FAQ
- Noockasta oo Audio Player ah maku dhegaysan karaa Radiyaha Horseed Media?
- Jawaabtu waa haa inta badan ee dadku isticmaalaan waad ku dhegaysan kartaa sida Windows Media iyo Real Audio Players
- Meeqa qof ayaa halkii mar dhegaysan kara Web Raadiyaha Horseed Media?
- Radiyaha Horseed Media waxaa dhegaysan kara hal mar in ka badan 10,000kun oo qof waana in ku filan iminka haddii loo baahdona la siyaadin karo
- Mar mar waxaa dhacda anoo dhegaysanayaa in codka idaacadu iga tago maxaa dhacay?
- Waa ay dhacdaa mararka qaarkood taasna waxaa kalifaya korontada, maadaama idaacadu ay ku taalo wadanka Soomaaliya waxaa dhacda in mar mar laba koronto lakala bedelo ay qaadato muddo kooban inta internetku hawada ku soo laabanayo.
- Waqtiyadee u badan ee korontada lakala bedelaa?
- Waqtiyada ugu badan ee lakala bedalaa waa saacadu marka ay Saacadu ku soo siqdo 18:00 maqribno
- Maxaan sameeyaa haddii codku iga istaago ama aan maqli waayo Idaacada Tooska ah (LIVE) ee Horseed?
- Hadii codku kaa istaago Iska xir daaqada oo mar labaad dib u soo fur, ama taabo F5 ee Keyboardka kumbuyuutarkaaga, iska hubi in idaacadu hawada ku jirto 06:00 - 10:00 Subaxnimo iyo 12:00 - 23:00 Fiidnimo, sidoo kale iska hubi kunbuyuutarkaaga codkiisa aalada u qaabilsan. (Sound Card Driver)
- Maxaan sameeyaa haddii warku i dhaafo?
- Haddii warku ku dhaafo ha wel welin waxaad ka heli kartaa isaga oo duuban websiteka Horseed Media subax, Duhur iyo kan fiidkiiba
- Waxaan furey Idaacada Horseed Media Live ee Internetka waxaana ka dhex maqley Idaacada BBC-da?
- Idaacada Horseed Media waxa ay u fududaysaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa in ay dhegaysataan si FM ah Idaacadaha BBC iyo VOA
- Waqtiyadee ayey idaacdu hawada ka maqan tahay?
- Idaacadu waxa ay hawada ka maqan tahay 10:00 Subaxnimo ilmaaa iyo 11:59 Barqanimo sidoo kale waxaa ay hawada ka baxdaa 23:00 Fiidnimo ilmaa iyo 05:59 subaxnimo
- Maka qaybqaadan karaa barnaamijyada idaacada manu ku darsan karaa qoraalo tabarucaad ah?
- Jawaabtu waa HAA waxaadna ku soo hagaajin kartaa qoraalada aad ugu talo gashey inaad kaga qaybqaadato idaacada aad ku soo hagaajin kartaa editor@horseedmedia.net ama radio@horseedmedia.net