Hiiraan oo laga mamnuucay Lacagta Falsada iyo Caqabad Dhaqaale oo gobalka ku habsatay

lacagosuuq

  Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa shaaciyey in la mamnuucay guud ahaan Lacagihii Shilin Soomaaliga ah ee falsada ah, lacagtaasi oo si weyn u gashay suuqa.   Guddoomiyaha Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in lacagtaasi loo qabtay 15 maalmoo in suuqa looga saaro, balse go’aankan ayey ganacsatada qaarkood ku sheegeen mid aan xal loo heyn.   […]

Madaxda Dowlada Federaalka oo ka qeybgalay Salaadii Janaasada ee Boqor Cabdullahi Boqor Muse [Daawo]

IMG_4707

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muuse oo maanta lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde. Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse ayaa maanta meydkiisa la soo marsiiyey Muqdisho iyadoo salaadda ka dib loo qaaday magaalada Qardho oo lagu aasi doono meydka […]

Madaxii TV-ga Kalsan ee Gobalka Mudug oo Galmudug lagu dilay

LiibaanCabdullahiFaarax1

Waxaa caawa (Axad) lagu dilay xaafada Baraxley oo ah fadhiga maamulka Galmudug, mid kamid ah Wariyayaasha in muddo ah kasoo shaqeenayey magaalada Gaalkacyo. Allaha u Naxariistee Liibaan Cabdullahi Faarax (Liiban Qaran) ayaa kamid ah suxufiyiinta kasoo shaqeeyey warbaahino kala gedisan ahaana xiliga madaxa TV-ga Kalsan u fadhiya gobalka Mudug ee dalka Soomaaliya. Marxuumka ayaa la […]

Al Shabaab oo xooga saartay weerarada ku aadan Baydhabo iyo Kismaayo

dagaalyahanoshabaab1

Xoogaga Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenimadii Khamiista ee Jimcaha soo galayey ay weeraro ku qaadeen xarumaha ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo. Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa intiisa badan ka dhacayey nawaaxiga Saldhiga Militariga dowlada Federaalka ku leeyihiin deegaanka Aw-dhiigleh ee ku yaal duleedka xarunta gobalka Bay. Dagaalkan […]

Bayaanka shirweynaha 18aad ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaab Wassunnah

20130704_112443

  Shirweynihii shuurada caamka ah ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah oo maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Shirweynihii 18aad ee golaha shuurada Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab Wassunnah oo halkudheggiisu ahaa “Aan wada xaqiijino horukac dacwadeed ” ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Shirweynahaan waxaa ka soo qaybgalay madaxda Jamaacada, culumadeeda iyo aqoonyahankeeda oo isaga yimid […]

Daah-furka Akadeemiya-goboleed Af-Soomaaligu Yeeshay

DaafurAfsomaliga

Toddobaadkan lagu jirey dabbaaldegyadii lagu xusayey maalmihii taariikhiga ahaa ee xornimada, 26ka iyo 27ka Juun iyo 1da Luulyo, waxaa garab socdey shirar iyana taariikhi ah oo lagu daah-furay Akadeemiya-goboleedda Af-Soomaaliga oo ah xarun-cilmiyeed nooc cusub ah, taas oo laga dhawaaqay Magaalada Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti. Waa haya’d ka dhexaysa gayiga ama dalalka Geeska Afrika ee ay […]

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha kala hadlay Xaalada Kismaayo

2013_07_03_SRCC&PM_D

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador Mahamat Saleh Annadif  ayaa wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Shikh Maxamuud iyo Raysalwasaare Sacaadi kala hadlay xaalada magaalada Kismaayo. Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo ciidamada AMISOM ka shaqeenayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen gargaarka loo fidinayo shacabka ku dhaqan magaalada […]

Dowlada Federaalka oo ka gaabsatay inay u jawaabto Odayaasha Beesha Xassan Dahir Aweys

habargidir-jirdil3

Odayaasha Beesha Habar Gedir oo shir ku yeeshay Axadii magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay dhaawacyadii loo geystay wafdigii horey Muqdisho uga baxay ee kasoo jeeda Beeshaasi kuwaasi oo kasoo dhaadhiciyey Xassan Daahir Aweys inuu yimaado magaalada Muqdisho. Odayaasha Beeshan ayaa sheegay in dowlada khayaantay isla markaana uu Madaxweynaha Xassan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha gudaha […]

Afhayeenka Axmed Godane oo xaqiijiyey dilkii Ibrahim Afghani [Dhageyso]

Abu Mascub oo todobaadkii lasoo dhaafay aan wax war ah kasoo saarin dagaalkii 19kii June ka dhacay magaalada Barawe ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la dilay labo sarkaal (Ibrahim Afghani iyo Macalim Burhaan) kadib markii ay la dagaalameen ciidamadii loo diray inay soo xiraan. Hadalada Afhayeenka ayaa diirada lagu saarayey in la […]

Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka dhacay Qarax bambaano oo loo adeegsaday gawaarida xamuulka qaada. Weerarkan ayaa la ka dhacay goobta loo yaqaan afar irdoodka, waxaana la rumeysan yahay in qarax lala bartilmaamsaday ciidamada AMISOM oo ku sugnaa nawaaxigaasi. Waxaan illaa iyo hada la aqoon khasaaraha rasmiga ah ee […]