Gen. Ilkajiir oo ka tacsiyeeyey dilkii Anwar Dayib oo ka tirsana xafiiska Raysalwasaaraha

Anwar Xaaji Dayib Haaruun

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Cabdullahi Axmed Jamac Ilka Jiir, Maamulka Xafiiska, Agaasimayaasha waaxeyaha iyo Dhamaan shaqaalaha iyo howl-wadeenada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Anwer Xaaji Dayib Haaruun oo ka tirsanaa xafiiska R/Wasaaraha, kaas oo saakay […]

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Diini oo dalka dib ugu soo laabtey

diini

Wasiirka Gaashaandhigga DF. Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Mareykanka, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdallah Xuseen Cali iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga. Waxana uu Wasiirku ka warbixiyay safarkii uu ku gaaray dalka Mareykanka […]

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray Xarunta Aqalka Dowladda Hoose

uno

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) oo dhowaan maamulka gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyay. Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada maamulka gobolka Banaadir uu qaadey isagoo kaashanaya shacabka ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan […]

Al-Shabaab oo 8 askeri ku diley weerar ay ku qaadeen Afgooye

al-shabaab

Inta la ogyahay 8 askeri oo ka tirsan ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu diley weerar koox ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen goob jidgooyo ah oo ciidamadu ilaalo ka hayeen. Weerakan waxaa sidoo kale ku dhaawacmey laba ka mid ah ciidanka Booliska, sidaas waxaa reuters u sheegay Cabdulqaadir Xuseen oo ka tirsan Ciidanka […]

Peter de Clercq oo loo magacaabey ku xigeenka UNSOM

Peter de Clercq

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-Moon ayaa u magacaabey Peter de Clercq in uu noqdo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ahna xiriiriyaha barnaamijyada bini’aadanimada ee Qaramada Midobey ka waddo Soomaaliya iyo Barnaamijka horumarinta ee UNDP. Mr Clercq ayaa u dhashey dalka Holland waxaana u bedalaya ninkii jmudada dheer ka soo shaqeynaayey Soomaaliya ee Philippe […]

Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeerey iskoolada Imtixaanadu ka socdaan [SAWIRO]

xasan_waxbarashada

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Wasaaradda Waxbarashada hirgelinta imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo habsami u socodka imtixaankaasi maanta ku tegey dugsiga Yaasiin Cusmaan oo ka mid ah goobaha imtixankaasi uu ka dhacayo. “Waa bilow […]

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey nidaamka Xeerka Garsoorka Federaalka

unnamed (5)

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxaa shir guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir” kulanka ayaa looga hadlay xisaab xirka 2014-ka, safar shaqo oo ay ku tagtay Wasiirada Haweenka dalka dibadiisa, ansixinta nidaamka xeerka garsoorka iyo arrimaha amniga. Ugu horayntii golaha […]

Ku-simaha Raysalwasaraha oo shacabka u hambalyeeyey bilashada Ramadaanka

ilko

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Axmed Jamac “Ilka Jiir” ayaa u diraya Hambalyo ku aadan bilashada bisha barakaysan ee Ramadan dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda, waxaan hambalyo ku aadan bisha barakaysan ee Ramadaan u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed […]