweyne Sheekh Shariif! Hadaad eegtaan liiska kaalinta koowaad waxaa wada galay Denmark, New Zealand iyo Sweden oo noqday wadamada ugu musuqmaasuqa yar dunida.

Waa la ogaan doonaa hadey saamayn wanaag ah ku samayso inteena soomaalida ahee Iswidhan ku nool. Malaha waxaanu noqon doonaa inta soomaalida ugu musuqmaasuq yar. Akhristow hadaad xiisaynayso heerarka ay yimaadeen wadamada Soomaaliya jaarka latahay ee xalka udoonaya soomaalida khilaafkeeda waa sidatan: Jabuuti 102aad, Itoobiya 126aad, Ugaandha 126aad iyo Keenya oo gashay kaalinta 147aad.

Waxaa ila quruxbadan in marka hore dariskeenu iyaga xaliyaan musuqmaasuqooda markaa kadib ay soomaalida heshiisiinteeda u soo laabtaan. Fursad waqti ay ugu soo laabtaan xalinta Soomaaliya haday dhab ka tahay waa haystaan, qofkee caqli lahoo filaaya in Soomaaliya heshiiso labaatanka sanee soo socda?

Waxaa isku shaandhaytii golaha wasiirada ugu danbeysay waqtigan aan qorayo qoraalkan lagu sameeyey golaha wasiirada ee dowlada dhexe ee DKG. Hambalyo soomaaliyeey!! waxaanu helnay habeen kaliya 39 wasiir. Idinku kaftmayi maayo.

Waxaan ku faani karnaa inaan helnay labo wasaaradood oo kala ah, wasaarada beeraha iyo wasaarada bay´ada iyo dhirta. Marbaan waxaan is mooday in af-soomaaligii iga daciifay ama qoraalkii rasiisulwasaaraha soo saaray qalad loo dhigay. Xagee xuduuda shaqada ee labada wasaaradood martaa?

Nin aan aqaan ayaan bal weydii is iri. Jawaabtuu isiiyeyna xoogaa welwel igalisay: Beerta waa tan dadka abuurtaan, dhirtase waa tan ilaahay iskeed usoo saaray. Beeraha iyo dhirtaan udaynayaa inay isku afgartaan. Waxaad moodaa in sicirbararkii lacagtii, baarlamaankii iyo dowladii dhaafay gaarayna dhirtii iyo beerihii.

Ma ogi qorshaha iyo shaqada wasiirka wasaarada hub ka dhigista iyo jihaynta maleeshiyaadka laakiin waxaan ku wadaa inuu la tashan doono wasiirka gaashaandhiga iyo kooxaha Al Shabaab, Xisbul Islaam iyo Al Suna wa Jameeca. Sidoo kale ma sahlana ogaanshaha qorshaha wasiirka lacagta lakiin sidoo kalaan isleeyahay wuu la tashan wasiirka maaliyada. Marbaan is iri amaad raiisulwasaarahu ubandhigtaa in labada wasaaradood layskuba daro, hadana waan isceebsaday mar danbe.

Waxaa igu maqaal ah in nin oday ahoo toboneeyo sano magaalada London qaxooti ku ahaa weli jago loo la yahay. Odaygu waxay reerkiisii ku dacwoodeen in hadii kale taageerada ay kala noqon doonaan dowaladda ku meelgaarka ah. Inakastoo odaygu uusan waxba qorin waxna aqrin caafimaadkiisuna aad u liito, hadana dowladii kacaanka wuxuu kagaaray ilaa iyo heer wasiir ku xigeen dowladana meelo kasoo hayey. Bal waxaan ka eegayaa liiska soo socdee isku shaandhaynta dowlada soo socota oo aan rajeynayo inaysan fogayn.

Waxaa ilaahay ina siisey sadex raiisulwasaare ku xigeen sida ku cadayd qoraalka uu rasiisulwasaaraha soosaray 2010-07-03 ee ku saabsan liiska wasiirada DKG. Waxaan qiyaasayaa inay sida magacyadooda ukala horeeyaan ay ukala yihiin kuxigeenka koowaad, labaad iyo sadexaad. Kuma cadayn kolay liiskii raiisulwasaaraha soo saaray.

Ku xigeenadu waxay kaloo hayaan wasaaradaha kala ah, dekadaha iyo gadiidka badda, kaluumaysiga iyo kheyraadka badda iyo wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka. Ma lala tashan ayaan filayaa burcadbadeedka soomalida, qibradoodana lagama faaiidaysan.

Waxaa laga yaabi lahaa inay usoo jeediyaan raiisulwasaaraha isku darka sadexdaa wasaaradood, labada wasiiree ka baxaya meeshana mushaharadooda, ilayn mushahar la´aaan uma shaqeeyaane, lagu wareejiyo wasaarada gargaarka aadamiga, oo aan rajeynayo in gargaarka aadamiga soomaaliyeed loola jeedo, si ay maatada soo bara kacdayee ku nool ceelasha biyaha loo quudiyo.

Waxaan helnay wasaarada horumarinta reer miyiga. Waxaa la igu wargeliyey in dowlada dhexe ay ku koobantahay waqtigan aan qorayo qoraalkan, xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Ilaahay ha u fududeeyo howsha wasiirka.

Miyiga horumarintiisa ma sahlana hadaadan magaalada maamulkeedaba aadan wada hayn, miyigiina aadan gaari karin. Waan filayaa in wasiirku aqoon miyiga uleeyahaye uusan sideydoo kale ku dhalan degmada Shibis, Waaberina ku soo korin, Iswidhana noloshiisa in ka badan barkeed ku noolayn. Damiin reer magaal ah sidaydoo kale maxaa wasaarada horumarinta miyiga lagala dooni lahaa. Malaha waan qaldanahay!

Waxaan helnay wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta, waana jeclahay inay guulaysato. Yaa haya tirakoobka sanadkii lasoo dhaafay inta qofee dalxiis ku tagtay xaafadaha magaalada Muqdisha? Welwel akhristow ha is galin. Mar dhoweyd wuxuu wasiirka cusubee warfaafinta C/raxmaan Cumar Yariisoow sheegay in dowladu mar dhow qaadi doonto talaabooyin ay dalkoo dhan ku qabanayso. Alxamdulilaahi! Ma garan siday usuuroobayso iyo intay ku qaadan doonto dowlada gaarida hadafkan. Malaha wadaadaduu rabaa wasiirku inuu sasabto ilayn dagaal waxba waa looga qaadi waayaye. Wadaad aaminsan in dagaalkeena sokeeye fadli leeyahay, janadana lagu galaayo qarxinta dadaan wax galafsan. Malaha waan qaldahay!

Mise wadaadadu waxay weli ku mashquulsanyihiin meelmarinta sharciyada cusub ee gobolka Shabeelada dhexe. Waxaa laga yaabaa inaad akhristow isweydiiso waa maxay sharciga cusubee soo baxay?

Todobaad ka hor waxa soo baxay sharci mamnuucaya tacsida. Wadaadadii waxay xaqiijiyeen in tacsidu diinta ku reebantahay. Fulinta sharcigan waxay ubaahantahay ayaan filayaa in guri walboo laga geeriyooday isha lagu hayo ilaa iyo todoba maalmood si aan cuno looga karsan. Todoba maalmood waxaan u iri in soomaalidu qaarkeed ilaa todoba maalmood tacsida wadi jirtay. Hadii ehelka/saaxiibada tacsida soo booqanaya ay gaajo ku qabato meesha waa inay qatanaadaan ilaa ay meel kale ka tagayaan. Hadii kale sharcigii waa burinayaan ciqaabna mudanayaan. Caruurta kolay kuma jirtaan ku xisaabinayaa.

Waqtigaan aan qorayo qoraalkan mahayo ciqaabta lagu qaadayo qofkii jebiya sharcigaa inta ay dhantahay. Hadii la doono waa la garbaashi, hadii kale gacata ama lugtaa laga goyn. Uma malaynayo in qoorta laga gooynayo qof islaam ah tacsi darteed inkastoo ay cunadu dhuunta marayso. Qurbaheena inta joogta tacsi badan oo cuno laga karsho ma aragno in kastoo dhimashadu meel walba nagu hesho.

Marka anaga wax badan nama quseeyo sharcigan baan isleeyahay. Teeda kale waqtigan qurbaha badanaa tacsida si fudud ayaa taleefan laysugu tacsiyeeyaa. Shacabka Shabeelada dhexe waxaan kula talin lahaa inay ku daydaan walaalahooda qurbajoogta. Faaiido kalaa ku jirta mamnuucaan tacsida, in dadku sinaanayaan kii xoolo leh iyo kii faqri ahba. Ilayn geerida ka dib camalkaa raaca qofkee maalku wax ma taro. Bal qiyaas hadii adigoo aan waxba haysan geeri ehelkaaga ku timaado. Maxaad qaban? Tacsina xaafadoo dhan kugu fadhido inaa dhigto soona digto?

Malaha ayuutaa ku jirtaa ama deyn ayaad kusoo qaadan si aad boqolaal qofood u quudiso. Waxaan is iri tacsidiina ma halagaa sheegay noqotay. Malaha waan qaldanahay.

Akhriste, dowladan Sweden oo tiro ahaan dhan 9 malyan oo qofood. Daqliga dowlada ka baxay sanadkii lasoo dhaafaye 2009 wuxuu dhamaa 766 billion oo karoonka lacagtan Sweden ah oo u dhiganta qiyaastii 102 billion US dollars.(halkii billion wuxuu u dhigmaa kun malyan) Dowladan waxay ka koobantahay 22 wasiir marka rasiisulwasaaraha lagu daro. Bar wasiiradu waa rag barka kalena waa haween.

Afartii sanee lasoo dhaafay ee dowladan fadhida xilka haysay waxaa iscasilay ama shaqadii bedeshay ilaa 6-7 wasiir. Mar kaliya isku shaandheyn lama sayn. Isbedelo ku dhaca golaha wasiiradu wuxuu dhalin karaa qasaare ku yimaada siyaasada dowlada, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo weliba aaminaada maalgeliyayaasha dibada u hayaan wadanka. Marka madaxa dowladu waa iska ilaaliyaa casilaada/isku shaandhaynta golaha wasiirada labo doorasho dhexdeed.

Doorashadaan ku keenaye waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa shacabka ku nool Somaliland sidii kudayashada mudnayd ee ay udhaceen doorashooyinkii madaxweynanimada. In kooxdii laga guulaystay ay aqbashay guuldarada waa wax amaan mudan. Saaxiibkey ayaa laakiin mardhoweyd iskudayey dhaliil inuu ku biiriyo arintaa. Wuxuu ula jeeday in wasiiradii maamulka horee shaqada iska dhiibaya ay hantidii ay haysteen ee shacabka iibinayaan iyadoo ay adagtahay in lahelo diiwanka hantida shacabka.

Hadaanba hub la isku qaadane ee shacabka rabitaankiisii la tixgaliyey maan maqsuud iska noqono yaan qalbiga iska iri. Tankale hadii wasiiradii iyo intii kalee maamulka haysay ay iibshaan gaadiidkii iyo hantidii kale, mawaan loo arki karin magdhow caymis ah oo looga badbaadinayo shaqa la aanta ku dhacaysa ka dib markay maamulka dhiibaan? Waxaan is iri bal eeg waxa dastuurka Somaliland ka qabo hantida guud ama qaranka.

Qodobka 12aad ee dastuurka Somaliland qaybtiisa 2aad waxaa ku xusan “Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana qeexaya xeer”

Qaybta 5aad isla qodobkaa 12aad ee dastuurka waxaa iyana ku xusan “Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan”

Ma sahlana in qof kasta oo aan sharci yaqaan ahayn fahmo dhamaan qodobada iyo qaybaha dastuurka. Waxaa nagu filan inaan fahano waxa ka danbeeya dejinta qodobadan dastuurka. Ula jeedaasoo filaayo inay tahay ilaalinta iyo dhowrida hantida guud. Marka hadii dastuurkii lagu qeexay inakastoo ayna aad ugu cadayn waxaan soo jeedinayaa in tirakoob lagu sameeyo hantida guud dhamaanteed kadibna maamulka cusuboo dhan dhamaantiis laga ansixiyo inta hanti ay adeegsanayaan intay maamulka hayaan, si markay xilka wareejinayaan ay u fududaato xisaabinteeda.

Waxaan kaloo soo jeedinayaa in hay´ad gaar ah oo arintan fulisa lasoo dhiso, kana madaxbanaan xorna ka ah dowlada.
Qof kastoo oo qaangaar ah maamul ha hayo ama yuusan hayn waa ka xaaraan inuu qaato idin la aan hanti uusan lahayn, laakiin intii xornimada jirtay waxaan tartan ugalnay xatooyada hantida guud. Wax kastoo ilaahay reebay hadaan samaynay ma yaabaa in natiijadan aan helayno?

Waxaan beri usoo joogay nin ay ku adkeyd inuu shaqadiisii si xalaal iskaga masruufo. Maalin baa waxaa loo magacaabay xil sare. Bilo kadib dadka asagaa ugu hodansanaa. Waxaa intaa ku darayaa intii aragtayna inay amaan la hortaagnaayeen. Hebel ma taqaan? aniga iyo asaga waxaanu nahay habro wadaag, mayee daris baan ahayn, aniga adeerkay iyo hebel geeloodaa beri wada daaqay. mayee aabihii iyo eedaday ayaa isku qubuur ku aasan.

Ninkii wuxuu noqday dadka ragga loogu amaano oo dadka meel walba kasoo gala. Waalidkeey ilaahay naxariis aduun iyo mid aaqiro ha siiyee waxay iisheegeen waxaadan lahayn hadaad qaadato tuug baa tahay. Ma tuug baan oran karaa nin raggoo idil ay doonayaan inay u ekaadaan. Asagoo wax xadayana ma arag runtii marka danbi bay igu noqonaysaa, laakiin waxaan mar danboo caqliyeystay is iri sidaa xowliga ah hadii maalka loo samaysan karo waxaa wax ka keeni lahaa Maadeey Sheekh Mad Kuule.

Maadeey wuxuu ahaa nin dariskeena, salaada subax laga bilaabo ilaa iyo habeenkii shaqaysan jiray ilaahayna ka cabsada oo salaadu dhaafin. Wuxuu ahaa nin tuugsada. Inta qurbajoogta ah ee tuugsashada aan aqoon waxaan ula barbardhigayaa cayrta. Laakiin tuugsashadii soomaaliya ma ahayn mid leh xafiis iyo shaqaale ee qofku wuxuu baryiyi jiray intii ka hortimaada.

Dadkana sharci qasbaayey iyo canshuurbixi waxba uma bixin jirine, sadaqay ka ahayd. Maadeey todobada maalin waa shaqaynsan jiray. Inkastoon aad udhalinyaraa markaas waxaan su aalay Maadeey maalin inuu wax haysto iyo in kale?

Wuxuu iisheegay xoolo inay u joogaan gobolka Baay. Xoolaha uu sheegayey waxay isugu jireen geel iyo lo ka badan iyo xoogaa ari ahaa aruurinteeda ay ku qaadatay ilaa iyo labaatan iyo labo sanadood. Weli waxaan isweydiiyaa waxa ku kalifaaya qof wax haysta inuu hadana dad baryo iyo waxay diintu ka qabto wadaadadana ka yiraahdeen. Waxaan soo xasuustay xadiis. Abuu Hurayrah Alla ha ka raali noqdee wuxuu yiri: Nabigu CSW wuxuu yiri: Qofkii ka baryaa dadka (wax uun) wax badsi darteed, dhabtii wuxuu baryaa waa dhuxul dab ah (yacni iyadoo dhuxul dab ah baa lagu gubi maalinta qiyaame). Hadaba qofka isagay jirtaa inuu badsadaa iyo iyo inuu yaraystaa. (Macnaha inuu kusii socdo ama iska daayo) Xadiiskan waxaa weriyey Muslim.

Waxaad moodaa in marar badan indhaha aan is tirayno. Waa igu yartahay ka qaybqaadashada doodaha soomaalida. Waxaa ugu wacan waqtiga oo aan ii saamaxayn. Waxaase marar maqlaa in aan ka cabanayno madaxweynaha guuldaradiisa ama raiisulwasaaraha wax qabad xumidiisa ama reer hebel waxgarad xumadadooda.

Hadaad ku faraxsantahay in hebel ee reer ahaan kuu xiga in wasiir uu noqdo, adiga kaliya uu baarlamaanka kugu matalo, xoogaa lacag ahna uu jeebka kuu geliyo markaad Nairobi isku aragtaan, maxaad marka ugu diidi in hebelna uu sidaa reerkiisa yeelo? Ma damiin baa damiin kale ka fool xun? Mise tuug baa tuug kale kale ka quruxbadan?

Akhriste haday ahaateen adiga rabitaankaaga, ayididaada, u ola olayntaada iyo weliba taageeridaada sidaa xaaladu ma noqoteen. Hadaad taageerto kaaga ogow kuwa kalena waa kugu dayan. Geesinimadu waxay ku jirtaa inaad kan kuu dhawee qaldan aad qaladka uga hiilisoo ka joojiso. Yaa itusa ninkii isagoo og gala dagaal uu ogyahay inlagaga guulaysanaayo. Dadka maamulka noo hayaana waa dad anaga naga soo dhexbaxay!

Marka soo socdee aad isleedahay dhaleecee dad kale horta adiga is eeg oo iska bilow. Akhriste waxaan maanta ogaaday umad waliba inay hesho maamulkay istaahisho. Waxaan si dhab ah oo daacad ah ilaahay uga baryayaa in mugdiga, jaahilnimada, damiinimada, xaasidnimada iyo nacaybka naga saaro.

Waxaan jeclaan lahaa oo kale inaan kusoo gabagabeeyo qoraalkaygan erayo uu tiriyey Allaha u naxariisto Cabdi Muxumad Amiin sanadkii 1995 lana magacbaxay “WASIIR BEELI KEENTAY”

Wasiir qolo ku yimidoow
Qaaraankii dadweynaha
Lagu yiri wax ugu qabo
Haddaad qaadatoo qaado
Ood waliba sii qaado
Oo qaarna meel dhigato
Ku qunsato muraadkaaga
Haddaad qariso qaarkeed
Qaraabada agtaadiyo
Qaarna qoyska aad siiso
Qaadkiyo sigaarkiyo
Qahwaha kuwaad wadaagtaan
Haddaad qaar ukala dhiibto
Qarankii maxaad tiri?
Anigu waa aan yaabaye
Ayaa iga wakiila?
Oon udhiibtay walaayadeyda
Kumaan woodkayga siiyey?
Nin uu reer soo wakiishay
Wasiirkooda inuu ahaado
Wax qaybsiga inuu u joogo
Waadaanta uu hadhow u buuxsho
Xisaabtooda waalida ah
Inuu marka hore wafeeyo
Wixii soo harana qaato
Sidaa wacad Alle ku maray
Makaas baa iga wakiila?

Wax usheegay una sheegay
Kumana waano qaataan waligood
Waana wax ay eedeen

Waxaan soo xigtay (baaritaankaan sameeyey):
www.hiiraan.com
http://gobolkabanadir.com/?p=1046
http://senate.gov/
http://www.transparency.org/news_room/in_focus/2008/cpi2008/cpi_2008_table
http://www.gedoweb.com/index/modules.php?name=News&file=article&sid=4723
http://www.ekonomifakta.se/sv/Artiklar/2009/November/Sveriges-del-i-EUs-budget/
http://www.sweden.gov.se/sb/d/113
http://somalimonitor.com/blog/archives/406
HILIN HAYAAN (Suugaanta Cabdi Muxummad Amiin) Omhassan Publisher, Daabacaadii koowaad 2006 bogga 197aad
QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA, Yaasiin Cismaan Keenidiid 1976
RIYAADU SAALIXIIN (BEERTII SUUBANAYAASHA) Imaam Abuu Zakariya Yaxya Bin Sharaf An-Nawawi. Waxaa tarjumay Cabdulcasiis Xasan Yacquub, Saad Suubban Riyaad KSA

Qoraagu aad ayuu ugu mahadcelinayaa dhamaan walaaha waqtigooda siiyey akhrinta qoraalkan. Waxaan rajeyn inaan fikradihiina dhaliil iyo amaanba iisoo gudbisaan. Mahadsanidiin!

Hayaan Cabdisalaam Ismaaciil, Sweden

hayan74@hotmail.com

Daba Qabashada Qaranka Soomaaliyeed, Waxaa Ka Horeeya In La Qabto Damiir Laawaha Hunguriga Xun.
By Muna Abshir Abdi Osman, Biomedical scienstist

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ahaato nabigeena suuban dushiisa (CSW). Qormadan hadii alle idmo waxaan ku lafa guri doonnaa qaybo ka mid ah dhibaatada haysata umadda Soomaaliyeed ee burburisey dalkoodii hooyo, walina hor taagan inay xal kama danbays ah gaaraan. Waxaan malin kasta maqlaa, akhriyaa ama  indhahayga ku arkaa dhibka Soomaalida haysta, dagaalka iska socda oo aan wax ula jeed ah lahayn, rafaadka iyo silica umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba haysta.

Waxaa qormadaan in aan qoro igu dhaliyey markaan arkay jaah wareerka umadda Soomaaliyeed haysta iyo beenta  lagu maaweeliyo malin kasta shacabka Soomaaliyeed aan arkay.  Markaan dhex galay arimaha Soomaalida waxaa ii soo baxday in umadda been lagu maaweeliyo oo aan xalku meeshuu jirayba laga raadin, ee darbi cidlaa madaxa lagu garaacayo !!!.

Tusaale ahaan qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, hadii la waydiiyo Soomaalidu maxay isku haystaan ama maxay la heshiin la yihiin wuxuu kuugu jawaabayaa isagoonba su’aasha ka fiirsan ‘’Soomaalida qabiil baa kala geeyey, in la kala dhex galo ma ahee iyagu ma wada hadli karaan, Madaxweyne haday doortaan iyagu cidna qiimaayn mayso, nacayb baa ka dhexeeya umada Soomaaliyeed  oo xal dhexdoodaa ma gaari karaan iwm’’.

Erayada noocaas ah baa hada Soomaalida dhexdeeda caadi ka noqday, kuna noqday arqalad weyn  heshiiska iyo xalka la gaari lahaa. Waxaaa is waydiin mudan nacayb Soomaalida saas u kala fogeeyaa ma dhex yaal ?, hadiise uu jira maxaa sababay ileen Soomaalidu waligood bay is layn jireen oo dirir iyo dagaal dhex marijiray Geelana waa kala qaadi jireen waana ayag ku maah maaha, ” Geel Doono Geesa Dhiiga ayuu dhalaa”, waligoodna qabiilo way lahaayeen, waana ka hishiin jireen dhib kasta oo dhex marana Geed hoostiisbay xaajooyinka maantay taagan ku gorfayn jireen ee waayahaan danbe maxaa ku soo kordhay.

Aqristoow adaan kuu daynayaa fekar-kaaga ku, aadan Soomaalida dhibka dhex yaal oo ay la jaahwareersan yihiin ilaa hada, balse anigu saan qabo qabiilku xalka Soomaaliyeed ma hor taagna, dhib iyo nacayb midna Kama dhex taagna qabaa’ilada Soomaaliyeed ee waa quraafaad ay sameeyeen dad shaqsiyaad ah oo iyagu markaas dano gaar ah ka leh arintaan. Waxaa tusaale fiican maskaxda fayow ugu filan: Soomaalidu waa iska guursadaan, waa wada dhasheen, waa is dhal dhaleen, waa isku luuqad, waa isku sinjiyad (homzygous), waa isku diin, waa isku dal, waa isku dhaqan, waa isu hiiliyaan, cidla iskagama tagaan, waa saaxiibo oo qof Soomaali ah oo qabiilka uu ka dhashay kaliya ku kooban ma jiro, hadduu jirana waa mid iska local ah oo aan qabiil kiisa dad ka baxsanba abid la kulmin.

Hadaba hadiiba ka soo qaad dadka Soomaaliyeed nacayb qabiil ku dhisan ka dhaxeeyo, intaas oo wanaag ah oo kor ku xusan ma dhex mari lahaa ? Meeshaas waxaa ka cad in umadda Soomaaliyeed oo walaalaha ah  uusan ka dhaxayn wax nacayb ah balse waxaa jira damiir laawayaal hunguri xun oo ku dhex jira umadda Soomaaliyeed, kana soo hor jeeda nabada iyo hormarka dalka, kuwaas oo ah rag dhamaantood u shaqeeya shisheeye iyo cadowga dalkeena. Ragaas iyagaa waxaay jecel yihiin had iyo goor in ay umadda walaalahaa kala dilaan oo xumaato iyo rabsho ka dhex abuuraan iyagoo hadalo huu haaya la dhex maraya shacabka si aay xumaato ugu kala dhex abuuraan.

Erayada damiir laawayasha hunguriga xun ku hadaaqaan waxaa ka mid ah:  reer hebel waa bay reer hebel xasuuqeen ee ma og tihiin?, reer hebel waa cadowga reer hebel, reer hebel hada ka hor bay reer hebel geel ka dhaceen, reer hebel hada ka hor bay reer hebel u gabyeen iyo sheekooyin la mid ah oo maalaa yacni ah.  Nasiib daro damiir laawayaasha hunguriga xun dadkii shacabka ahaa way ka caqli badiyeen oo dhamaan waxaay ka dhaadhiciyeen war cadowgeenu waa kan Soomaaligaa ee kula dhashay. Heer waxaay gaareen shacabkii Soomaaliyeed uu meeshuu cadowga isha ku fiirin lahaa uu kan Soomaaliga ah iska ilaaliyo, ileen waa nin loogu sheekeeyey kan baa ah kii ku cirib tiri laaheye.

Daamiir laawayaasha hunguriga xun qadiyad ma leh aan ka ahayn sidee baad wax u dhacdaa? sidee baad shacabka u kala iibsataa?, sidaa baad kursiga ugu sii fadhisaa?, sidee baad lacag ku heshaa? iwm. Dhamaantood waa (self-interested), kaligii taliye, kaligii cune, kaligii noolade, kama fekeraan guul darada ay umaddooda iyo dalkooda u soo hoyiyeen. Damiir laawayaasha hunguriga xun  waxaa ka mid ah ninka shacab kiisa cadowga u soo hogaaminaya, waxaa ka mid ah kan khayradka badeena ka gadanaya shisheeyaha,

waxaa ka mid ah kan shacabka maalin iyo habayn ay ka seexan waayeen oo hoobiyaha la dhex taagan, waxaa ka mid ah kan daawada dhacday ka ganacsada oo shacab kiisa ku baa’binaya isagoo shilimaadka markaas ka soo galaya u xilanaya, waxaa ka mid ah kan sunta (toxic-waste) baddeena in lagu shubo masuulka ka ah, waxaa ka mid ah daba dhilif shisheeyoo, daynaya shisheeyaha, dilayana walaalkiis, waxaa ka mid ah kan caruurtiisa gaystay wadanka dibadiisa, caruur uusan dhalina qaarna hoobiye la dhacayo , qaarna askar  ka dhigtay.

Damiir laawayaasha hunguriga xun umaddooda uma diir naxaan, waa wada dhuuni qaatayaal aan umadooda wax sharaf iyo wanaag ah midna ku dhex lahayn. Waxaay dhamaan ku midoobeen dhaca xaqa masaakiimta,  burburinta dalkooda iyo xasuuqa shacabkooda, dhamaantoodna hoostaas bay ka xariirsan yihiin, oo maalina waa col maalina waa heshiis. Waxaa is waydiin mudan kooxdaan aan damiir laawayaashe hunguriga xun u bixinay ma xishoodaan miyaa? Mida kale shacabku game ka ragaan ciyaarayaan ma fahmin miyaa wali?

Hadba mid miyaa dhahaya anaa madax  ahe i soo daba kaca markaas baay daba yaacayaan iyagoonba is waydiiin war ninkaan waa shaqsi ee horta yaa keensaday, yuu u ciyaaraa, yuu la shaqeeyaa, yaa hubka iyo lacagta siiyaa, yuu ku dilayaa hubka, yaa ninkaan hogaamiye ama madaxweeyne (leader or president) u soo doortay ma shacabka Soomaaliyeed mise belo kale oo aynaan aqoon? Inta aan ninkaan damiir laawahaa ama kooxdaan dhiig miiratadaa la daba yaacin soo ma wanaagsana in su’aalahaan la is waaydiiyo? Hadii shacabku markaas u arkaan in uusan ninkaan dan iyaga u wadin say uga hor tagaan oo war wax yeeladaada nala dhaaf u dhahaan, ileen mar hadii ninkii koox la hayb ah ama  la siyaasad  ah  sameysto  way adag tahay in bari laga hor tagee?

Teeda kale Soomaalidii hore waxaa ka kici jirey rag muwaadiniin ah oo neceb shisheeyaha jeceylna dadkooda iyo dalkooda. Maanta nin kasta oo umadda Soomaaliyeed u kaca maxaa ka dhigay daba-dhilif shisheeye, damiir-laawe iyo dad qal mid ayaa wata oo xabad iskuguna dhiibaya umadda Soomaaliyeed.  Soomaalida waxaa lagu yaqaanay dad firfircoon, fahan badan, geesiyiin ah, muwaadinin ah, isla weyn oo aan wax yaalaha qaarkood qaadan. Waxaa taas cadayn u ah sugaantii hore ee Soomaalida, sida gabaygaan uu tiriyey Ilahay naxariista jana ha siiyee abwaan Abdulkaadir Xirsi yamyam,

‘’ Sinnantaan la magac ahay, sanku neefle ma oggoli, inuu iga sarrayn karo, Ninkaan taydu soli karin, uma yeelo suu rabo, sida dunida qaarkeed ninna kabaha uma sido, Soomaali baan ahay’’, isagoo sii wada wuxuu ku daray ‘’inkastoon sabool ahay, hadana waan sarrigtaa, sacabada ma hoorsado, saaxiib nimaan ahay, cadowgayga lama simo, Soomali baan ahay’’.  Gabaygan wuxuu ka turjumayaa Soomaalidii hore siday isula waynaayeen oo aysan u qadaan jirin wax yaalaha sharaf dhaca ku ah dalkooda, diintooda iyo jiritaankooda.

Gunaanad : Maxaa xal ah?

Sida aan kor ku soo sheegnay Soomaalidu isma necba, xumaatana kama dhaxayso, waa dad ehel ah oo wiil iyo hooyadiis oo kale ah laakiin waxaa kala geeyey daba-dhilif shisheeye iyo damiir laawe imaan la. Dadka Soomaalida haddii laga reebo damiir laawayaasha hunguriga xun waxaay ku nool yihiin nolol aad u hoosaysa, dulmi, cadaalad daro, jahli, gaajo, cuduro isu kaashaday, qaxar iyo dhibaatooyin aan halkaan gaddigood lagu soo wada koobi karin. Soomaalida sumcadoodii wayka dhacday, waxaay maraysaa meeshii ugu hoosaysey.

Dalkoodiina Hooyo  waa burburay oo wuxuu noqday (War zone) goob dagaal waliba taas waxaa ka siidaran oo aysan ilaa hadda dadka Soomaaliyeed intooda badan dareensanayn dhaca iyo boobka dalkooda lagu hayo bad iyo biriba,  iyo waliba dulmiga dadka Soomaalidaa oo muwaadiniintaa shisheeyuhu ku hayaan. Hadaba waxaa muhiim ah in wixii hada ka danbeeya xalka meeshuu ku jiro laga raadiyo oo hadalada kutiri kuteentaa ah oo aan xaqiiqo ku salaysnayn sida reer hebel baa reer hebel neceb intaa la iska daayo xaqqa Allah loo soo noqdo, laguna dhaqaaqo shuruudahaas hoos ku qoran si xal kama danbays ah looga gaaro dhibaatada dhex taal Soomaalida oo 20 ka sano soo jiitamaysey:

In marka ugu horaaysa Ilaahay (swt) la tala saarto oo xumaatada, dulmiga, dhaca, dilka, yasida, faanka iwm oo  loo gaysanayo qofkale oo Soomaali ah, Muslim ah la iska daayo, waayo Ilaahay ma ogola dulmiga iyo cadaalad darada.  Hada ka hor baa Sheikh Haji Ali Abdirahman (may Allah bless his soul) wuxuu yiri ‘’beeyteen mindhaa booligii layska burinmaayo, banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye (macnaha xoolo dadow baa la iska dhacaa), ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane, nina baadil yuu cunin dadow baadi baa tahaye’’.Qofka Muslimka ah waa in uu raadiyaa quud, cunto ‘xalaal’’ ah iyo guri‘xalaal’ ah iskana ilaaliyaa ama ka fogaadaa wixii’ xaraam ‘ah.  Qabyaaladu waa dulmi cid kasta oo raali ka ahna waa danbiilayaal, waxaayna xalaalsadeen wixii ILAAHAY xaraameeyey. Siduu Nabigu yiri (CSW) ruuxa Muslimka ah waa ka xaaraam muslimka xoolihiisa iyo dhiigiisaba, waxaana shar iyo dhibaato ugu filan ruuxa inuu xaqiro ama dulmiyo walaalkiisa Muslimka ah xaqiisa. Sidaa darteed ruuxa mu’minkaa waa inuu ka fogaadaa dhibka walaalihiisa Muslimka ah. Taas baana lagu gaari karaa cadaalad iyo sinaan.

In umadda Soomaaliyeed cafis isu fidiyaan oo qofka bili’ aadamkaa waa khaldamaaye aan la iska aargoosan, aayaha dalkeenana aan ka tashano, iskana dayno dacayada beentaa sida ceebaynta, been abuurka, tuhunka, xaqiraada, mala awaalka iyo isjaajuusida galada loo kala dhuumanayo. Umada Soomaaliyeed waxaay aayahooda ka hadli karaan, xalna ka gaari karaan dhibaatada dhex taal marka ay iyaga ku kooban tahay balse marka 10 jaajuus, 10 cadowgooda ah iyo 10 daba-dhilif ku dhex jiraan heshiis ma gaari karaan mira dhal ah.Soomaalidaa horay ugu maah maahday Doon 2 naakhuuda leh waa jabtaa, Soomaalida xalkoodu wuxuu ku jiraa talo saarasho Ilaahay, cadaaladda, oo laga shaqeeyo iyo gar iyo geed hoostiis oo la tago. Waxaa taas tusaale inuugu filan inta jeer oo Soomaalidu shirar yeesheen (boorti-yeeri) shisheeyana dhex boodayeen dhamaanna fashilaad ku soo afjarmeen. Abwaan sangub baa hada ka hor gabay uu tiriyey waxaa ku jirtay ‘’ninkii dilayey baa u doodayee, nabadba yaaw doonay’’.  Waxaa kale oo iyana mudan in la sheego nin kasta oo madaxweyne loo doorto marka maantoo kale la doorto wuxuu diyaarad u sii saaran yahay wadan kale, wuxuuna wakhtigiisa dhan ku dhamaystaa ileen waa nin la hagayee Diyaraada duusha sii raac, Diyaarada Duusha soo raac.

In la iska qabto dulmi wadaha umadda ku dhex jira oo danaha gaarkaa wata, kana shaqeeya xumaatada, isku dirka iyo burburinta dalka. Dadkaas iyaga ah ma aha in ay waxaan qabiil jeceyl u sameeyaan oo hadii ay qabiilkooda jeceyl iyo muxubo gaar ah u qabaan waxaad arki lahaydeen mid qabiil kiisa daaro dhaadheer u dhisay, iskuula geeyey, isbitaalo u dhisay, wax baray, nabad ka sameeyey meeshaay dagaan. Taas waligeed ma dhicin mana dhacayso in NiN qadiyadiisu qabiil, dhac, dil, qaxin iyo dulmi walaalkiis ku dhisan tahay uu horamar iyo rayn rayn uu u soo hoyiyo kuwa uu haybta la wadaago,waayo laba siyaabood baysan macquul  ku noqon karin : Waa mida koobaad e ninkaan iyo intii la fekerka  ah ee  iyagu markaas qabiil ku raacday kuna midoobey dulmiga qof kale oo walaalkood ah ILAAHAY hormar iyo wanaag ma siinayo waayo ILAHAY waa xaqsoore, xaqdarana laguma hodmo,  waa mida labaad ee nin dilaya walaalkiisa Soomaaliyeed ee la dhashay ee Muslim ka ah qabiil kiisa jaceyl umaba qabi karo, iyaguuna bari dilayaa haday ka hor yimaadaan. Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oranaysa ‘’ labo xaqdaro ku midoowday, xaqaa iska hor keena’’, taasna waa xaqiiq in aay dhacayso.Hadaba waxaa muhiimadu tahay in dadka shacabkaa iska daayaan hadba nin kii durbaanka  u garaaca oo ay aayahooda ka tashtaan. Damiir laawuhu waa shaqsi dadka kale baa ka qaalisan.Dadkaan shaqsiyaadkaa oo nabada Soomaaliyeed ka soo hor jeeda si fudud baa lagu qaban karaa. Qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa saaran xaq ah in uu walaalkiisa Muslimkaa dulmiga ka qabto.Waxaa jira Xadiith Nabigu SCW uu oranayo  walalkaa  2 jeer u hiili, marka la dulminayo kan dulminaya ka qabo , marka uu isagu wax dulminayana isaga qabo oo dheh war jooji waxaa wado ILAAHAY kama raali aha e.Ilaahay wuxuu qur,aan kiisa ku yiri ‘’kuwa xaqa rumeeyow ka  dhawrsada mala awaalka badan, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa danbi weyn, hana is jaajuusina, qaarkiinna qaar yuusan dulmiyin, miyuu jeceyl yahay midkiina inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaa, Allah idin abuurtayna ka dhawrsada waa toobad aqbale naxariistee-suuratul all-hujraath’’. Sida aad ka aragtaan Ilaahay kalimaadkiisa wax yalaha dadka Soomaalidaa ay dhaqanka ka dhigteen sida xanta, beenta, isku dirka, jaajuusnimada, dulmiga oo aan la iska qaban, mala awaalka sida kan anaa og oo waa saas, anaa og oo saas buu damacsan yahay waa xaaraam, wana in aay dadka Soomaalidaa iska dayaan wax yaalaha noocaas oo kale ah, ilaahay waa danbi dhaafe ee ha u toobad keenaan.

In si wadajir ah loo doorto Madaxweeyne cadaalad ah isagoon loo fiirin qabiil kuu ka soo jeedo ee kartidiisa, aqoontiisa, caqligiisa iyo waayo aragnimadiisa lagu doorto. Dadka shacab ka ahna waa in aysan ka hor imaan ee ay ka dhursugaan, waayo hadii qofka laga hor tago fiicnaantiisa iyo xumaantiisa maba la ogaan karo.

Ugu danbaayntii waxaay muhiimada ugu weyn oo xal waara lagu gaari karo tahay in dadka laga wacdiyo wixii xun oo laga bilaabo caruurta yar yar oo hada soo koraysa lagana daayo dhega hadalka iyo erayada nacaybka, takoorka iyo hayb sooca ku salaysan, lana baro aqlaaqda wanaagsan, diinta iyo wadaninimada. Si ay u noqdaan fac ku barbaara barashada Qur’aanka kariimka iyo Sunnada NABIGEENII suubaanaa (NNKH) inagoon dayacayninna cilmiyada kale sida dhakhtarnimada, macalinimada, sharciyada, injineernimada, dhaqalaha, computerka iyo cilmi kasta oo ummada Soomaaliyeed anfacaya,wax kasta oo la baranayaa ha noqdeen Ilaahay wax lagu raali galinayo dadkeena iyo dalkeenana anfacaysa.

Taas waxaan uga bixi karnaa jahliga baahsan oo umaddeena dhibka weyn ku haya. Waayo jaahilnimo waa cudur xun oo aan dawo lahayn. Waxaa jirta maahmaah English ah oo oranaysa ‘’ there is nothing more frightful than ignorance in action’’ taas oo haddii Soomaali lagu macneeyo loola jeedo ‘ma jirto cabsi ka xun jahliga’. Waxaa kale oo iyadana jirta maah maah kale oo English ah taas oo oranaysa ‘’being ignorant is not so much a shame, as being unwilling to learn’’ oo macnaheedu yahay ma aha CEEB weyn in aadan aqoon lahayn balse waxaa ka sii CEEB badan in aadan Rabin in aad yeelati aqoon.Hadaba umadda Soomaaliyeed cida ay sugaysaa waa dhalinyarada, aqoonta leh mid diini iyo mid maadiba, dareensana awooda Ilaahay (swt), aan halmaansanaan aakhiradooda, wadankooda iyo hadafka nolosha loo keenay, dhawrsan oo ka dheer xummaato ee cilmiga ka dhigta hub, caqligana ka dhigta gaashaan adag.  Hadii aan lagu da’daalin da’ yarta soo kacaysa in jahliga iyo xumaatada laga wacdiyo la gaari maayo natiijada la higsanayo.

Wixii qalad iyo qallooc ah waa naftayda iyo shaydaan  Ilaahay iyo Rasuulkiisuna bari bay ka yihiin, marka ha la i soo cafiyo haddii hadal iga dhacay ama cid aan ku qaloociyey.

By Muna Abshir Abdi Osman
Biomedical Scientist ,  London

Wiixii fekrad ah ku soo hagaaji Munadecent@hotmail.co.uk

Waa Bilaahi Towfiiq

Puntland oo Maxkamad gaar ah u samenaysa Argagaxisada iyo sababaha keenay
Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maxkamad gaar ah u sameyn doonto dadka lagu tuhmo falal danbiyeedyada lagu tilmaamo Argagaxinta, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay gobalada Puntland.

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulamo maalmo ka socday magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kulamadaasi ayey ka qeyb galayeen dhamaan Xukuumada oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada.

Kulamadan ayaa si qoto dheer looga hadlay falalkii qorsheysnaa ee ka dhacay Puntland ee isugu jira dilalka, qaraxyada iyo waliba dadka ka danbeeya sidii tilaabo looga qaadi lahaa.

Iswaafajinta Sharciga

Kulamadan ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayey sidii la isu waafajin lahaa Sharciga Puntland ee hada jira ee ku dhisan Shariicada Islaamka, iyo sidii maxkamado gaar ah loogu sameyn lahaa dadka geysta falalka amniga lidka ku ah.

Wasaarada Amniga ee Puntland oo soo gudbisay qorshayaal kala duwan oo ku aadan sidii loo adkeyn lahaa Amniga Puntland, ayaa soo dhaweysay go’aankii ugu horeeyey ee isku raacaan Golaha Wasiirada oo ku aadan dadka geysta falal danbiyeedyada lagu tilmaamay argagaxisada.

Wasiirka Amniga ee Dowlada Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr oo Wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in sharcigan ku aadan Argagaxisada uu yahay kii ugu horeeyey oo si gaar ah wax looga qabanayo kooxaha iyo dadka soo abaabula ama fuliya weerarada argagaxisada iyo dilalka qorsheysan.

“…Argagaxiso waxaanu u naqaan cid walba oo qorsheysa inay dadka ku argagaxiso dilalka arxandarada ah, qaraxyada shacabka lagu dhextuuro, iyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu burburiyo amniga dalka….” ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey arrimaha maxkamada ay qaabilsan tahay.

Wasiirka oo ka hadlayey arrimahan ayaa sheegay in soo saarista sharciga ay salka ku heyso qaraxyadii iyo dilalkii dhawaanahan ka dhacay magaalada Bosaso ee lagu dilay saraakiil iyo madax ka tirsan dowlada Puntland iyo waliba dad rayid ah, asagoo sheegay in loo baahan in xukun culus lagu rido dadka falalkan geysta iyo waliba kuwa gacanta siiya.

Maxkamadan argagaxisada oo ayadu qeyb ka noqon doonta kuwa hada jira ee caadiga ah, ayaa la doonaya sida ay sheegeen xubnaha ka tirsan dowlada Puntland, inay dadjiso maxkamadeynta dadka argagaxisada lagu tuhmo.

Illaa iyo hada lama faah faahin sharciyada lala beegsan karo dadka ayagu gacanta siiya xubnaha lagu tuhmo inay yihiin argagaxiso, ayadoo dowlada Puntland horey digniino uga soo saartay in sharciga lasoo taagi doono cidii gacan siisa dadka geysta falal danbiyeedyada qorsheysan.

Gen.Yusuf Axmed Khayr, Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa sheegay in hada la sugayo sharciyo kale oo cusub oo ay dowladu ansixiso oo kuwaasi oo ku aadan Burcadbadeeda iyo Tahriibta.

Xukun Dil ah

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in qofkii lagu cadeeyo inuu qeyb ka ahaa falalka Argagaxisada uu xukunkiisu uu yahay dil, waxaa sidoo kale la sheegay in xukumo culus lala beegsan doono dadka ayagu soo dhaweeya ama gacan dhaqaale iyo taageero siiya kooxaha falalka argagaxisada geysta.

Fulinta Xukumadii hore loo riday

Kulankan Xukuumada Puntland ka yeelatay arrimaha amniga ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan dhaliilo ku aadan in xabsiyada ay weli ku jiraan dad lagu eedeeyey inay geysteen dilal qorsheysan iyo falal argagaxiso kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay dil, ayaan weli lagu fulin xukunkooda.

In badan oo kamid ah ehelada dadka lagu dilay falalkii ka dhacay Bosaso, ayaa dhaliilay in aysan weli dowlada fulin xukumadii dilalka ahaa oo ay horey u riday maxkamada darajada 1aad ee magaalada Bosaaso, maxkamadaasi oo ah midda inta badan lasoo taago dadka loo soo qabto falalka isugu jira dilka iyo weerarada qorsheysan.

Sirdoonka iyo Danbi baarista.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Puntland ayaa intooda badan isku raacsan in tilaabooyinka ugu muhiimsan ee Dowlada Puntland looga baahan yahay inay xoojiso ayaa dhanka, sirdoonka iyo xog aruurinta ku aadan dadka qorsheeya falalkan iyo waliba danbi baarista daba gasha shaqsiyaadka ka danbeeya weeraradii dhacay.

Dadka ku dhaqan Puntland ayaa ku kala aragti duwan Maxkamda u gaarka ah arrimaha Argagaxisada, ayadoo ay jiraan dad sheegaya in ay noqoneyso mid si gaar ah uga shaqeysa maxkamadeynta dadka arrimahaasi lagu tuhmo isla markaana ah tilaabo horey loo qaaday oo amniga lagu sugayo, halka ay jiraan dad shaki gelinaya in go’aamada kasoo baxa maxkamadaasi ay ka duwanaan doonaan kuwii horey uga soo bixi jiray maxkamadaha hada jira.

Hussein Farah
Horseed Media

Qamriga loo yaqaan DRY GIN, ayaa lagu Burburiyay maanta Qaybta Ciidamada Galkacyo (Sawiro)
Waxaa Maanta Fagaraha Barxada qaybta boliiska gobalka mudug lagu burburiyay ilaa 130 dhalo oo ah maandooriyaha loo yaqaan qamriga .oo ay Ciidanka amaanka gobalka mudug dhawaan gacanta ku soo dhigeen 3 kartoon oo ay ka buuxdo qamriga loo yaqaan gin dry waxana ay ciidamadu ay sheegeen in lagu soo qatay qamrigan gaari ka yimid dhanka Gobalka wardheer degmada galaadi ee ismaalka soomalada itoobia .

Maxkada Darajada koowaad ee gobalka mudug aya ku xukuntay min 6 bilood oo xarig ah Dadkii lagu soo qabtay qamrigan waxayna sidoo kale maxkama xukuntay in meel fagaara ah lagu bur buriyo qamrigan .

Goobta ay ka dhacaysay burburinta qamrigan aya waxa joogay Godoomiyaha maxkamada daraja koowad ee gobalka mudug io xeer ilaaliaha maxkada ,godoomiya maxkamada rafcanka gobalka mudug sidoo kale waxa goobtaas ku sugnaa taliye Ciidamada booliska gobalka mudug G. are muuse xasaasi iyo Qaar ka tir san ciidanka boliiska gobalka mudug

Taliyaha Ciidamad Boliska gobalka mudug G/sare Muuse axmed Cabdi raxman ( Xasaasi) Ayaa ka hadlay goobtaas isagoo u mahad celiyay ciidanka boliiska oo marar badan soo qabtay wax yaalaha qalqalka galiya amanka iyo xasiloonida gobalka mudug waxaana uu ku booriyay in ay san ka caajisin hawsha ay u hyan dalka iyo dadkaba , muuse xasaasi aya sidoo kale waxa uu digniin u diray kooxaha ka ganacsada mandooriyaha isgoo sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonan ciidamada amanka gobalka mudug

Ma Ahan markii ugu horeeysay oo ay ciidanku soo qabtaan Maandooriyaha loo yaqaan qamriga Ha se ahate waxaa jira Goobo waa weyn oo caan ku ah ka ganacsiga qamriga kuwaasi oo ku yaala bartanka magalada Galkacyo waxana dadku ay is weydiiyaan marka ay saxaafad ka maqlaan qamri la qabtay iyo mid la bur buriyayba Sababta ay ciidamadu wax uga qaban la yihiin goobahaasi lagu gado Qamriga Waxana Bulshada ku dhqan gobalkan Ay farta ku gudaan in Dhibka yo Fawdada KA DHalata Galkacyo ay Hooyo U tahay Qamriga Lagu Gado Goobahas.

Ahmed Mohamed Ali ” Caano Geel
Horseed Media Galkacyo Puntland

$13,000 oo dollarka maraykanka ah oo loo Gubey Cadaalad In La Helo Darteed (Daawo)
Gudrun Schyman oo ahaan jirety hoggaamiyaha xisbiga bidixda ama shuuciga ah ee dalka Sweden ayaa maanta ku gubtey dalka Sweden lacag gaareysa 100,000 kun oo lacagta dalka Sweden ah taas oo u dhiganta $13,000 oo dollarka maraykanka ah( Sadex iyo toban kun)

<object
width='621' height='340'><param
name='movie' value='http://www.aftonbladet.se/svn/tv/flash/satelliteUnified.swf?aid=http%3A%2F%2Fwww.aftonbladet.se%2Fwebbtv%2Fnyheter%2Finrikes%2Farticle7423282.ab%3Fservice%3Dtv&mid=http%3A%2F%2Fwww.aftonbladet.se%2Fwebbtv%2F%3Fservice%3Dtv%26menu%3Dtrue&cid=webbtv_nyheter'></param><param
name='allowFullScreen' value='true'></param><param
name='allowScriptAccess' value='always'></param> <embed
src='http://www.aftonbladet.se/svn/tv/flash/satelliteUnified.swf?aid=http%3A%2F%2Fwww.aftonbladet.se%2Fwebbtv%2Fnyheter%2Finrikes%2Farticle7423282.ab%3Fservice%3Dtv&mid=http%3A%2F%2Fwww.aftonbladet.se%2Fwebbtv%2F%3Fservice%3Dtv%26menu%3Dtrue&cid=webbtv_nyheter' type='application/x-shockwave-flash' allowscriptaccess='always' allowFullScreen='true' width='621' height='340'></embed></object>

Gubida lacagta ayaa bilaamatay goor hore oo maanta ah, waxaana goobta yimid dad dalxiisayaal ah iyo qaar ka socda warbaahinta.

Gudrun Schyman ayaa sheegtey in ay gubeyso lacag gaareysa 100,000kr, waxaan u gebynaa waa caddaalad darada haweenku tirsanayaan taas oo aysan raga ula sineyn musharka.

Gudrun Schyman oo lagu yaqaano in ay tahay qof arimaha xaaweleydu madax martey (feminist) ayaa sheegtey in lacagta ay guabayaan ay tahay mid markii hore la iska soo ururiyey, isla markaana ay tahay lacag run ah, waxaana la sheegay in lacagtan ay soo urursheen urur la yiraahdo FI  (Feministiskt initiativ)

“….Waxaan dabka saarney 100,000 oo koron taas oo macnaheedu yahay haweenka aan helin musharka ay xaqa u lahaayeen, marka la eego aqoontooda iyo khibradooda….” ayey tiri Gurdun markii ay 100 u danbeeyey gubtey

Joornaalka Aftonbladet oo xiriir la sameeyey Riksbank ayaa weydiiyey in ay denbi tahay in lacag la gubo si ula kac ah iyo in kale waxaana arintaas uga jawaabey Susanne Meyer Söderlind oo sheegtey inaysan denbi ahayn, laakiin waa jirtey mar ay denbi ahayd.

In badan oo ka mid ah wadamada reer galbeedka ayeysan dhanka musharka ku sineyn raga iyo dumarka waxaana mushar badan la siiyaa ragga, arintaas oo noqotey mid ururada haweenku ay waxba ka qaban waayeen, sida la sheego sababta u weyn arintan ayaa ah in haweenku fasax ka badan kan ragga ay helaan sida marka ay ilmo dhalaan oo kale, inkasta oo ay jiraan arimo kale oo badan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa meesha ka soo baxay hadalkii la sheegay in dhurwaagu yiri markii uu daanyeerka arkey dabadiisa guduudan “Qofna hilibka meel uu u galo ayuu waayey kuwano dabada ayeyba ku warteen”, hadda lacagtii ayaaba sidii hilibkii la dubayaa.

Horseed Media

Fariin Ku Socota Akhristayaasha Horseed Media
Waxaa farxad noo ah in aan maanta u qorno akhristayaasha qiimiga badan ee Horseed Media qoraal kooban kaas oo khuseeya faallooyinka iyo commnetska ay ku qori jireen website-ka Horseed Media, gaar ahaan qaybaha wararka iyaga oo ka faalloonaya wararka ku soo baxa warsidaha Horseed Media kana dhiibanaya aragtidooda.

Horseed Media waxa uu ahaa website-kii u horeeyey ee bilaaba in akhristayaashu ka faalloodaan wararka Soomaalida, si xor ah iyaga oo aan u baahneyn in ay is diiwaan geliyaan, waxaa intaas dheerayd in qaybta maamulka Horseed Media uu akhrin jirey dhamaan qoraalada isla markaana siin jirey oggolaanshaha daabaacaada, inkasta oo ay dhacdey in mararka qaar si aan ku talo gal ahayn loo daabacay faallooyin aan munaasib ahayn kuwaas oo akhristayaashu na ogeysiiyeen kadibna aan ka saarney.

Horseed Media waxa uu yahay website-ka ugu badan ee akhristayaashu ay ka faalloodaan wararka Soomaalida waxaana celcelis maalintii lagu qori jirey 200 oo faallooyin, waxaa dhacdey mararka qaarkood war la daabacay in 24saac gudahood akhristayaashu ka dhiibteen isla warkaas faallooyin gaaraya 150 faallo.

Hadaba maanta oo taariikhdu tahay 21. June 2010, Horseed Media waxa ay bilowdey in aad xubin ka noqon kartid, isla markaana samaysan karitid magac kuu gaar ah (Username), si aad uga qaybqaadato Faallooyinka wararka Horseed Media.

Arintaasi waxa ay dooneysaa in wax ka yar daqiiqad aad ku buuxisid Form-ka diiwaangelinta  (Registration Form), adiga oo buuxinaaya:

Magaca kuu gaarka ah (Username)

Cinwaanka E-mail-kaaga (waa in uu yahay mid jira – Ogow emailkaagu kama muuqan doono webka markii aad faallo dhiibato, waxaa muuqanaya waa magaca isticmaalka ama Username-ka)

Magaca laguugu yeero iyo kan awoowaha ama aabaha

Kadib waxaad dooran Password ama qoraal sir kuu ah laba jeer ayaad ku celin isku day in aan xarfaha Password-ku aysan ka yaraan 6 xaraf

Waxaad oggolaanaysaa xeerarka Horseed Media, in aad dhawreysid

Waxaa emailkaaga kuugu soo dhacaya email lagaaga soo direy webka Horseed Media kaas oo xanbaarsan Link ama URL la doonaayo in aad dib u gujiso si loo ogolaada xubinimada, (Confirm Registration) haddii kale muddo 7 casho ah aadan ku samayn magaca aad dooratay wuu jiritaan beelayaa, waxaa dhici karta in Emailku uu galo qaybta SPAM-ka ama Junk-mailka haddii aad isticmaaleyso Yahoo, sidoo kale waxaa dhici karta in uu kaa daaho ilaa 10 daqiiqo.

Dhanka midig ee website-ka Horseed Media waxaad ku arki Form aad ka geli karto, waxaad awoodaa in markaas aad ka qaybqaadato faallooyinka Horseed Media, adiga oo xor ah isla markaana aysan sugeyn in uu sii daayo maamulku.

Waxaa dhici karta in Browser-kaagu uu xasuusto markasta Username-kaaga kadibna aadan u baahnaan in aad markasta gelisid Username iyo Password waana okey taasi waxaana uu gaar ku yahay Kunbuyuutarka aad isticmaaleysid markaas, waxaana la dhahaa “Cookies”, waxaad Cookies ka delete garayn kartaa Browserka ama daalacdaha aad isticmaaleysid adiga oo taabta Tools kadib Internet Options, waa haddii aad u baahato.

Shaqada maamulku waxa ay noqoneysaa in uu dib u akhriyo faallooyinka akhristayaasha sharafta leh, qofkii lagu arko in uu ku xadgudbey xeerka Horseed Media, qoraaladiisa waa la tirtirayaa, haddii uu mar labaad soo qoro Username-kiisa waa la xanibayaa, haddii uu isku dayo in uu magac kale samaysto isla markaana ku xadgudbo sharciga, waxaa gebigiisaba laga xanibayaa in uu soo booqdo website-ka Horseed Media, anaga oo ka xun.

IS DIIWAAN GELI

AMA

QAYBTA LAGA GALO

wixii aad fahmi weydaan ama idinku adkaada waxaad email u soo diri kartaan:

letters@horseedmedia.net

Horseed Media

Faallo: Doorashada Madaxweynaha Somaliland iyo Waxa Laga Baranaayo
Maalmihii la soo dhaafey waxaa ka socdey Somaliland ololaha doorashooyinka madaxweynaha Somaliland, dhoolatuska ay samaynayaan sadexda Xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid ayaa ahaa mid ruxey qaybo badan oo ka mid ah Somaliland, dhoolatuska ayaa lahaa arimo badan oo xiiso leh, iyada oo aad arkeysid dhalinyaro aad u xamaasadaysan oo isku xardhey halkudhigyada Xisbiyada Somaliland, waqtigaa doorashada ayaa aad u soo dhaw waxaa ay dhacaysaa 26 June 2010 oo ay maalmo yar ka harsan yihiin.

Xisbiyada Somaliland.

Udub

UDUB waaa xisbigii ugu horeeyey ee laga diiwaan geliyo Somaliland  waxaana magiciisa loo soo gaabiyaa (Ururka Dimoqraadiyadda Umadaha Bahoobay), waxaa asaasey Rabbi ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, muddo yar kadib asaaskii xisbiga Udub, Cigaal waa geeriyoodey, waxaana hogaanka u qabtey Madaxweyne Rayaale oo noqdey Madaxweyne kumeel gaar ah markaas, Rayaale ayaa markiiba soo dhaweystey rag ay Cigaal aad u kala fogaayeen kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, xisbiga Udub waxa uu ku doodaa in uu xal u yahay Somaliland isla markaana u taagan yahay midnimada Somaliland, waxaana ay dadka qaarkood ku doodaan haddii aan Rayaale la dooran waxaa dib loogu noqon lahaa sanadihii 1992 – 1997 markaas oo dagaalo sokeeye ka socdeen Somaliland.

Ucid

Xisbiga Ucid (Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka) waa xisbigii labaad ee laga diiwaan geliyo Somaliland, waxaa hormuud ka ahaa qurbo joog khaastan reer Finland waxaana qayb ka ahaa asaaskiisa Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Ciro.

Waxaa la aaminsan yahay talada lagu asaasey UCID in uu lahaa Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaana kartoonka Dhanxiir ee wargeyska Jamhuuriya Sanadkii 2001-dii ka sameeyey oraah aad caan uga noqdey Hargeysa, maadaama ku dhawaaqida magaca xisbigu uu ahaa mid adag ayey ugu yeeri jireen UCI, dhanxiirna waxa uu yiri Odayga (Cigaal) ayuu uciyayaa.

Xisbiga Ucid malahan ahdaaf mucaaradnimo, waxa uu ka hadli jirey arimaha dawladda u yaala ama ay ahayd in ay dawladdu ka hadasho iyada ayuuna hor boodi jirey, waxaana aad loo xasuustaa doorashadii 2003 markii uu ku guuldaraystey Faysal Cali Waraabe, waxa uu ahaa mid warbaahinta u mariya erayo liddi ku ah Siilaanyo oo markaas qaaddacay natiijadii doorashada, sidoo kale waxa uu si buuxda u sheegay in uu diyaar u ahaa in xukuumadda lagu soo daro wasiirna laga siiyo xisbigiisa.

Xisbiga Ucid waxaa mar danbe xubno ka noqdey qurbo joog badan oo aqoonyahan u badan, waxaana uu Xisbiga saddexaad noqdey markii uu kaalinta saddexaad ka galay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka sanadkii 2002, isaga oo codad yar kaga adkaadey xisbigii Dr.Gaboose ee Sahan.

Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa xisbigii u danbeeyey ee Somaliland laga hirgeliyo waxaa la asaasay maalmo yar kadib geeridii Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaa hoggaanka u qabtey rag u badnaa jamhaddii SNM oo uu ugu magacdheeraa Axmed Maxamuud Siilaanyo, Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Aw-Cali.

Taageerayaasha ugu badan ee Kulmiye waxa ay ka yimaadaan Gobolka Togdheer, waxaana uu afka u dhigtey Xisbi ka horeeyey Kulmiye oo  Saleebaan Gaal oday ka ahaa kaas oo lagu magaacbi jirey ASAD Party, waana midda ku kaliftey in Saleebaan Gaal uu u galo Udubtii uu aadka uga soo horjeedi jirey.

Doorashadii Hore ee Somaliland

Waxyaabaha ugu badan ee uu ku faano Daahir Rayaale Kaahin ayaa ahayd qabashada doorashadii Madaxweynaha iyo kuwii goloyaasha deegaanka, marka Rayaale qabanaayey doorashada waxa uu madaxweyne ahaa muddo sanad ka yar, ma ahayn nin si fiican loo bartay, isaga qudhiisu ma aanu helin khibrad dheeraad ah iyo tabaha saldanada loo adkeysto, waxaana lagu tilmaamaa in uu qaadey tilaabo geesinimo leh isaga oo khamaarey.

Doorashadii hore ee Madaxweynaha Somaliland waxaa la qabtey sanadkii 2003 bishii April waxaana u tartamay Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Doorashada ayaa ahayd mid taariikhi ah waxaana ay ahayd markii u horeysey muddo 36 sano ah, codadka la dhiibtey ayaa gaaraayey 500,000 oo cod, sadexda xisbi  midna ma helin wax ka badan 51%, waxaana ay ahayd mid ay aad isugu dhawaayeen, labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye.

Udub     205,590 cod 42.8%

Kulmiye  205,372 Cod 42.7%

Ucid     77,160 cod   15.8%

Sida ka muuqata codadkii la dhiibtey doorashadii 2003 waxaa aad isugu dhawaa Udub iyo Kulmiye, waxaana natiijada diidey in uu aqbalo Siilaanyo oo ahaa musharaxa xisbiga Kulmiye, kadib markii maxkmadda sare ay goysey in Kulmiye looga adkaadey 218 cod oo keliya.

Inkasta oo markii dib loogu laabtey Sanduukhyo kale oo la sheegay in aan la tirin Kulmiye uu ka helay codad gaaraya 144 cod, waxaana  arinta soo dhexgalay Golaha guurtiga, odoyaasha dhaqanka kuwaas oo ku qanciyey Siilaanyo in looga adkaadey 74 cod oo keliya, isla markaana uu aqbalo isaga oo dadka iyo dalka u daneynaaya, waxayna u balanqaadeen in ay ku taageeri doonaan doorashada danbe ee dhacaysa 5 sano kadib.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu kursiga ku fariistey isaga oo aan ahayn madaxweyne si aqlabiyad ah lagu doortey  ama  aan helin 50% codad ka badan, waxaana uu shantii sano ku darsaday laba sano oo wafo ah ama dheeraad ah.

Dhoolatuska Doorashada 2010

Dhoolatuska ay wadaan xisbiyada Somaliland iyo isu soo baxyada ayaa ah kuwo lagu amaani karo dadka Somaliland, sida nabad gelyada, dimoqraadiyadda ah oo ay isugu soo baxayaan isla markaana loo soo kala jiidanaayo codbixiyaasha,  waa mid lagu faani karo, taas oo muujinaysa biseylka siyaasadeed ee ay gaareen Somaliland,  inkasta oo ay ka muuqato dhaliilo badan isu soo baxyada ay sameeyaan taageerayaasha xibiyadda Somaliland;  Ciladaha ka muuqda ayaa waxaa kamid ah:

Calaamadaha lagu kala garto waa mid isku mid ah dharka iyo calamada midabka cagaarka ama akhdarka ah ayey ka siman yihiin.

Khudbadaha ay isu jeediyaan waxa ay ka maran yihiin in dadka la geliyo himilo, iyo yididiilo kuwaas oo loogu soo bandhigaayo waxa la qabanaayo iyada oo maalinba dhinac laga eegaayo laakiin waxaad  arkeysaa in khudbaduhu ay ka mideysan yihiin  erayo aan macno badan ku dhisneyn sida Hanoolaado xibigeenu, codka sow xisbigeena siin meysaan iyo erayo kale oo Kacaanimo ah.

Dadka ka qaybqaata isusoobaxyada (Political rally) waxa ay u badan yihiin dad aan codbixiyaal ahayn kuwaas oo u badan caruuro ka yar 18 sano.

Mid ka mid ah dadka ka qaybqaatey isu soobaxyada ayaa ii sheegay in uu maalinkasta ka qaybqaato Xisbi kasatana uu tago fagaarayaasha ay ka hadlayaan, mar aan weydiiyey in sababtu tahay in uu ku jiro baaritaan kii uu dooran lahaa ayuu ku jawaabey kaan dooran lahaa beeshayda ayaa goysey ee waxaan meesha u tagaa waa farxad iyo dabaaldeg oo kale, dadka intooda badana waa sidaas.

Waxaad arkeysaa beelaha qaar oo soo saaraya baaqyo isla markaana qabanaaya shirar iyaga oo daaha ka qaadaya in ay ka diga rogteen xisbi  hebel isla markaana ay ku wareegeen xisbi kale, waxaana arimahaas sabab u ah balanqaadka ay ka helaan xisbiyada sida waxa uu u qabanaayo Beesha, Waxaa jira siyaasiyiin muddo dheer xisbi ka tirsanaa oo xisbi kale u ololeynaaya taasna waxa ay muujineysaa sida xisbiyadu aysan u ahayn kuwo barnaamij iyo mabaadi  cad ku dhisan ee ay tahay sida uu siyaasigu dantiisa uga dhex arko waxaana tusaale ku filan Cismaan Hindi oo muddo dheer ka tirsanaa Kulmiye haddana ah Abaanduulaha Udub iyo Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare” Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha oo mar ahaa ninka xisbiga Kulmiye ugu nebcaa kaas oo hadda u ololeeya Kulmiye.

Tabta iyo Xeeladaha Xisbiyada

Doorashada ayaa ah mid maraysa hal wereeg, musharixiinta ayaa ku kala baxaysa cod dheeri, taas oo mar labaad sabab u noqon karta in Dawladdu noqoto “Minority Government” mid aan haysan aqlabiyadda codbxiyaasha, Somaliland uma saamaxayso in doorashadu ay marto wareeg labaad taas oo u baahan dhaqaale badan.

Xisbiyada Somaliland ayaa taageerayaasha ay ku leeyihiin gobolada ay ku kala duwan yihiin waxaana jira tabo iyo xeelado ay isticmaalayaan.

Istraatiijiyada Xisbiga Udub ayaa u muuqata in gobolada ay u kala qaybiyey kuwo waaweyn iyo kuwo yar-yar sadexda gobol ee ay degan yihiin dadka ugu badan ee Maroodijeex (Hargeysa) Togdhdeer (Burco) iyo Awdal (Boorame), xisbiga Udub waxa uu aaminsan yahay in codadka ugu badan ee Awdal ay helayaan, sidoo kale Hargeysa ay kaalinta kowaad ama labaad ay galayaan, halka Gobolka Todheer ay kaalinta labaad ku soo baxayaan.

Gobolka Saaxil (Berbera) ayaa sidoo kale xisbiga Udub la aaminsan yahay in uu kaalinta kowaad ku soo baxayo, laakiin xisbiga Udub ayaa muhimad gaar ah siiyey Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag iyo deegaanada hoostaga, taas oo ay u arkaan in ay tahay halka kala reebtada ah “battleground”, waxaana booqasho gaar ah ku tegay Daahir Rayaale, iyo qaar kamid ah wasiiradiisa kuwaas oo weli olole ka wada Ceerigaabo iyo Ceel  afweyn.

Haddii Xisbiga Udub uu kaalinta kowaad ka galo Gobolada Awdal, Saaxil, Sanaag, isla markaana tiro aad u yar looga qaado kaalinta kowaad ee Gobolka  Maroodijeex, Gobolka Togdheerna ay kaalinta labaad ku soo baxaan waxa ay u badan tahay in uu ku guuleystaan  doorashada.

Xisbiga Kulmiye isagu waxa uu markaan aaminsan yahay in ay haystaan taageerada ugu badan ee Somaliland, istaraatiijyada Xisbigan ayaa ah in ay awood saaraan sidii ay ku heli lahaayeen codad badan oo ka yimaada Gobolka Awdal, sidoo kale waxa ay meel dhigteen in ay kaalinta kowaad ku soo baxayaan Gobolada Togdheer iyo Gebiley, waxaana xisbiga Kulmiye u arkaa halka lagu kala baxaayo “battleground” in ay tahay Hargeysa, halkaas oo ay xoog badan saareen.

Xisbiga UCID qudhiisu ma yara dabka uu shidaayo, waxaana isugu tegey ololaha aqoonyahan badan oo xisbigaas ka mid ah kuwaas oo badankood qurbaha ka tegay laakiin, waxa ay riixayaan gaari aan taayiro lahayn Faysal Cali Waraabe waxa uu dubra ku bilaabey ololihiisa doorashada nidaamka giraanta wareegta maalinba khudbad cayn ah ayuu jeediyaa isaga oo ku bilaabey in uu Shareecada Islaamka dalka ku xukumaayo, isaga oo aan kursiga ku fariisan ayuu durba fariimihii uu diri jirey u direy Itoobiya iyo Jabuuti.

Xisbiga UCID waxa uu caqabad ku yahay guusha Kulmiye, sida ay aaminsan yahay dadka qaarkiis, deegaanada uu ka soo jeedo Faysal ama beeshiisu waa u caddahay in aanu guul ka gaari karin doorashada, haddii uu isku deyi lahaa in uu Kulmiye talada kula midoobo isla markaana u soo jiido Kulmiye  guusha waxaa hor yaala eraygii taariikhda galay, waana ku adagtahay in Faysal jawaab u helo “Anoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo” .

Gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhexeeya muran weyn oo ku aadan halka uu yahay xuduudka Somaliland, maamulka Somaliland waxa ay sheegaan in xuduudkoodu yahay kii uu ka tagay gumeystihii Ingriiska ee dalka Soomaaliya soo gaarey dhamaadkii qarnigii 19aad ama wixii ka danbeeyey 1884-tii, inkasta oo dalka iyo dadkuba jireen gumeystihii  Ingriiska ka hor, laakiin dooda xuduudu waa mid dheer oo iska leh mawduuceeda gaarka ah.

Inta badan dadka degan gobolada Sanaag qaybta beelaha Hartigu dego, Sool iyo Cayn ma aaminsana in dalka Soomaaliya la kalo jaro, waxaana ay arkaan in qarnigan manta ah oo cid cid gumeysan kartaa aysan jirin aan lagu maamuli karin dhulkooda, inkasta oo ay jiraan dad u dhashey goboladaas oo aaminsan nidaamka gooni isu taaga Somaliland.

Doorashadii hore ee sanadkii 2003, waxaa maamulka Somaliland isku dayey in ay doorashada ka hirgeliyaan qaybo ka mid ah Sanaag qaybta Puntland ka tirsan, iyo Sool, inkasta oo meelaha qaar la sheego in xaafado ka mid ah ay wax ka dhaceen, ayeysan muuqan sanadkan in ay goobaahaas geeynayaan sanaadiiqda codadka, marka laga reebo  qaybo ka mid ah magaalada Laascaanood. Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo doorkaan u safan Somaliland ayaa sheegay in aan Sool wax diiwan gelin ah laga hirgelin aysan suurto gal ahayn in wax doorasho ah ka dhacdo.

Sidoo kale doorashada ayaa ku soo aadeysa iyada u oo ay gudaha gobolka Sool iyo Cayn ay ku sugan yihiin urur cusub oo hubeysan kaas oo lagu magacaabo SSC, waxaana ay ka soo horjeedaan Somaliland iyo Puntland labadaba, waana dadkii iska lahaa dhulka la isku haysto, taas oo fariin cusub u direysa beesha caalamka, urukan ayaa maalmihii la soo dhaafey dagaalo kula galay Ciidamada Somaliland meelo ka mid ah gobolka Cayn.

Natiijada Doorashada

Natiijada doorashada waxaa loo qaybin karaa dhawr weji mid waa cidda guushu raaceyso iyo cidda guuldaradu raacayso, sidoo kale waxaa natiijada doorashada soo gelaaya mustaqbalka Somaliland iyo aragtida beesha caalamka.

Ma ahan doorasho la saadaalin karo cidda guushu raaceyso, Daahir Rayaale ma ahan ninkii hore ee 2003-dii, intii waa ka khibrad badan yahay, waa ka dhaqaale badan yahay reerkasta waxa uu u sameeyey Gobol gaar ah iyo horjoogayaal ama suldaano, inkasta oo ay caqabad ku tahay in uu kursiga fadhiyey waqti ku filan oo gaaraya 8 sano.

Kulmiye dulqaadkii waa ku yaraadey waxaa xubno waaweyn ka ah rag aan aqoon badan lahayn, inkasta oo ay ku jiraan Rag Siilaanyo oo kale ah aqoontooduna sareyso, qaar kamid ah abaanduulayaasha Kulmiye waxay  ku goodiyaan in ay kaadidooda u soo cabeen Somaliland, Rayaalena maxkmad soo taagayaanba haddii guushu raacdo, waxaana xisbigu aaminsan yahay in markaan waqtigu la jiro.

Haddii ay noqoto natiijo aad isugu dhaw taas oo la mid ah sanadkii 2003, oo lagu kala baxo codad aad u yar, doorashadu waxa ay noqon kartaa mid khal-khal aad u weyn gelisa Somaliland cirkana u laasha nabadii iyo xasiloonidii halkaas ka jirtey, waxaana adag in ay arinta afqabtaan Golaha Guurtida oo markaan ah kuwo aad u kala qaybsan kalana aragti duwan.

Haddii doorashadu ku dhacdo si nabadgelyo ah isla markaana xisbiyadu u hoggaansamaan natiijada ka soo baxda, waxa ay sumcad iyo amaan balaaran u soo jiideysaa Somaliland, taasi ma horsedeyso in ay helaan ictiraafka ay muddada dheer raadinayeen, laakiin waxa beesha caalamku tixgelin gaar ah, iyo kaalmo dhaqaale, sidoo kale waxaa gacan laga siin doonaa dhisida kaabayaasha dhaqaale sida jidadka dekadaha iyo wax soosaarka kale.

Natiijada doorashada oo hagaagta waxay baaq u direysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobaladii kale ee dalka, baaqaas oo ah codka shacabku tixgelin ayuu mudan yahay maamul xoog lagu qabsado iyo mid dad gaar ah soo xuleen meel ma gaarayo mana ahan mid boos kuleh qarniga 21aad,  Dhanka kale waxa ay baaq u tahay shacabka Somaliland qudhooda in ay tixgeliyaan dadka kale doonistooda sida ay iyaguba aayahooda uga tashanayaan in ay u tixgeliyaan in shacabka SSC aayahooda uga tashadaan.

Ugu danbeyntii waxaa is weydiin mudan fariinta doorashada Somaliland u direyso Puntland oo 66 Xildhibaan ay yihiin kuwa iska leh go’aanka  cidda dalka xukumeysa kuwaas oo aan qarin in ay ka faa’iidaan xiliyada doorashada.

I.Haji Said
Horseed Media

Wershadda Kaluunka ee Xaabo oo Soo Bandhigtey Wax soosaarkeeda (Sawiro)
<object
classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="621" height="380" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param
name="allowFullScreen" value="true" /><param
name="allowscriptaccess" value="always" /><param
name="src" value="http://www.youtube.com/v/2bpTH6heG-8&hl=en_US&fs=1?color1=0x2b405b&color2=0x6b8ab6" /><param
name="allowfullscreen" value="true" /><embed
type="application/x-shockwave-flash" width="621" height="380" src="http://www.youtube.com/v/2bpTH6heG-8&hl=en_US&fs=1?color1=0x2b405b&color2=0x6b8ab6" allowfullscreen="true" allowscriptaccess="always"></embed></object>

Wershedda Kaluunka soosaarta ee Xaabo waxa ay shaqadeeda bilowdey sanadkan, waana wershad ku shaqeyneysa qalab casri ah soona saarta Kaluun tayadiisu aad u sarayso oo noocya badan, hadaba wixii macluumaad dheeraad ah kala xiriir:

+2525 821222, +25290 737439, +252 90 798919 ama Emailka-sales@habotuna.com

Wershadda Kaluunka ee Xaabo ayaa soo bandhigtey wax soosaarka wershadda oo dhawaan dhidabada loo taagay, waxaana ka soo qaybgalay munaasabadda lagu soo bandhigay wax soosaarka wershadda kaluunka ee Xaabo masuuliyiin ka socda maamulka sare ee Wershadda oo ku taala Xaabo oo wax yar u jirta degmada Caluula ee gobolka Bari.

Maareeyaha guud ee wershadda kaluunka Xaabo Cabdiqani Cali Yusuf oo Horseed Media waraysi ku siiyey gudaha wershadda ayaa sheegay in xiligaan wershaddu ku jirto tijaabo isla markaana, ay furitaanka shaqadu ku soo aadey iyada oo badxiran ah.

Mudane Cabdiqani Cali Yusuf ayaa sheegay in wershadda ay iska leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana ay xiriir la leeyihiin wershadaha kale ee kaluunka ee ku yaala dalka, waxaana aan iska kaashanaa ayuu yiri waxyaabaha naga dhexeeya.

Dhanka shaqo abuurista mar uu ka hadlaayey ayuu sheegay in shaqaalaha wershadda ay gaarayaan ilaa 400 oo qof kuwaas oo u badan dumar, waxaana intooda badan ay ka hawlgalaan gudaha wershadda, sidoo kale waxa uu Cabdiqani Cali Yusuf sheegay in ay ku soo xirmayaan wershadda ilaa 80 laash kuwaas oo kaluunka keeni doona wershadda, iyaduna ay ka mid tahay shaqo abuursita ay sameeyeen.

Maareeyaha shirkadda Habo Tuna Factory Cabdiqani Cali Yusuf ayaa cabasho xoogleh ka muujiyey maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah u qaata kaluunkii aynu iska lahayn ee ku jirey badaheena, iyaga oo ka imaanaya waddamo shisheeye isla markaana si aan dhuumasho lahayn u daldalanaaya kheyraadkeeni ee ay ahayd in Soomaalidu ka faa’ideysato, ayuu yiri.

Shirkadda Habo Tuna Factory ayaa dhawaan laga dhisey magaalada Xaabo oo 84mile u jirta xeebta Bosaso marka laga cabiro dhanka Badda, waxaa shirkaddu iska leedahay dhisme aad u wayn, waxaana ka shaqeeya khubaro u dhashey dalal kale kuwaas oo garanaaya qaabka loo wado wershadaha, waxaana lagu wadaa in dhawaan kaluunka ay soo saarto loo iibgeeyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Wefdi ka socda Wershadda Kaluunka ee Xaabo ayaa dhawaan ka qaybgalay shirkii Istanbuul waxaana ay sheegeen in ay halkaas kulamo kula qaateen qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee caalamka kuwaas oo xiiseynaya wax soosaarka Soomaaliya gaar ahaan Kaluunka iyo kheyraadka badda.

Cabdisalaam Axmed Shire
Horseed Media
Xaabo, G/bari

Sawiro aad u qurxoon oo laga soo qaadey goobaha roobabku ka da’een
Akhriste ka mid ah akhristayaasha qiimiga leh ee Horseed Media ayaa gaarey goob ka mid ah goobaha roobabka lixaadka leh ka da’een ee deegaanka Qardho, akhristaha ayaa noo sheegay in uu socod ku tegay deegaanka Mindhiciro oo dhanka waqooyi 15km kaga beegan xarunta gobolka Karkaar ee Qardho, waxaana uu halkaas kula kulmey dad xoola dhaqato ah, waxaana uu ka soo direy sawiradan qiimiga leh iyo warbixinta hoose:

Bilihii aynu kasoo gudubnay,gaar ahaan bishii May waxa ka da’ay,deegaanada gobolka Karkaar roobab lixaad leh oo dad iyo duunyaba lagu diirsaday.Haddaba waxaan booqday dooxada Mindhicir oo hillaada 15km u jirta degmada Qardho,waxaan ku soo arkay barwaaqo ilaah ku minnaystay halkaasi,meel walba waxaa ka muuqday doog iyo xareed wadhan dhulka oo idil gaar ahaan ceelka Mindhicir.Waxaan waraystay mid ka mida xooladhaqatada halkaasi ku nool oo ii sheegay inaan la arag roob caynkana muddo ku siman soddomeeyo sano “Wali ma arag roob ka biriq iyo hanqar badan noloshayda oo runtii waanuba baqnay!” ayuu yiri ninkaas.

Waxaan sidoo kale waraystay Maxamed Jaamac dheere oo isagu inta badan dega deegaanka mindhicir waxaa wajigiisa ka muuqday farxad iyo rayraynta barwaaqada    wuxuu ii sheegay inay xoolihii u darareen Lo iyo ariba oo la liswaayey ciirtuna jug leedahay

Dhinaca kale waxaan arkay haweenka oo ku ururuya geed wayn oo damala hadhkiisa si ay u akhriyaan waxa la yiraahdo MADIIXA oo haweenku akhriyaan xilliga bari samaaga waxay luuq dheer ku qaadayeen heeso iyo ereyo kala duwan oo af soomaaliya oo ay ilaahay uga shukrinayeen cirka hooray dartiis.

K. Awmuuse
Qardho

Isbahaysigii u Dhexeeyey Turkiga iyo Israel oo Burburay
Qiyaastii 20 sano xiriir iskaashi ah oo u dhexeeyey dalalka Turkiga iyo Israel ayaa burbur ku dhamaadey. Dadka ka faalooda siyaasadda bariga dhexe ayaa sheegaya in dawladda Israel ay tahay mida ku khasaartey weerarkii ay ku qadeen Markabkii gargaarka u sidey dhulka Israel ay go’doonka ka dhigtey ee GAZA.

Dalka Turkigu maaha dal aad u sahlan, waa dal ka tirsan gaashaanbuurta NATO, dadkiisuna gaarayo 73 milyan oo qof, waxaana uu ahaa dal ay kala dhexayso Israel xiriir wanaagsan kaas oo leh mid dhaqaale iyo mid mileteri, xiriirka labada dal ayaa ahaa mid weli wanaagsanaa tan iyo markii ciidamada Israel ay weerarka qaawan ku qaadeen Markabkii “Mavi Marmara”, ee gargaarka u sidey GAZA.

Xiriirka labada dal ayaa dib ugu noqdey sidii uu ahaa sanadihii sideedatamaatkii markaas oo uu ka dhexeeyey dagaal qabow oo dhanka siyaasadda iyo arimaha ciidanka saamayn ku lahaa.

Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa ku tilmaamey Israel in ay ku kacdey xasuuq isla markaana ay samaysey burcadbadeednimo, waxaana uu ugu baaqey in ay ogolaadaan in baaritaan lagu sameeyo sida ay ku keentey in ay weerar ka fuliso biyaha caalamiga ah.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa daabacay maqaalo muujin kara in labada dal isku socdaan oo dagaal dhexmari karo muddooyinka dhaw, laakiin Raysalwasaaraha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in aysan dooneyn dagaal ay hadda la galaan dalka Israel.

Joornaalada ka soo baxa dalka Turkiga ayaa weli laga dareemayaa carada aadka u xoogan ee dadka Turkigu qabo, iyaga oo isticmaalaya cinwaano aad u culus, sida “Dawlad Argagixiso ah”, sidoo kale Joornaalka RADIKAL ayaa sheekooyinka uu ka qoraayo arintan u isticmaaley cinwaanka ah “Toogashadii arimaha bini’aadanimada”, sidoo kale joornaalka la aaminsan yahay in uu ruxo ama kicin karo dadka Turkiga ee la yiraahdo Taraf, ayaa weli daabacaya warar aad xasaasi u ah.

Axadii la soo dhaafey ayaa Israel  sii deysey 5 ka mid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bini’aadanka, waxaana ka mid ahaa kuwo u dhashey dalka Turkiga kuwaas oo Israel ay ku eedaysey in ay ka tirsan yihiin al-Qaacida iyo Xamaas, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Ken O-Keefe oo ahaa British-USA, waxaana dalka Israel ku eedeeyeen in uu tababar u fidin lahaa ciidamda Xamaas, Ken O-Keefe ayaa mar uu la hadlaayey Telefishanka al-Jazeera ku tilmaamey sheegashada Israel mid aan waxba ka jirin “…Marka keliya ee aan hubka qaatey waxa ay ahayd markii aan ka tirsanaa ciidanka Maraykanka dagaalkii lagu xoreynaayey Kuweyt, haddii Israel ay ogaatey in aan aragagixiso ahay sabab ayey ii siidaayeen….” ayuu yiri Ken O-Keefe.

Dadka Yuhuudda oo la aaminsan yahay in ay maamulaan warbaahinta caalamka kuwooda ugu waaweyn ayaa hadda wada qorshe ah in argagixiso lagu sheego dadka u dhaq-dhaqaaqa arimaha bini’aadanimida, kuwaas oo ay hadda cadow u arkaan.

Soli Özel waa nin caaanka ah dalka Turkiga isla markaana si aad ah uga faalooda arimaha siyaadaa , waxaana uu ka shaqeeyaa Jaamacadda Biligis, waxa uu yiri “…Xargihii isku xiraayey Turkiga iyo Israel waa go’een, waana adagtahay in ay sidoodi noqdaan weligood….”.

Ali Birand oo isaguna ka faalooda siyaasadda aadna looga yaqaan Telefishanka Turkiga ayaa sheegay “…. in dadka Turkigu ay aad u caraysan yihiin isla markaana aysan siyaasiyiintu ka gadi karin in xiriirka Israel uu dib u soo laabto kadib wixii ciidamada Israel ay ka sameeyeen markabkii mucaawanada wadey….”

Marka laga yimaado arimaha siyaasadda waxaa iyaduna meesha ka baxdey xiriirkii dhaqaalaha iyo arimaha ganacsiga, ma ahan dalka Turkiga oo keliya,waxaa jira dalal badan oo ku yaala qaarada Yurub oo dadkoodu wacad ku mareen in aysan gadan ama isticmaalin alaabaha laga soo dhoofiyo dalka Israel, taas oo culeys ku ah dalka Israel haddii dadku iska joojiyaan alaabaha ay dibadda u dhoofiyaan.

Dawladda Israel ayaan raaligelin kabixin hawgalkii ay ciidamadeedu ka fuliyeen markabkii “Mavi Marmara,” kaas oo ay ku dileen 9 qof, waxaa arintaas ay kala kulantey wejigabax siyaasadeed iyada oo meelo badan laga canbaareyey, inkasta oo walaalka weyn ee Yuhuuda waa Maraykankee aanu canbaarayn falkii adduunku ka argagaxay. Waxaa lagu tilmaama Dawladda Israel in ay tahay mid ka saraysa sharciga adduunka u degsan, ma ahan in dadka gaaraya 7-da milyan ee Yuhuudda  degan Bariga dhexe ay yeesheen saamaynta intaas le’eg, ee waxaa dad iyaga u dhashey isla markaana haysta dhalasho wadamo kale ay fadhiyaan meelaha ugu badan ee adduunkan go’aamadiisa dadku ka gaaraan, sida Qaramada Midoobey, Dhaqaalaha, Warbaahinta, Siyaasadda iyo weliba waxbarashada,  sidoo kale waxa ay hogaamiyaan inta badan hay’adaha caalamiga ah ee saamaynta iska leh, dalalka waaweyn waxa ay ku leeyihiin awoodo waaweyn taas oo ah mid aan dadka caadiga ah u muuqan.

Horseed Media

Faallo: Xaaladda Gobolka Cayn; Jawaabta Xukuumadda, Maqnaanshaha Baarlamaanka iyo Doorka SSC
Todobaadyadii la soo dhaafey waxaa ka taagnaa deegaanada Gobolka Cayn ee Puntland xaalad cakiran, kadib markii ciidamada Itoobiya ay u soo talaabeen xadka Soomaaliya, sidoo kale ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa isla maalintaas isku dayey in ay qabsadaan degamada Widh-widh oo 70km u jirta xarunta Gobolka Cayn.

Taariikhdu markey ahayd 15.May 2010 ayaa warbaahinta Horseed Media ogaatey in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dhaafeen halkii xuduuda u ahayd, isla markaana ay qabsadeen gawaari laga lee yahay deegaanka Buuhoodle, waxaan arintaas waraysi ka siiyey Horseed Media guddoomiyihii Buuhoolde rabbi ha u naxariistee Xuseen Ducaale oo isagu waraysiga kadib si kedis ah u dhintey 4 maalmood kadib, marka uu waraysiga bixiyey, kadib waxa Horseed Media la xiriirtey wasiiro kamid ah Puntland waxa ay sheegeen in warkaasi aanu waxba ka jirin isla markaana shirkii dhacay 17.May 2010 ee golaha xukuumadda aan lagu soo qaadin.

Dagaalka Buuhoodle ayaa dhacay 21.May 2010, waxaana isaga horyimid shacabka Buuhoodle iyo ciidamadii Itoobiyaanka ee xayiraada dhaqdhaqaaq ku soo rogey Buuhoodle, dagaalkaas waxaa shacabka Buuhoodle uga dhintey 13 qof, waxaana ku dhaawacmey dad gaaray 30 qof , sidoo kale isla maalintaas ciidamada Somaliland waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka Widhwidh, waxaana dagaal kala hortegey xoogag taabacsan hoggaanka SSC, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay shacab ku xasuuqeen halka loo yaqaan Balihadhac, guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasiin ayaa Horseed Media u sheegay in Widh-widh ay haystaan Somaliland halka xoogaga SSC ay ku hareeraysan yihiin waxaana wararka u  danbeeyey sheegayaan in culimaa’udiin is xilqaamey ay wadaan waanwaan ah in ciidanka Somaliland dib uga baxo gobolka Cayn si loo baajiyo dagaal kale oo halkaas ka dhaca.

Xukuumadda Puntland ayaa xiisadda ka taagan Cayn ku koobtey waraysiyaal ay bixiyeen qaar ka mid ah wasiiarada Puntland, kuwaas oo arinta ku koobey in ay tacsi diraan iyo baaqyo labada dhinac ku aadan iyo in qaar kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda Cayn loo diro gobolka Cayn kuwaas oo wadahadal aan miro dhalin la yeeshay ciidamada Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland

Markii  uu dhacay dagaalka gobolka Cayn, Madaxweynaha Puntland waxa uu ku jirey safar, maalinta uu bilowdey shirkii Istanbul ee 21 May 2010 ayey hayad markii ciidamada Itoobiyaanku ay dileen 13 qof oo reer Buuhoodle ah isla markaana dhaawaceen dad gaaraya 30 qof, Madaxweynuhu waxa uu fursad u heley waraysi BBC-du la yeelatay 24 May 2010, laakiin kama faa’ideysan fursadaas  wax tacsi ah hawada uma marin shacabkii halkaas ku dhintey, mana soo qaadin arinta Cayn.

Madaxweyne Dr.Faroole ayaan lahayn qorshe cad oo ku aadan Gobolada Sool iyo Cayn, marka laga reebo maalintii uu doorashada gelaayey ee uu sameeyey balan qaadka ah in uu soo celinaayo dhulka maqan, waxaana la isweydiinayaa aamusnaanta dheer iyo qorshe la’aanta ku aadan goboladaas sida ay dhaawac u gaarsiin karto midnimadii Puntland..

Madaxweyne ku xigeenka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire waa nin khibrad u leh arimaha ciidanka, waxa uu ka soo qabtey xilal badan Puntland, magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa ay faraha Puntland ka baxdey mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, kadib markii ciidamo malayshiyo beeleed ah oo ka soo jeeda deeganaada Sool oo gacansaar la leh Somaliland kuwaas oo fadhiyey togga Waqi-dari ee duleedka Laascaanood ay gudaha magaalada u soo galeen xabadna ka bilaabeen, taas oo ay ku dhiiradeen ciidmada Somaliland ee fadhiyey Adhi-cadeeye in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadii horfadhiyey, kadibna ay toos ula wareegaan Laascaanood.

Gen.Cabdisamad Cali Shire waxaa aad loogu rajo weynaa in haddii uu qabto jagada labaad ee Puntland isla markaana uu talo weyn ku yeeshay maamulka in uu wax badan ka qabanaayo xaaladda gobolada Sool iyo Cayn, laakiin taasi may dhicin, doorashadii Madaxweynaha ee Puntland kadib ciidamo badan ayaa ku sugnaa Tukaraq kuwaas oo Puntland ka amarqaata, ma dhicin in madaxda sare booqdaan isla markaana soo dersaan xaaladooda dhabta ah, taas oo ciidamada dhiiri gelin u ah.

Awoodaha Madaxeyne ku xigeenka waxaa kamid ah in uu isagu Madaxweyne ka yahay dalka inta Madaxweynuhu maqan yahay, laakiin waxa maanta ka socda Gobolka Cayn, Madaxweyne ku xigeenku war  rasmi ah kama soo saarin isaga oo marar badan saxaafadda, ka soo muuqdey.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa is weydiinaaya in Madaxweyne ku xigeenku ku mashquuley simaaro la furo iyo xaflado laga qaybgalo halka qaar ka mid ah dalkii dab ka baxaayo, weliba  shacabka qaarkiis ayaa tilmaamaya in Gen. Cabdisamad aanu ahayn ninkii wax loo tilmaami lahaa.

Qunsuliyadda Itoobiya

Dhegayso Khudbadda Cabdisamad ee ku aadan Itoobiya

Todobaadkan waxaa qunsuliyad ka furatey caasimadda Puntland dawladda Itoobiya, taas oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada maamul, ganacsiga, amniga iyo arimaha socdaalka, Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa halkaas ka jeediyey khudbad kooban oo lagu tarjumaayey af Amxaariga, waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen in ay ahayd khudbadii u xumeyd ee abid uu jeediyo nin masuul ah, isaga oo ilaaway qarniga iyo casriga la maraayo, iyo masuuliyadda uu hayo, isla markaana indhaha ka shareertey xaaladda taagan  waxa uu ku tilmaamey abaalka ay Soomaali u hayso Itoobiya in uu yahay mid xitaa caruurta Soomaaliyeed ku barbaarin doono, waxaana uu ku soo dhameeyey Itoobiya ha guulaysato, Malas Sanaawi ha jiroo ha joogo!, ma ahayn khudbad ka hadleysa xiriirka labada maamul arimaha ka dhexeeya ee loo baahan yahay in markasta la iska kaashado, sidoo kale waxanu kuba soo qaadin waxa maanta ka taagan Buuhoodle, iyo in shacabkii la khiyaameeyey kolkii ay hubkii ay ka qabsadeen Itoobiyaanka ay u gacan geliyeen odoyaasha dhaqanka taas oo heshiisku ahaa in loo sii daayo gawaarida laga xanibay, laakiin gawaaridii waxaa lageeyey Gaashaamo oo ka tirsan maamulka Itoobiya, iyada oo la sheegay in ganaax iyo canshuur gawaaridaas laga qaadayo taas oo aan la garanayn halka ay salka ku hayso.

Maamulka Puntland waxa loo doortey in uu shacabka u adeego, waxaa loo doortey in uu dalka ka difaaco cidkasta oo ku soo xadgudubta, hadaba shacabka Cayn miyaanu Puntland ahayn, haddii jawaabtu tahay maya,  hala caddeeyo hana laga waantoobo in la sheegto, shacabka Buuhoodle oo  u fadhiya axankii dadkii ka dhintey ma dawbaa in Madaxweyne kuxigeenku yiraahdo, Abaalka Itoobiya ma gudi karno caruurteena ayaana uga sheekeyn doonaa oo ku barbaarineynaa? iyo hadalo ka daran.

Mise xaalku waa: Wanka macasha ii qabo; Adigu gawrac ii mari;   Dhiiggana aan muudsado

Inkasta oo siyaasiyiinta Gobolada SSC timahoodu hal dhan aanu u wada xiirmin, midkastaana maalin shacabka maqashiiyo xaajo uu dan ku wato, Sida Xaabsade oo maalin ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Waxa uu ka mid ahaa ragii asaasey Puntland isaga oo 9 sano ahaa Wasiir aan dhicin oo Puntland ka tirsan, halka maanta haddana uu shacabka maqashiinaayo “….weligey sidaan u qosley markaan Hargeysa ku noqdey uma qoslin intii aan Garoowe joogey…”, laakiin waxaa marag ma doonto ah in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin kuwa hortaagan in Somaliya laba loo kala jaro, xornimada iyo midnimada Soomaaliyana kaga jira baal dahab.

Shacabka SSC ayaa u muuqda kuwo siyaasiyiinta u dhalatay ay lugooyeen maamulka Puntland oo ay wax ka dhiseen kuna qanacsanaayeen malahan wax qorshe ah oo ku aadan goboladaas, magaalada Laascaanood waxaa la qabsadey saddex sano ka hor,  waxaana maamulku ku doodi jirey maamulkii hore ayaa laga qabsadey, 22 May waxaa maamulka Somaliland qabsadey magaalada Widhwidh (sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland), mana jirto cid ka hadashey arintaas isla markaana u diyaar ah in dhulka inta dhiman ay wax ka difaacaan.

Baarlamaanka Puntland oo fasax dheer ku maqan

Marka aad maqasho Baarlamaan qof walba waxaa maskaxdiisa kusoo dhaceysa Gole ay ku dhan yihiin wakiiladii Shacabka matalayey, kuwaasi oo hawshoodu tahay inay danta shacabka ka shaqeeyaan, sharciyada dajiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Xukuumada.

Hase yeeshee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ah mid aan lagu tilmaami karin Baarlamaan u shaqeenaya shacabka, waxaa isweydiin muddan xili uu dalka xaalad adag iyo dagaalo ku jiro, isla markaana qeybo kamid ah dhulka Puntland ay sheegato, ay dagaalo dad ku dhinteen ka dhaceen, ayaan hadana waxaan jirin hal kalfadhi oo uu Baarlamaanka ka yeeshay marxaladahan dalka ka jira.

Xataa Baarlamaanka haduu fasax ku maqan yahay waxaa khasab ah inuu kulamo deg deg ah isugu yimaado xiligii loo baahdo si marxalada dalka ka jirta lagala xisaabtamo su’aalona looga weydiiyo Wasiirada iyo Xukuumada dalka maamusha.

Golaha wakiilada wuxuu gabay hawshisii ahayd la xisaabtanka Xukuumada iyo ka shaqeynta arrimaha Bulshada taabanaya, wuxuuna goluhu u muuqda mid fasax dheer ku jira isla markaana aan weli dareensaneyn hawsha sugeysa iyo marxalada dalka ku jiro.

Baarlamaanka Puntland hawshiisu ma Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka bay ku koobantahay iyo Ansixinta Dastuurkii qabyada ah? Mise waa mid shaqeeya oo xisaabtama?

Goormuu baarlamaanka kala xisaabtami doonaa xukuumada;  arrimaha dhulka Puntland ee maqan? Xaalada dhaqaale iyo Amni ee uu dalka ku jiro? Waxqabadka Wasaaradaha? Dhameystirka hawlaha dimuquraadiyeynta iyo nidaamka Xisbiyada? iwm

Baarlamaanka ka kooban 66-ka xildhibaan ee Beelaha Puntland soo magacaabeen, ma wuxuu raali ku yahay waxqabad la’aantan muuqata iyo inay xildhibaanadu hawshoodii ku koobnaato xarumaha lagu qaxweeyo iyo fadhi ku dirirka shacabka ku caweeyaan.

Mise Baarlamaanka wuxuu weli ku mashquulsan yahay mushaharaadka loo kordhiyey?

Hadii Baarlamaankii la xisaabtami lahaa Xukuumada uu hawshiisii kasoo bixi waayey, yaa la xisaabtamaya Baarlamaanka?, ma shacabka Puntland mise Issimadii soo magacaabay? Maxayse tahay kaalinta Issimadu ay ku leeyihiin wax ka qabashada marxaladaha dalka ka jira?

Waxaa hubaal ah in Xaalada ka jirta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay mid taabaneysa Puntland guud ahaan, xal u helideedana waa mid loo baahan yahay in si wadajir ah loo abaaro, ayadoo dhinac walba hawshiisa uu kasoo baxayo, Baarlamaankuna ogyahay xilka saaran, Xukuumadana ogtahay hawsha looga fadhiyo, shacabkuna taageeradiisana ay meesha ka muuqato.

Hadii aysan arrimahaasi suurto gal ahayn, ma garbaa in Puntland ay sheegato gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ???

Hoggaanka SSC

Hoggaanka SSC ayaa lagu dhisey shir muddo ka socdey dalka Kenya, kaas oo loogu magacdaray Horseed, waxaana mirihii ka soo baxay loogu magacdaray Hogaanka mideynta Beelaha SSC

Hogaanka SSC ee lagu dhisey dalka Kenya, malahan qorshe cad  oo qeexaya damacooda ah in ay xoreeyaan gobolada SSC,  waxaa hogaanku sheegaa in ay yihiin Soomaali kana tirsan yihiin Dawladda Soomaaliya, taas waa inta Puntland sheegato isla markaana lagu dhisey maamulkii isir wadaaga ku dhisnaa ee Puntland in ay ka mid yihiin Dawlad Federaal ah, Hoggaanku waxa uu iska fogeeyaa in Puntland meel ka soo gasho maamulkooda, waxaana ay dan u arkeen in sidaasi ay tahay waxa ay ku midoobi karaan.

Hoggaankan ma ahan mid ay ku mideysan yihiin Isimada goboladaas, waxaa shirkii Horseed ee Kenya ka qaybgalay sadex isim oo keliya, Shirkii Buurowadal miraha ka soo baxay waxa uu noqdey guddiga khusuusiga ah oo keliya waxaana meesha ka baxay arintii ugu muhimsanayd ee ahayd, in ciidamada loo qaybsado si beelo ah cidwalbana wixii lagu qoray ay keento, waxaana taas baajiyey kadib markii inta badan Garaadadu ay heshiis la saxiixdeen maamulka Puntland heshiiskaas oo ay ku caddahay in Dawladdu ka musuul tahay xoreynta deegaanada maqan.

Isla shirkii Buurowadal waxaa ka baxay oo bayaan ka soo saarey Isimada Cayn ugu waaweyn sida Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, iyo odoyaal miisaan culus ku leh gobolka Cayn.

Hogaanka SSC xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya ma fiicna, waxaana loo tusiyey dad qaswadayaal ah, maamulka Puntland dhinac ma saari karaan oo waxaa ku jira kuwo xagjir ah oo aan magacaas maqli karin haddii kale looga baqaayo in ay meelo fogfog ka soo jeestaan, waxaana halku dhig u ah eray mideyn kara isla markaana ah “SSC waa tashatey cid ay sugeysaana ma jirto”, haddaba haddii aad jamhad tahay waxaad u baahan tahay meel aad dhabarka saarto, qaacido aad ka duusho waa in aad leedahay, waa in aad heshaa meel hubka iyo saanada aad soo marsan karto, dhaawacaaga aad geysan kartid isla markaana aad siyaasadahaaga ka wadan kartid laakiin waxaa isweydiin mudan qaabka hoggaanku doonaayo in uu wax ku xoreeyo?.

Shirkii Buurawadal oo socda ayaa Isimada Nugaal ee Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed waxa ay ku casumeen ragii hormuudka ka ahaa shirkii Holhol ee Somaliland joojisey in ay Garoowe gogol walaalnimo u yimaadaan, isimadu kuma casumin magac Puntland, laakiin qaar kamid ah warbaahinta carabka dalabta ah leh ayaa ku sheegtey in Faroole Isimo soo adeegsadey qorshaha Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid ayaa ahaa in Garaadadu arintana aysan isku gooni yeelin ee haddii beel lagu wajahayo laga wadatashado, shirkaas waa ka cudur daarteen Garaadadii ay ku casumeen, weli la isma weydiin sababta Isimada dalabku ka yimid loogu gacansayrey? iyada oo maanta arintu ay marayso meel aysan shalay taagneyn, taas oo saamayn ku yeelan karta taageerada ay ka filan karaa SSC shacabka ku dhaqan gobolada kale ee Puntland.

Somaliland iyo damaceeda qaloocan

Somaliland inkastoo lagu amaano nabadgelyada iyo maamulka ay sameysteen hadana waxaa marnaba aan la qarin karin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amni ee uga imaan kara Somaliland damaca qaloocan ee ay awood militari u adeegsadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dadka ku abtirsa jabhadii SNM ee aasaaska u ahayd dhismaha Somaliland, ayaa siyaasadoodii ku wajahneyd ka go’itaanka dhulka Soomaaliya, waxay ku saleenayeen gooni isutaagooda dhibaatooyin beelahaasi ay u geysteen ciidamadii Dawladii Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Bare.

Ayadoo aan la inkiri karin dhibaatooyinkii ay ciidamadii dawladii hore ee Siyaad Bare u geysteen deegaanada waqooyi iyo dhulalkii kale ee jabhadaha ka dagaalameen, ayaa waxaa la isweydiinayaa ma dhici kartaa in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, ay aqbalaan wixii ay 30 sano kahor ay diideen Shacabka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ahayd in xoog lagu muquuniyo rabitaankooda?

Hadaba Somaliland oo ka awood yar dawladii militariga ahayd ee burburtay, waxay isku furtay mawjad siyaasadeed iyo colaad qoto dheer oo khal khal ku keeni kara nidaamka iyo nabadgelyada ay xiligan ku taamayaan shacabka reer Soomaaliland.

Waxaana ayaduna meesha ka baxday doodii ahayd Puntland baa Soomaaliland kusoo duushay, ayadoo ay xiligan ay muuqato in dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo shacabkii SSC oo si cad uga soo horjeestay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa. Waxaana adag dhiiga daadanaya ee gobalada SSC in wax ictiraaf ah ama guul siyaasadeed u keeno maamulka Somaliland.

Nabsigu waa wareegaa aduunkuna waa hadhka labadiisa gelin,  labadii shalay  xumaanta ku wada socotey ayaa berri nacab isu noqonaaya, Somaliland xiligan waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah iyo doorashooyin, mana cada waxa xigi doona doorashooyinkaasi, waxaase hubaal ah in danta Somaliland ay ku jirto inay illaaliso daris wanaaga iyo wada noolaashaha beelaha jaarka ah.

Xukuumadda Puntland waxaa la gudboon in xaaladda ay u aragto mid dhab ah oo khatar ah isla markaana ay ka baxdo riyada khiyaaliga ah ee ay dhexdabaalanayso

Xukuumaddu waxa ay ku faantaa mushaharka ayaan joogto u bixinaa, magaca Puntland waxaan gaarsiiney meel sare oo shirar caalami ah ayaan ka qaybgalnaa, dasstuurkii ayaan habayney,  waa arimo wanaagsan laakiin Shacabka wax weyn uma arkaan mushaharka aad naftiina siisaan iyo shaqaalaha xukuumadda taas oo ah lacagtii iyaga laga soo qaadey ee canshuurta ahayd ee shacabku waxa ay danaynayaan waa:

Puntland oo hal miisaan la wada saaro

Dalka oo la difaaco lana adkeeyo midnimadiisa

Maamulka oo la baahiyo lagana dejiyo laamiga iyo wada dheer taas oo ah hubaal in aan maamulku baahin gaarina meelihii u baahnaa (Sida ku cad cilmibaarista la joojiyey)

Sharciga oo lagu dhaqmo.

Mashruucyadii socdey oo dhamaystirma.

Mashruucyo cusub oo la keeno.

Lana hirgeliyo qorshihii looga bixi lahaa baarlamaanka beeleysan.

Hussein Farah
Horseed Media

Mawqifkee Puntland ka taagan tahay khilaafka Madaxda DFKMG?
Bilowgii sanadkii 2009 waxaa Soomaaliya ka dhacay isbedelo waaweyn,bilaabashadii sanadkii 2009 ay ka dhimatahay laba maalmood oo keliya waxaa is casiley Madaxweynihii Faderaalka Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed, 10 maalmood kadib is casilaadiisa waxaa doorashadii looga adkaadey Madaxweynihii Puntland, waxaana Puntland Madaxweynaheedi loo doortey Dr.Cabdiraxmaan Faroole, doorashada Faroole 20 casho kadib waxaa Madaxweynaha Federaalka loo doortey hogaamiyihii hore ee Islaamiyiinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Isbadalan siyaasadeed ee muddada yar dhexdeeda dhacay, ayaa waxaa barbar socdey isbedelaad kale taas oo qaybisey kuwo markii hore  isku fikir ahaa, waxaana aad la isu weydiinaayey halka isbdelkaani uu cagaha dhiganaayo, iyo waxa uu ku soo kordhin karo dalka sharci darradu hareysey ee Soomaaliya.

Ka hor inta aan Shiikh Shariif loo dooran Madaxweynaha Federaalka, waxaa baaq soosaarey Madaxweynaha Puntland baaqaas oo si toos ah ugu socdey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ahmedou Abdallah, waxaana uu baaqaas ku caddeeyey mawqifka rasmiga ah ee Puntland ka taagan tahay shirka dib u heshiisiinta ee Jabuuti, Dr.Faroole ayaa caddeyey haddii aan Puntland talada wax laga siin in aysan khuseyn waxkasta oo shirkaas ka soo baxa.

Dhanaka kale Madaxweynaha ayaa khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaana Dr.Faroole uu baarlamaanka Puntland u sheegay markii uu ka dalbaanaayey in ay golaha wasiirada u ansixiyaan, in laga casumey shirka Jabuuti oo ay dhici karto in ay halkaas aadaan.

Ma dhicin in Puntland ay ku yeelato door muuqda shirkii Jabuuti, waxaana xildhibaanadii ka yimid Jamhaddii fadhigeedu ahaa Ereteria garabka Shiikh Shariif ay soo xuleen 275 Xildhibaan oo gaar loo siiyey.

Doorashadii Shiikh Shariif

Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortey Shiikh Shariif Shiikh Axmed, dawladda Puntland way ka aamustey kamana hadlin doorashadiisa, ma jirin wax tahniyad ah oo loo direy sidoo kale ma jirin wax diidmo ah oo la soo saarey, waxaana Puntland u muuqatay mid ka warsugeysa habka uu la yimaado Shiikh Shariif iyo sida awooda loo qaybsado.

Magacaabidii Raysalwasaaraha Federaalka

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif ayaa la tashiyo badan kadib waxa uu Raysalwasaare u magacaabey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke taariikhdu markey ahayd 13.02.2009, magacaabida Cumar ayaa aad looga soo dhaweeyey Soomaaliya gaar’ahaan Puntland, waxaana lagu xasuustaa Cumar Aabihiis Rabbi ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmarke oo door mugleh ku lahaa siyaasadda Soomaaliya sanadihii 1950 – 1969, waxaana uu ahaa nin ku cusub masraxa siyaasadeed oo aysan jirin cid ka eedsheeganaysa.

Maamulka Puntland waa soo dhaweeyey, waxaana xaflad soo dhaweyn ah lagu qabtey Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana halkaas ka hadley masuuliyiin heer wasiir ah iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Hordhaca dulucda qoraalku waa mid ku filan in akhrtistuhu fahmo xaaladdu sidey ahayd bilihii u horeeyey sanadkii 2009 oo ahaa kuwii isbedelka lixaadka leh ku yimid dalka Soomaaliya.

Heshiiskii Gaalkacyo

Kulankii u horeeyey ee hogaanka sare ee Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland ay isku soo horfariistaan waxa uu ahaa 19.Augost – 23.Augost.2009 magaalada Gaalkacyo, waqtigaas Puntland waxa ay ku jirtey xaalad aad u qalafsan waxaana ka dhacay magaalada Gaalkacyo dilal aad u foolxun sida Wasiirkii warfaafinta ee Puntland rabbi ha u naxariistee Warsame Shirwac, sidoo kale waxaa Cagaaran ku dhintey qaar kamid ah askarta Booliska kadib markii ciidamo kale oo daraawiishta ah ay xabad ku fureen, Madaxweynaha Puntland oo ku sugnaa Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay Gaalkacyo mid kamid ahaa dilalkii u foosha xumaa ee ka dhaca Puntland kadib markii lagu xasuuqey Masjid ku yaala Gaalkacyo wadaado tabliiq ah kuwaas oo u dhashey dalka Bakistaan isla markaana ka tirsanaa Jamaacada Tabliiqa, waxaa la dhihi karaa siyaasadda Madaxweyne Faroole xiligaas taageero ayey u baahneyd iyo wax baddala xaaladdii markaas taagneyd.

Heshiiska Gaalkacyo waxaa uu Dawladda Federaalka ka dhex abuurey in ay Puntland jirto, nabad tahay xaqna u leedahay in ay qayb ka hesho taageerada Dawladdu hesho, iyada oo hoggaanka sare ee Federaalka ay ka buuxaan kuwo aan liqi karin magaca Puntland, waxaana Cumar ku dhiiradey in uu saxiixo heshiis kaas oo ay ku colaadiyeen qaar badan oo ka mid ahaa golaha xukuumadda isla markaana kalsooni badan ka haystey hoggaanka sare.

Heshiiska Gaalkacyo waxa uu Puntland ku soo jeediyey indhaha caalamka, inkasta oo Federaalku aysan qaybin heshiiskaas oo gaarsiin meelihii loo baahnaa, haddana Dawladda Puntland waxa ay awood u heshay in ay heshiiskaas gaarsiiyaan xafiiskatsa oo wax uga xirmeen.

Khilaafkii Madaxweyne Faroole iyo Shiikh Shariif

Shir aan horey loogu balamin isla markaana aan ku talo gal ahayn ayaa waxaa Nayroobi isugu yimid Shiikh Shariif iyo Dr.Faroole taariikhdu markey ahayd 12.11.2009, shirkan ayaa ahaa mid la isku fahmiwaayey, waxaana ugu weyneyd meelaha lagu kala boodey magaca Puntland la baxdey ee ah Dawladda Puntland halka Shiikh Shariif ku dooday in uu u yaqaano Maamul Goboleed dalkuna lee yahay hal Dawladd, inkasta oo Shiikh Shariif ka gaabsadey in uu arintaas saxaafadda kala hadlo ayaa waxaa dibadda soo dhigey Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole. Raysalwasare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Puntland oo isla todobaadyadaas ku kulmey Nairobi ayaa Cumar u sheegay  Madaxweynaha Puntland in aysan ahayn in uu kala hadlo heshiiskaas Shiikh Shariif heshiiskuna uu ahaa mid saxiixan caalmkuna og yahay, isla markaasna aysan jirin saxiix kale oo dawladdu kaga noqotay.

Kulan kale oo aan isagana lagu talo gelin ee uu ka soo shaqeeyey nin ka tirsan Xafiiska Raysalwasaaraha isla markaana la taliye u ah Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa Adis-ababa isugu yimid Shiikh Shariif iyo Dr.Faroole kulankaas oo laga soosaarey baaq ah in la is afgartey isla markaana laga wada shaqeeyo heshiiskii Gaalkacyo, waxaana uu u gogol xaarey is afgaradkaas in Kenya lagu kala saxiixdo heshiis adkeynaaya kii Gaalkacyo.

Khilaafka Dawladda Federaalka iyo Mawqifka Puntland

Dawladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaan wax war ah ka soo saarin khilaafkii hareeyey Dawladda Federaalka, waxaana Madaxweynuhu uu markaas ku jirey safar isaga oo ku sugnaa Nairobi, kadibmarkii Madaxweynaha Federaalku uu ka laabtey go’aankii uu ku khilaafay dastuurka Federaalka isla markaana uu ka qaybgalay shirkii Istanbul ayaa waxaa halkaas kulan ku qaatey Shiikh Shariif iyo Dr.Faroole waxaana ay ka wada hadleen khilaafka Dawladda Federaalka.

Dhegayso marka uu ka hadlaayo Madaxweynuhu magacaaabida Raysalwasaaraha: BBC

Madaxweynaha Puntland oo u waramaayey warbaahinta BBC ayaa caddeeyey in markii khilaafku dhacay ay la soo xiriireen dhinacyada is haya waana ka gaabsanay ayuu yiri in aan wax ka niraahno, sidoo kale waxa uu adkeeyey in arinta loo daayo sideedi hore maamulka hadda jirana uu shaqeeyo laakiin Dr.Faroole ayaa isla waraysigiisi isku khilaafey waxaana uu ilaaway hadalkii diblumaasiyadeed ee uu isticmaaley bilowga waraysiga, isaga oo ka hadlaaya doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka ayuu yiri “….Guddoomiyaha baarlamaanku waa furaha waa in la soo doorto qof u qalma Madaxweynahana waan ka wada hadalney, kadibna uu madaxweynuhu Rayasalwasaare soo magacaabo ama kii hore ha soo cesho ama qof kale ha u magacaabo…..”

Waxaa is weydiin mudan sida la isu waafajinaayo erayada 50 ilbiriqsi dhexdood ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ee ah in uu yiraahdo maamulkii hore hala daayo, iyo doorashada Baarlamaanka kadib Madaxweynuhu ha soo magacaabo Raysalwasaare?.

Madaxwewyne Shiikh Shariif waxa uu ka laabtey go’aankii khilaafsanaa dastuurka, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid isma casilin, waxaana uu sheegay in aanu dhib u arag in uu weydiisto kalsooni baarlamaanka, laakiin hadalka danbe ee Dr.Faroole ayaa ah mid la mid ah go’aankii hore ee Madaxweynuhu ka laabtey kaas oo ah mid khilaafsan dastuurka, waxaana dad badan si weydiinayaan in Dr.Faroole ka hadlo xilligan Magacaabista Raysalwasaare cusub xili Raysalwasaaraha xilka haya aanu wax kalsooni ah ka waayin Baarlamaanka.

Wararka labadii maalmood ee u danbeysey ka soo baxaayey magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shiikh Shariif uu wado olole uu doonaayo in uu Raysalwasaaraha ugu magacaabo nin ka soo jeeda deegaanada Somaliland, lama oga in arintan ay ka wada hadleen Madaxweynaha Federaalka Shiikh Shariif iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole?, Inkasta oo Puntland mawqif cad aysan arintan ka istaagin ayaa la isweydiinayaa mowfika Puntland ma waraysigii Dr.Faroole ee BBC ayuu ku cadyahay?

I.Haji Said
Horseed Media

Shirkii Istanbuul, kulamadii hoose iyo natiijooyinkii kasoo baxay (Sawiro)
Waxaa maalinimadii shalay (22-May-2010) lagu soo gab gabeeyey magaalada Istanbuul ee dalka Tukriga shirkii Caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobay soo diyaarisay ee looga hadlayey xaalada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeyb qaadaneysay dowlada Turkiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafuud kala gedisan oo ka socda wadamada iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay kamid ahaayeen dalalka; Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, dalalka Islaamka, IGAD iyo diblumaasiyiin kale.

Waxaa sidoo kale shirkan kasoo qeyb galay wafdi ka socda Dowlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed iyo wafdi ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole.

Shirkan ayaa ah kii labaad marka laga yimaado shirkii Belguim ka dhacay sanadkii hore April 2009, middkii ugu balaarnaa oo looga hadlayo xaalada iyo dib u dhiska wadanka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee diirada lagu saarayey shirkan ayaa ah xaalada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya, dagaalada sii socda, burcad badeeda, arrimaha bini’aadamnimo iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wafuuda ka socotay dalka Soomaaliya ayaa ayagu halkaasi kusoo bandhigay warbixino ku aada baahida ka jirta dalka iyo codsiyadooda mashaariicda horumarinta.

Baaq Caalami ah:

Geba gabedii shirkan ayaa laga soo saaray baaq caalami ah oo ku wajahan dalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka. Baaqan ayaa looga codsaday wadamada deeq bixiyayaasha inay dar dar geliyaan fasixida ama bixinta lacagihii horey loogu balan qaaday dalka Soomaaliya in dib loogu dhiso hay’adaha amniga iyo dowlada.

Baaqan ayaa si gaar ah looga hadlay in dalka Soomaaliya loo dhiso ciidamo awoodleh oo tababaran iyo maamulkooda oo khibradleh, ayadoo sidoo kale la dhiiri geliyey in dowlada Federaalka ay dhameystirto go’aamadii shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Jabuuti.

Dowlada Federaalka ayaa loogu hanbalyeeyay heshiiskii ay la gashay kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku aadan wada shaqeynta iyo waliba heshiiskii ay la gashay dowlada Puntland bishii Agoost 2009, ee ku aadanaa la dagaalanka burcad-badeeda.

Waxaana lagu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto arrimaha bini’aadamnimo ee dalka Soomaaliya ka jira, ayadoo loogu baaqay Dowlada Federaalka inay ay xil iska saarto  sidii taakulada loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

Shirkan ayaa looga hadlay kaalinta ay Ganactsada ka geysan karaan dib u dhiska Soomaaliya, ayadoo ay jiraan qorsheyaal ku aadan sare u qaadida ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen wafdiga ka socday Dowlada Federaalka kuwaasi oo sheegay in kaabayaasha loo baahan yahay in caalamka gacan kasiiyo ay kamid yihiin lix qeybood;

1. Isgaarsiinta / telecommunications;

2. Dhismaha wadooyinka;

3. Dhoofinta xoolaha;

4. Kaluumeysiga,

5. Bangiyada iyo xawaaladaha

6. Tamarta

Waxaa baaqan sidoo kale loo diray Shacabka Soomaaliyeed ayadoo loogu baaqay inay iska kaashadaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadeynta dalkooda, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha kasoo horjeeda inay nabadi ka dhalato dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Dowlada Federaalka ayaa ayagu qoraalkii ay shirka usoo gudbiyeen ku sheegay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii shirkii Jabuuti iyo waliba u shaqeynta shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto dhismaha Dowlad wanaagsan, dhismaha kaabayaasha Dowlada iyo hay’adaha asaasiga ah ee dalka Soomaaliya.

Dowlada Puntland

Waxaa markii ugu horeysay shir noocan ah ayaguna ka qeyb galay wafdi ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Faroole.

Shirkan ayaa baaqii kasoo baxay lagu sheegay in Beesha Caalamka ay dhiiri gelineyso Dowlada Puntland inay sii wado wadashaqeynta ay la leedahay Dowlada Federaalka dhanka la dagaalanka burcad badeeda, amniga iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale lagu daray Baaqa kasoo baxay kulankan in Beesha Caalamka laga codsanayo inay gacan ka geystaan mashaariicda horumarinta ee gobalada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, isla markaana la hirgeliyo dhameystirka Airporada magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe.

Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale loogu baaqay in doorashooyinka soo socda ay si nabad ah ku dhacaan, walow aysan shirkan ku sugneyn wax wafdi ah oo ka socday Somaliland.

AMISOM

Beesha caalamka ayaa si gaar ah ugu mahadnaqday wadamada ciidamada usoo diray dalka Soomaaliya ee ka kala socda Ugandha iyo Burundi, ayadoo labadaasi wadan lagu amaanay kaalinta baaxadaleh oo ay ka geysteen hawlaha nabad illaalinta ah ee ciidamadooda ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Burundi Mr. Augustin Nsanze iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Ugandha Mr. Crispus Kiyonga ayaa ku sugnaa shirka ayagoo sidoo kale, si gaar gaar ah ulla kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, isla markaana kala hadlay dhanka dhaqaalaha la doonayo in lagu bixiyo ciidamada wadamadaasi ka jooga dalka Soomaaliya.

Wadamada Ugandha iyo Burundi oo dhaqaalaha ciidamadooda AMISOM ku baxa ay tahay mid baaxadleh ayaa quudareenaya in Qaramada Midoobay ay dar dargeliso balanqaadyadii hore ee ku aadanaa in dhaqaale horleh wadamadaasi lagu siiyo hawlgalkooda Muqdisho.

IGAD

Wadamada IGAD ee jaarka la ah Soomaaliya ayaa shirkan ku sugnaa, waxaana kamid ahaa wafuudii shirka joogay koox diblumaasiyiin ah oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrima Dibada ee dalka Kenya Moses Watangula.

Watangula iyo Ban Ki Moon oo kulan khaas ah wada qaatay ayaa ayaguna ka wada hadlay kaalinta ay wadamada jaarka la ah Soomaaliya ay ka geysan karaan, nabadeynta Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa xiligan wada tababaro la sheegay inuu siinayo ciidamo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay in qaarkood loo wado dalka Soomaaliya, walow dowlada Kenya ay sheegtay in ciidamadaasi loo tababaro sugida amniga gobalada Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wadanka Itoobiya oo lagu yaqaan inuu si gaar ah u daneeyo arrimaha Soomaaliya ayaa shirkan si weyn uga dhexmuuqan, inkastoo xiliga shirka kusoo beegmay wakhtiga Doorashooyinka dalkaasi, hase yeeshee waxaa la oron karaa Dowlada Kenya waxay tusaale ka qaadan kartaa Dowlada Itoobiya oo dhawaan ayaduna sameysay ciidamo u badan Soomaali oo ay sheegtay inay sugayaan amniga gobalada saaran xadka dalka Soomaaliya. Ciidamadaasi ayaa ah kuwii todobaadkan iska horimaadka ka bilaabay magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn.

Qaramada Midoobay ayaa codsiyada ay u gudbisay wadamada Jaarka la’ah Soomaaliya, waxaa kamid ahaa in dowladaha sida Kenya ay sii wadaan maxkamadeynta kooxaha burcad badeeda ee laga soo qabto xeebaha dalka Soomaaliya, ayadoo laga codsaday beesha caalamka in dalalkaasi ay gacan ku siiyaan dhanka dhaqaalaha.

Maraykanka

Maraykanka ayaa wafdiga usoo diray shirkan uu hogaaminayey Ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika Mr. Johnnie Carson. Maraykanka ayaa kamid ah wadamada sida gaarka ah xiligan u daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaalanka waxa ay ugu yeeraan argagaxisada iyo Burcad badeeda.

Johnnie Carson ayaa kulan khaas ah magaalada Istanbul kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, iyo kaalinta dhaqaale ee uu dalka Maraykanka ka geysan karo qorshaha Qaramada Midoobay ee ku aadan Soomaaliya.

Midowga Yurub

Wafuuda ka kala socotay Midowga Yurub ayaa ayagu si gaar ah u daneenayey arrimaha la dagaalanka Burcad badeeda oo lagu wado in dhawaan Midowga Yurub dhaqaale baaxadleh ku bixiyo qorshayaal iyo mashaariic looga hortagayo burcad badeeda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya.

Wafuuda kulankan ku sugnaa waxaa kamid ahaa Mr. Andris Piebalgs oo ah Xoghayaha Horumarinta u qaabilsan Midowga Yurub iyo wafdi ka socda dalka Spain oo uu horkacayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkaasi Spain Mr. Miguel Ángel Moratinos Cuyaubé.

Dalka Spain ayaa lagu wadaa inuu bisha September ee sanadkan 2010 marti geliyo kulanka Guddiga Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Baaqa kasoo baxay kulankan ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka rajo dhigin xal u helida dalkooda, ayadoo lagu sheegay in iskaashi dhexmara shacabka, dowlada, ganacsatada iyo Beesha Caalamka uu soo dadajin karo xal u helida dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Axmed

Marka laga yimaado kulamadan gaar gaarka ah ee ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaa asagu kulankan uu ahaa kii labaad oo noocaan ah oo uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed, oo horey fursad caynkaan ah u helay kulankii ka dhacay dalka Belguim ee dhaqaalaha loogu doonayey dalka Soomaaliya.

Shiikh Shariif Axmed ayaa soo dhaweyn balaaran kala kulmay madaxda Qaramada Midoobay iyo dowlada Turkiga ee shirkan marti gelisay.

Dhinaca kale marti qaadyada loo qabanayey Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana ayaduna meesha ka marneyn canaanta ku dhaceysay wafdiga Dowlada Soomaaliya ee ku aadan waxqabad la’aanta dowlada Soomaaliya iyo khilaafyada badan ee ka dhexmuuqda dowlada dhexdeeda.

Hadaba shirkan ayaa ahaa mid fursad u ahaa dowlada Soomaaliya inay kaga faa’iideysato kaalmada caalamka, hase yeeshee waxaa si weyn u saameeyey khilaafkii soo kala dhexgalay dowlada Federaalka oo ahayd midda ay afka kuwada hayeen wadamada deeqda bixiya oo weli shakigii ay ka qabeen Soomaaliya aan meesha ka bixin.

Waxaa ayaduna fursadan ka faa’iideysatay Dowlada Puntland oo markii ugu horeysay wafdi gaar ah usoo dirsatay shirkan uuna horkacayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayagoo fursado bada u helay ayaguna dhankooda inay si gaar ah ula kulmaan wafuudii kala gedisneyd ee caalamka ka socotay iyo shirakadaha caalamiga ah.

Waxaa kale oo guul  la oron karaa in baaqii shirkaasi kasoo baxay lagu daro in Beesha Caalamka ay ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee deegaanada Puntland.

Ugu danbeyntii shirkan waxaa dhamaan loo mahadnaqay dowlada Turkiga oo kaalin weyn iska saartay in shirkan ay marti geliso, xili Beesha Caalamka ay ka daashay ka hadlida arrimaha dalka Soomaaliya.

Balse su’aasha weli taagan ayaa ah sida ay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan fursadahaasi iyo sida ay ugu adeegi doonaan shacabkooda.

Mahad Musse
Horseed Media

Burburka DFKMG ee 2aad ma waxaa horseeday shirarkii Brussels iyo Istanbuul?
Waxaa markale soo shaac baxay khilaaf  balaaran oo ka dhex dhashay mas’uuliyiinta dowlada Federaalka kumeel  gaarka ah ee Soomaaliya, khilaafkan oo u muuqda mid horey usoo maray  dowladan isla markaana horseeday burburkii xukuumadii hore ee DFKMG  ee uu hogaanka u hayey Cabdullahi Yusuf Axmed, ayaa u muuqda hadana  inuu keeni karo burburka xukuumada iyo dowlada hada jirta.

Hadaba khilaafka maanta ku yimid Dowlada  uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh shariif Axmed, xagee buu salka ku hayaa  muxuuse uga duwan yahay khilaafkii soo kala dhexgalay Xukuumadihii  Prof.Cali  Maxamed Geedi, Nuur Cadde iyo Madaxweynihii hore ee Cabdullahi Yusuf  Ahmed?

Inteenan u dhaadhicin jawaabta  su’aashaasi  waxaa muhiim ah in wax yar aynu ka taabano khilaafkii kan ka horeeyey  ee burburiyey Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yusuf Axmed,   uuna Raysalwasaaraha ka ahaa Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde).

Dowlada Federaalka kumeel gaarka  Soomaaliya  ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, ayaa ahaa mirrihii shirkii   dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee muddada 2da sano ah ka socday  magaalada  Eldoret iyo Mbghati, dalkaasi Kenya.

Shirkaasi ka dhacay Kenya ayaa lagu  tilmaami  karaa inuu ahaa kii ugu balaarnaa oo ay isugu yimaadaan dhamaan kooxihii   iyo maamuladii isku hayey dalka Soomaaliya marka laga reebo Somaliland.

Shirkan ayaa waxaa markii ugu horeysay  isa soo horfariistay kooxihi ku dagaalamayey koonfurta Soomaaliya iyo  maamulkii Puntland iyo waliba dowladii hore ee lagu soo dhisay Carte  dalka Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Natiijada shirkaasi dib u heshiisiinta  ayaa la oron karaa waxay ahaayeen sadex arrimood oo muhiim ah oo bilow  u noqon karay heshiisiinta kooxaha Soomaalida iyo dhismo dowlad loo  wada dhan yahay.

In la sameeyo Axdi kumeel    gaar ah oo saldhig u noqda Dowlada la dhisayo

In la sameeyo Baarlamaan iyo    guddoonkiisa

In la doorto Madaxweyne magacaaba    Raysalwasaare lana dhiso Xukuumada Kumeel gaarka ah

Hadaba sadexdan qodob waxaa ugu  muhiimsanaa  Axdiga Kumeel Gaarka ah ee lagu dhisay shirkaasi kaasi oo udub dhexaad  u noqday habkii ay Dowlada kumeel gaarka ah ku shaqeyn lahayd isla  markaana  lagu qeexay awoodaha kala gedisan ee sadexda qeybood ee dowladu ka  kooban  tahay:

Baarlamaanka

Xukuumada

Maxkamadaha

Waxaa sidoo kale Axdigan lagu qeexay  awoodaha Madaxweynaha uu leeyahay, Raysalwasaaraha iyo xukuumadiisa  iwm.

Habka ay doorteen kooxihii isugu yimid  shirkii Kenya ayaa ahaa in dowlada la dhisayo ay noqoto mid awoodeedu  uu leeyahay Baarlamaanka (Dowlada Baarlamaani ah), maadaama aysan  shacabka  codeyn karin, isla markaana la doonayo in koox gaar ah aysan awooda  maroorsan, ayey isku raaceen in Baarlamaanka ay Qabaa’ilkii Soomaaliya  sameysteen uu noqdo marjaca ama awooda ugu sareysa ee Dowlada.

Tan iyo intii lasoo dhisay Xukuumadii  Prof.Cali Maxamed Geedi waxaa jiray khilaafyo kala gedisan oo dowlada  soo kala dhexgalay, kuwaasi oo salka ku hayey murran la xariira  siyaasada,  danaha beelaha iyo waliba dhaqaale oo soo kala dhexgalayey madaxda sare  ee Dowlada.

Khilaafkii ugu danbeeyey ee horseeda  burburkii xukuumadii Kumeel gaarka ahayd ayaa salka ku heysay murrankii  soo kala dhexgalay Madaxweynihii hore Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Nuur  Cadde oo xiligaa ahaa Raysalwasaaraha DFKMG.

Bartamihii sanadkii 2008, ayey ahayd  markii Nuur Cadde iyo Cabdullahi Yusuf khilaafkooda sii xoogeystay,  xiligaasi uu Madaxweynaha ku dhawaaqay in uu xilka ka qaaday  Raysalwaasaraha  Nuur Cadde, hase yeeshee go’aankaasi waxaa ku gacan seeray Nuur Cadde  oo sheegay in sharciyan uu asaga xilka laga qaadi karo oo kaliya markii  Baarlamaanka codka kalsoonida kala noqdo Raysalwasaaraha.

Nuur Cadde oo ka hadlayey Xil-ka  qaadistii  uu ku sameeyey Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa sheegay in Axdiga uu  qorayo in Madaxweynaha uu Raysalwasaaraha magacaabi karo balse uusan  xilka ka qaadi karin.

Dhegayso Nuur Cadde oo sheegay in uu yahay Raysalwasaaraha Sharciga ah  Dec. 2008 BBC

Axmed Wallad Cabdalla iyo Beesha  Caalamka

Beesha Caalamka oo uu xiligaasi  horboodayey  Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmed Wallad Cabdallah, ayaa  ku taageeray Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) inuu sharciga ku taagan  yahay oo xilka uu ka qaadi karo oo kaliya Baarlamaanka sida uu qorayo  Axdiga kumeel gaarka ah ee DFKMG.

Arrintan ayaa markii danbe keentay in  Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed xilka iska casilo, ayadoo Dowlad cusub   oo lagu daray kooxihii Asmara fadhigoodu ahaa lagu soo dhisay magaalada  Jabuuti ee dalka Jabuuti, shirkaasi oo uu qeyb libaaxleh ka qaaday Nuur  Cadde oo xiligaasi Madaxweyne isu soo sharaxay, walow Shiikh Shariif  Axmed oo xiligaa ahaa hogaamiyaha Kooxdii Asmara uu kusoo baxay  doorashada  Madaxtinimada.

Shirkii Jabuuti ee horaantii sanadkii  2009 ayaa waxaa sidoo kale qeyb qaatay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu  hormuud ka ahaa Shiikh Aadan Madoobe, ayadoo Baarlamaanka Soomaaliyana  lagu daray 275 xildhibaan cusub oo ka socda garabka Isbaheysigii Asmara  ee dowlada lagu soo dhafay.

Shiikh Shariif Axmed oo xiligaasi  Raysalwasaare  u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa Baarlamaanka wuxuu  si aqlabiyad ah ku ansixiyey Cumar Cabdirashiid inuu noqdo  Raysalwasaaraha  cusub ee Soomaaliya.

Hadaba khilaafka hada soo kala dhexgalay  Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed iyo  Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid  ayaa ah mid lamid ah kii soo dhexgalay Cabdullahi Yusuf iyo Nuur Cadde.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa  asagu sheegay in xil ka qaadista Shiikh Shariif ku dhawaaqay uu garab  maray Axdigii DFKMG, asagoo heysta qodobada Axdiga kumeel gaarka ah  lagu qeexayo awooda Madaxweynaha uu leeyahay iyo qaabka Raysalwasaaraha  xilka looga qaadi karo.

Walow ay cadahay in qodobakan uu  sharciyan  ku saxsan yahay Raysalwasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid siduu ugu  saxsanaa  Nuur Cadde, ayaa waxaa la yaab noqotay taageerada uu ergayga gaarka  ah ee Qaramada Midoobay Axmed Wallad Cabdallah si deg degleh ugu  taageeray  Shiikh Shariif go’aankiisa.

Dad badan ayaa is weydiinaya su’aalaha   ah:

Maxaa keenay in Axmed Wallad    Cabdallah inuu had iyo goor ku dhex jiro khilaafyada soo kala dhexgala     Madaxda sare ee dowlada?

Kaalin intee la eg ayuu ku    leeyahay Wallad Cabdallah murranka siyaasadeed ee ka dhex jira DFKMG?

Axmed Wallad Cabdallah shalay    Nuur Cadde wuxuu ku taageeray inuu sharciyan Baarlamaanka xilka ka  qaadi    karo, halka maanta uu Cumar Cabdirashiid ku taageeray in xilka laga    qaado, Axdigii DFKMG ma wuxuu noqday “la jiifiyaa banaan la joojiyaa    banaan..”?

Maxaa ku khasbay Axmed Wallad    Cabdallah inuu si deg degleh oo saacado kooban gudahood uga hadlo xil    ka qaadisay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, xili uusanba jawaab ka    bixin go’aankii kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed?

Dhegayso raysalwasaare Sharmarke oo sheegay in uu yahay Raysalwasaaraha Sharciga ah

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa  asagu maanta shaaca ka qaaday in xilka aan laga qaadin, oo qaab sharci  ah aan loo soo marin, asagoo sheegay in xilkii uu sidiisa u hayo, shir  jaraa’iid oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qeyb  galay inta badan Golaha Wasiirada ee xukuumadiisa, marka laga reebo  wasiiro kooban oo ku dhaw Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed.

Wasiiradaasi ka maqnaa kulankaasi  Xukuumada  yeelatay ayaa waxaa kamid ahaa Shariif Xassan Shiikh Aadan Wasiirka  Maaliyadda ahna Raysalwasaare kuxigeen, kaasi oo la hadal hayo in  Madaxweyne  Shariif si aad ah isugu dhaw yihiin, laguna tuhmo in uu go’aanka kasoo  baxay xafiiska Madaxweynaha uu lug ku leeyahay, xili la isweydiinayo  dhaqaale badan oo dowlada ku maqan halkii uu mariyey Wasiirka Maaliyada  Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa in muddo ah watay  qorshe uu ku doonayo in dalka Soomaaliya lacagteeda ku bedalo mid cusub  uu asagu iskiis heshiis ulla galay shirkado shisheeye, arrimahan oo  qeyb ka ah xurguf xoogan oo la sheegay inay soo kala dhexgashay  Raysalwasaaraha  Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Maaliyada Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa asagu ahaa Wasiirkii  heshiiska kula galay shirka shisheeye in ay maamusho lacagihii dowlada  Soomaaliya loogu deeqay shirkii Brussels ee bishii April 2009 ka dhacay  dalkaasi Belguim, ayaa horey Baarlamaanka ugu dhaliileen inuusan  heshiisyadaas  soo hordhigin Baarlamaanka.

Dhamaan heshiisyadan iyo kuwo kale oo  badan oo uu shaqsiyan saxiixay wasiirka Maaliyada ayaa la sheegay inuu  taageero kaga helay xafiiska Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed,  arrintan oo sii xoojisay murranka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo  Raysalwasaaraha.

Axmed Wallad Cabdallah Brussels iyo  Istanbuul !

Marka laga yimaado khilaafkan oo ah mid  aan ku cusbeyn dowlada kumeel gaarka ah, ayaan hada waxaa muddan in  wax badan la iska weydiiyo xiliga lagu soo beegay go’aanka uu ku  dhawaaqay  Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka  Kumeelgaarka  ah ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Axmed ayaa go’aankan shaaciyey xili  uu isu diyaarinayo inuu ka qeyb galo shirka Caalamiga ah ee Dhaqaalaha  (Dib u dhiska Soomaaliya) loogu aruurinayo dalka Soomaaliya, kaasi  todobaadkan  ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkan waxaa qaban qaabadiisa leh Axmed  Wallad Cabdallah oo ah ergayga Qaramada Midoobay qaabilsan Arrimaha  Soomaaliya, asagoo horey shir noocaan ah uga abaabulay xarunta Midowga  Yurub ee Brussels sanadkii 2009, shirkaasi oo dhaqaale ka badan 250  milyan oo dollar dalka Soomaaliya loogu deeqay.

Hadaba Axmed Wallad Cabdallah oo asagu  in muddo ah Siyaasada Beesha Caalamka ee ku aadan Soomaaliya siyaabo  kala gedisan u haga ayaa la isweydiinayaa kaalinta uu ku yeelan karo  khilaafyada burburka ku keenta DFKMG.

Horey ayey u jireen arrimo badan oo musuq   maasuq ah oo dowlada Soomaaliya lagu eedayn jiray kuwaasi oo salka ku  haya dhaqaalaha caalamka ugu deeqo Soomaaliya oo mara meelo daahsoon  isla markaana aan gaarin meelihii loogu talo galay.

Waxaana horey u jiray Shir caalami ah  oo ka dhacay magaalada Brussel ee dalka Belguim kaasi oo soo maaliya  loogu deeqay lacag gaareysa 250 milyan oo dollar, dhaqaalahaasi oo aan  illaa iyo hada la ogeyn meeshii ay mareen.

Hadii Madaxweynaha uu kala diray  Xukuumadii  dalka, qaab caynkee ah buu shirkan muhiimka ah ee Istaanbuul uga qeyb  galayaa?  Maadaama uu Xukuumadii kala diray Ma Madaxweynaha kaligiis  baa ka qeyb gelin oo Dalka Soomaaliya mateli doona? Habkee buu Shiikh  Shariif Axmed caalamka uga hadli doonaa dib u dhiska Soomaaliya, hadii  ay burbur ku sugan tahay Dowlada aan 2da sano buuxsan ee uu hogaanka  u hayo oo hada khilaafkii ugu weynaa lasoo gudboonaaday?

Shirkan Istanbuul ee dhaqaalaha loogu  aruurinayo Soomaaliya waxaa la oron karaa wuxuu soo dadajiyey burburka  dowlada DFKMG oo horey murrankii uga dhashay shirkii Brussels ku kala  fogeysay Labo shariif iyo Raysalwasaaraha.

I. H.Said
Horseed Media