Maalmaha Naas-nuujinta oo lagu xusay Magaalada Garoowe (Sawirro)

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Munaasabada lagu qabtay xarunta wasaarada caafimaadka Puntland ayaa lagu xusay maalmaha Naas Nuujita oo sanadka bisha Agoosto laga xuso Aduunka oo idil, Munaasbada ayaa sanadkan hal ku dhag looga dhigay Naasnuujin iyo Shaqo. Waxaa ka qayb galay xuska wasiirku xigeenka wasaaradda caafimaadka, Shaqaalaha Wasaarada, Saraakiil ka socday hay’adaha wasaarada la shaqeeya iyo kuwa Caafimaadka, Dhakhaatiir […]

Safarkii geerida: Puntland xal ma u haysaa Itoobiyaanka ku soo qul-qulaya

Tahriib-Boosaase-Tahriibeyaal-Itoobiyaan-3

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta la soo dersey dalalka horumaray waxaa ka mid ah qxootga, magan-gelyo doonka iyo kuwa doonaya nolol ka wanaagsan midda ay haystaan sida ay aaminsan yihiin. Dalalka jaarka la ah kuwa bartilmaameedka u ah dadka dhulkoodi ka soo hayaamey ayaa iyaguna qaba dhibaato taas la mid ah waxaana dhaqaale badan uga […]

Shirweynaha wada-tashiga Puntland oo Gaalkacyo ka Furmay . [Sawiro+Cod]

DSC08412

Shirweynaha wada-tashiga Puntland wajigiisa koowaad ayaa saaka si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka xarunta GECDP ee magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen ergooyinka ka yimid dhamaan gobolada Puntland oo gaaraya 250 ergo isla markaana socon doona mudo ku siman 5 casho ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qay-galay marti […]

Madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah u furay shirka Wadatashiga Puntland

Madaxweyne-Gaas-8

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furay shirka watashiga beelaha Puntland oo ay iskugu yimaadeen ergooyinka ka socda beelaha dega Puntland, Isimo, Nabadoono, Cuqaal iyo Dowladda Puntland oo uu ka mid yahay Magadaxweynaha. Khudbad hor dhac ah oo uu madaxweynaha ka jeediyey goobta shirka ka dhacayo ayuu kaga hadlay […]

Madaxweynaha Puntland oo magaalada Gaalkacyo kula kulmay wafdi ka socday dalka Ethopia(Sawiro)

IMG_1253

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kula kulmay Wefdi balaaran oo ka socda Dalka Ethopia , kuwaasi oo isugu jira Ganacsato iyo masuuliyiin shirkad diyaaradeed dalkaasi laga leeyahay. Wefdiga oo uu hogaaminayo Qumsulka Dawladda Ethiopia u fadhiya Puntland Madane Asmalaash ayaa waxaa casumay Wasaaradda Ganacsiga iyo […]

Wasaaradda maaliyada Puntland oo dar-dargelineysa canshuuraha bariga(Sawiro)

DSC_0485

Wasaaradda Maaliyada dawladda Puntland ayaa wada olole ballaaran oo ay kor ugu qaadeyso Cashuuraha beriga qeybta Gadida(Sales Tex),waxaana shir lala qaatay ganacsatada Hoteelada Bosaso. Shirka oo lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyada Puntlan,Agaasimayaasha Dakhliga iyo maamulka Maaliyada,Xisaabiyaha guud,maamulka gobolka,Taliska Booliska iyo ganacsatada Hoteelada. Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyada […]

Kuliyada Deegaanka Jaamacada Bariga Garoowe oo loogu Deeqday qalab Waxbarasho (Sawirro)

S2790087

Hay’ada CARE ayaa maanta qalab waxbarasho ku wareejisay kulliyada deegaanka ee Jaamacada Bariga Afrika faraca Garoowe oo ay ka taageerto jaamacada, Qalabka ayaa ka kooban Matoor, Camerado, Taleefanada toorayaasha iyo qalab kale oo loogu tala galay in ardayda ay ka caawiyaan xiliga ay samaynayaan Cilmi baarista deegaanka. Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe Sh Maxamuud […]

Safiir ku xigeenka Jermalka ee Soomaaliya oo xariga ka jaray mashruuc ay ka fuliyeen saldhiga Bosaso (Sawiro)

IMG_1103

Waxaa markii ugu horeysay saldhiga weyn ee magaalada Bosaso laga dhisay isla markaana xariga laga jaray xarun lagu ilaaliyo hubka ciidanka ilaalada Saldhigga. Xaruntan waxaa bixiyey dhaqaalaha ku baxay safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya, iyadoo ay dhistay hay’adda MAG. Munaasabaddii xariga looga jarayey dhismahan oo ka dhacday gudaha Xabsiga weyn ayaa waxaa ka soo qeyb […]