Dowladda Federaaka oo canbaareysey go’aanka Somaliland joojinta qaxootiga Soomaalida [Dhegayso]

hadliye

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Soomaaliya Cabdisalaam hadliye Cumar ayaa si adag uga hadley go’aanka Somaliland ay ku horjoogsatey dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ah ee dib ugu noqonaya dhulka ay maamusho, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye oo waraysi siinaayey BBC ayaa yiri: “Haddii waxa la sheegayo, […]

Somaliland oo Jabisey Shuruucda Caalamiga ee (Isir-Sooca Qaxootiga)!

somaliland_flag

Maamulka Somaliland ayaa todobaadkan shaaciyey inuu joojiyey Qaxootigii ka imaanayey dalka Yemen gaar ahaan Qaxootiga Soomaalida oo uu sheegay in amnigooda uu khatar ku yahay. Somaliland ayaa go’aankeeda siyaabo kala geddisan ku micneysay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ay joojiyeen Qaxootiga Soomaalida maadaama aysan hay’adaha caalamiga ah u heyn wax gargaar […]

Wada-hadalkii Xisbiyada Somaliland oo heshiis lagu gaarey[Daawo]

biixi

Wada hadalkii u dhexeeyey Xisbiyada Somali-land iyo Xukuumadda Somaliland ayaa habeenimadan Khamiista ah heshiis rasmi ah laga garey, kadib markii maalintii shalay la isku mari waayey. Heshiiska saddexda Xisbi wada gareen ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ka kooban yahay laba qodob oo keliya. – Xisbiyadu waxay ixtiraamayaan […]

Somaliland oo joojisay in ay qaabisho qaxootiga Soomaalida ee ka imaanaya Yemen!

warancadde

Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan degaanadooda imaan karin qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararaya colaada dalka Yemen. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa kaga shaaciyey go’aankan, isagoo sabab uga dhigay in Hay’addaha deeqda bixiya ay diiden in ay caawiyaan qaxootiga Soomaaliyeed. ‘’Anagu […]

Markab sida qaxooti ka badan 1000 qof oo gaarey dekadda Berbera

A ship chartered by the Somalia’s Federal Parliament arrived in the Northern Port town of Berbera on Thursday, bringing more than 900 refugees from the war-torn Yemen.

Waxaa subaxnimadii maanta oo Khamista gaarey dekadda magaalada Berbera, Markab ka yimid dalka Yemen kaas oo ay xanbaarsan qaxooti ka badan 1000 qof oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalak Yemen. War ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa lagu sheegey in Xildhibaanada Baarlamaanku u kireeyeen Markabkan dadkaas ayna ka mid […]

Shir u Furmey Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka

somaliland

Hargeysa (Horseed): Waxaa manta xarunta Somaliland ee Hargeysa ka furmey shir u dhexeeya Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda Somaliland. Shirkan waxaa ku baaqey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kadib markii khilaf iyo is-marinwaa siyaasadeed uu ka dhashey dib u dhaca Doorashada Somaliland iyo muddo kordhinta Xukuumadda Somaliland. Shirka waxaa furey Madaxweyne ku-xigneeka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, […]

Somaliland oo ka digtey dhismaha ciidanka Soomaaliya

Somaliland leader wants Procedure of rebuilding Somalia army halted

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta khudbad dheer ka jeediey munaasabada 18 May ee Somaliland sheegto in ay dib ula soo noqdeen xornimadeedi ayaa caalamka uga digey in Soomaaliya loo dhiso ciidan xooggan. -Waxaan ognahay in uu socdo hindise Soomaaliya loogu dhisaayo ciidan, kaas oo dalal kamid ah Caalamka ay ku garab siinayaan, […]