Buuggan la magac baxay “Magacyada Geedaha Soomaaliyeed,”

Saturday, November 15th, 2008 at 7:09 pm

Buuggan la magac baxay “Magacyada Geedaha Soomaaliyeed,” waxaa hordhiciisa qoray Prof. Cabdi Axmed Faarax “Pakistan,” Hormuudkii Kulliyada Caafimaadka, J. U. S: 1986-1990.

Guud ahaan, wuxuu dulmaryaa dhibaatada ku habsatay hadday ahaan lahayd, colaadda, abaaraha iyo nabaad guurka ku dacay dalka. Run ahaantii markii ugu horeysay ayaan hab cilmiyeysan la isugu uruuriyey magacyada geedaha in loo reebo dhaxal jiilalka soo socda.

Waxaa ku dhan magacyada geedaha af Soomaaliga iyo kuwa cilmiga ah oo is waafaqsan. Geedaha hadday ahaan lahayd suugaan ilaa abla-ablayntooda midna laga ma tagin. Tan dambe, waxaa loo kala qaybiyey labo tagood, mid wadareed iyo tu kaliyeed, matalan:

Geed Qodaxeed: Dhirtani waa dhirta astaanta u ah dhulka Soomaaliyeed horay ayaan u
soo sheegay in dhirta geela inta badan ka jecel yahay dhirta kale.

Waxaa ka mid ah: Bilcilka, Cacabka, Cadaada, Damalka, Durujaha, Fulayga, Galoolka, Jeerinka, Jiqjiiqlaha,
Qaydarka, Quraca, Sarmaanta, Sogsogta iyo Weesagadda haddii aan qaar ka mid ah
magacawno.

Geedka galoolka waxaa laga sameeyaa agabyada maalinlaha aad loo isticmaalo ay ka mid yihiin kebedda oo loo yaqaan kebed galool. Xididadiisa waxaa laga sameeyaa dhigaha, asalka wax lagu midabeeyo, mayraxdiisa waxaa laga sameeya xarigga kuwa wax lagu rarto. Qoloftiisa waxaa lagu daweeya cudurada ay ka mid yihiin daacuunka, shubanka iyo calool xanuunka. Dabar go’ah geedkaas bal adinba maleeya!!!!!
Abla-ablaynta kaliyeed halkan aan ku soo qaadano xarafka “J:”

Jacjacle: asna waa geed yar oo caleentiisa la isku qaras bixiyo, ariguna aad u daaqo.

Jaleefaan: waa geed cadaadda u eh oo xabag wanaagsan.

Jillab: waa geed gaaban oo aad u udgoon, waxaana lagu culaa dhiilaha si caanaha u
carfiyaan, jeermiskana dila, iwm!

Ugu dambayntii haddaan kalmad naqdin ah ka soo qaato buuggan, waxaan ku soo koobi lahaa: waa hawl isku darsatay bilow iyo qabyo oo u baahan maalin uun si’ la soo ebyo.

Hadal haama ma buuxshee, akhris wanaagsan.

Mahadsanidin

Abdulfatah Gacmadheere
Goleconsulting & Associates:
Consulting Engineers
Italy