Breaking News, Entertainment, and Sports | Horseed Media http://horseedmedia.net Fri, 03 Sep 2010 04:54:00 +0000 en hourly 1Our regular weekly programs on radio that is also conveyed on to the website include hourly focus on women and family, peace, Health, human rights, business, religion, sport and literature, culture and tradition, Media and Entertainment. Horseed Media no Horseed Media editor@horseedmedia.net editor@horseedmedia.net (Horseed Media) Horseed Media Breaking News, Entertainment, and Sports | Horseed Media http://horseedmedia.net/images/feedlogo.pnghttp://horseedmedia.net Wadahadalkii nabadda ee Israel & Palestine oo furmeyhttp://horseedmedia.net/2010/09/02/wada-hadalkii-nabadda-ee-israel-iyo-palastain-oo-furmey/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/wada-hadalkii-nabadda-ee-israel-iyo-palastain-oo-furmey/#comments Thu, 02 Sep 2010 16:03:24 +0000 Abshir Said http://horseedmedia.net/?p=18531 Wada hadaladii nabadda ee sida tooska ah u dhexmaraaya hogaamiyaasha Falastin iyo Israel ayaa maanta ka bilowdey magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha xukuumadda Falastiiniyiinta Maxmuud Cabbaas iyo Raysalwasaaraha Israel Benyamin Natanyahu ayaa markii u horeysey wada hadal isku soo hor fariistey muddo ku dhaw laba sanadood.

Ergayga dalka Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe George Mitchell ayaa sheegay in labada masuul ay is ku afgarteen in labadii todobaadba hal mar ay Gobolka ku shiraan, kulanka labaadna uu noqon doono 14 September, ergayga ayaa sidoo kale sheegay in labada masuul isku waafaqsan yihiin qorshaha laba dawladood oo deris ah, taas oo lagu hirgelinaayo  muddo sanad ah dhexdeed.

“Talaabo dhanka nabadda loo qaadey”

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa wada hadalka furtey waxayna ku amaantey labada hoggaamiye dedaalkooda dhanka nabada.

“…Talaabo muhim ah ayaad dhanka nabadda u qaadeen. Labadiinuba waxa aad fahmeysaan muhimadda ay leedahay laba dawladood oo deris ah. Taasi waa wadada keliya ee ay nabad ku gaari karaan Israel iyo Falastiin. Waxaan aaminsahay in  labadiinan hogaamiye aad riyadii dhab ka dhigi kartaan….” ayey tiri Hillary Clinton.

Raysalwasaaraha Israel Natanyahu ayaa sheegay in uu samaynaayo dheelitir ama tanaasulaad si loo gaaro nabad. Waxa  uu hadalkiisi ku muujiyey in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin dawlad u gaar ah , iyagana waxaa laga doonayaa in ay Israel u aqoonsadaan Dawlad Yuhuuddu leedahay!.

Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha xukuumadda Falastiin ayaa dhankiisa ku xirey in Israel ay si toos ah u qaaddo xayiraada saaran marinka Qasa, isla markaana ay joojisaa dhismayaasha ay ka waddo dhulka ay xoogga ku qabsatey.

Sida laga soo xiganaayo masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka waxaa suurta gal ah in la helo nabad ka dhalata bariga dhexe muddo sanad gudaheed ah. Sidoo kale waxaa laga soo xiganayaa Maxmuud Cabbaas in nabaddu ay markaan macquul tahay sanad gudihiis.

Wadahadalka  furmey oo socon doono muddooyinkan ayaa lagu wadaa in ay fure u noqoto:

  • Qaxootiga Falastiiniyiinta ee ku maqan wadamada dersika ah
  • Qaybinta magaalada Quddus si ay labada dawladood caasimad ugu noqoto
  • Dhismayaasha sharci darada ah
  • In Falastiin ay Israel u aqoonsato Dawlad Yuhuuddu leedahay
  • Sidii Biyaha loo qaybsan lahaa
  • Xuduudaha
  • Amniga
  • Maxaabiista xiran
  • Awoodda ay yeelan doonto dawladda Falastiin sida in aysan ciidan milateri ah yeelan karin
  • iyo arimo kale.

Arimaha sida weyn looga falanqoodey ayaa waxaa ka mid ah in Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu habeenkii xalay (Arbaca) ku dhawaaqey magaca ah Israel loo aqoonsado Dawlad Yuhuudu leedahay.(Jewish State)

Hadaba Jewish State ayaa macnaheedu yahay dawlad aan dimoqraadi ahayn oo ku dhisan diinta Yuhuudda isla markaana kuwa tirada badan ay muquuniyaan oo madaxa kaga istaagaan dadka laga badan yahay.

Si kastaba ha ahaatee dadka ka faalooda qaddiyada bariga dhexe ayaa aaminsan in ay adagtahay in nabad ka dhalato halkaas muddo sanad ah ama wax u dhaw, Dawladda Israel marnaba ma yeeli doonto in guryaha sida sharci darada ah ay uga dhisteen dhulka Falastiiniyiinta la burburiyo, waxayna doonayaan in guryahaasi ahaadaan kuwo sidii loo dhsiey ah, sidoo kale waxaa adag in ay yeelaan in Bariga Magaalada Quddus (Jerusalem) ay caasimad u noqoto dawladda Falastiiniyiinta ee la filaayo in wada hadalkan ay ka dhalato.

Dhanka kale Xarakada Wax iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee ka talisa marinka Qasa ayaa gebi ahaanba qaadacdey wadahadalka, waxayna ku tilmaameen mid khiyaano ah, waxayna wacad ku mareen in heshiiskaasi aanu noqon doonin mid dhaqan gala, waxaana maalmihii u danbeeyey ay weeraro la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad u dhashey Israel, weeraradaas oo dhaliyey khasaarooyin kala duwan. Waxaa calaamad su’aal weyndusha laga saaraya sida uu u socon karo heshiis ay Xamaas ka maqan tahay.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/wada-hadalkii-nabadda-ee-israel-iyo-palastain-oo-furmey/feed/ 3
SOMALIA: UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishuhttp://horseedmedia.net/2010/09/02/somalia-undersecretarygeneral-visits-president-sheikh-sharif-mogadishu/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/somalia-undersecretarygeneral-visits-president-sheikh-sharif-mogadishu/#comments Thu, 02 Sep 2010 14:09:08 +0000 Abshir Said http://horseedmedia.net/?p=18529 The UN Under-Secretary-General for Political Affairs, Lynn Pascoe, expressed his solidarity with the people of Somalia during a one day visit to Mogadishu yesterday (Wednesday). Mr Pascoe, who was accompanied by the UN Special Representative for Somalia, Augustine P. Mahiga, met President Sheikh Sharif and Cabinet Ministers at the Presidential Compound known as Villa Somalia.

Mr Pascoe encouraged the leaders of the Transitional Federal Government to reach out to other groups and to focus on governing the country.

“It is crucial to show the long suffering people of Somalia that the Government can deliver basic services,” said Mr Pascoe. “The international community is very interested in supporting the TFG, but the Government itself needs to do more and learn to work as a cohesive team”.

Mr Pascoe and Mr Mahiga also met the Force Commander and members of AMISOM and visited the AMISOM hospital where they witnessed the African Union peacekeeping troops treating Somali civilians.

The Under-Secretary-General praised the work of the African Union forces deployed in Somalia since 2008 in an effort to help stabilize the Government and commended the UN for providing them with logistic support. At the same time he called for more troops as well as financial and logistical support for the 7,000-strong force.

Mr Pascoe has been on a regional trip aimed at shoring up peace and stabilization efforts in Somalia. He attended a meeting of the Africa Peace Envoys in Cairo, and travelled from there to Djibouti, Eritrea and Ethiopia where he met with Heads of State and Governments, diplomats, humanitarian non-governmental organizations (NGOs) and UN aid agencies.

For more information, please contact: Susannah Price
UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya)

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/somalia-undersecretarygeneral-visits-president-sheikh-sharif-mogadishu/feed/ 0
SOMALIA: UK Senior Representative to Somalia Condemns Violencehttp://horseedmedia.net/2010/09/02/somalia-uk-senior-representative-somalia-condemns-violence/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/somalia-uk-senior-representative-somalia-condemns-violence/#comments Thu, 02 Sep 2010 11:14:02 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18521 The British High Commission is extremely concerned by the recent fighting in Mogadishu, and in particular the reports of civilian casualties and the deaths of four African Union (AMISOM) peace-keepers from Uganda on Monday. 

The attacks against civilians, as well as the killing and subsequent desecration of African Union peace-keepers present only to bring peace and stability to the Somali people is utterly reprehensible.  There can be absolutely no justification for such action.  The condolences of the British Government go to the Government of Uganda, the African Union and the families of all those who have lost their lives in the recent fighting.

The British High Commission also condemns al-Shabaab’s recent take-over of Radio Holy Quran.  Curtailment of press freedoms in Somalia by any group or individual is entirely unacceptable.  A free press that can operate without fear or intimidation is central to building a peaceful and stable Somalia.  Journalists operating in Somalia do so in the most difficult conditions and will continue to have the full support of the British Government.
 
Speaking today, the UK Senior Representative to Somalia, Matt Baugh, said: “Coming as they do during the Holy Month of Ramadan and after last week’s brutal attack on a Mogadishu hotel, these further killings again show that al-Shabaab and those who seek to undermine the UN-led Djibouti peace process are only interested in destabilising Somalia further and prolonging the suffering of the Somali people”.
 
The UK remains committed to supporting the Djibouti process and working with the Transitional Federal Government (TFG), AMISOM and international partners to build a peaceful and stable Somalia.  We deplore any attempts to undermine the reconciliation efforts of the TFG and distract attention from the urgent progress needed on the transitional tasks.

Source: British High Commission, 
                Nairobi, Kenya

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/somalia-uk-senior-representative-somalia-condemns-violence/feed/ 0
Bulshada reer Caluula oo Sheegtay In Maamulka Puntland Ilaaway [Dhegayso]http://horseedmedia.net/2010/09/02/bulshada-reer-caluula-bargaal-oo-ka-cawday-burcad-badeeda/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/bulshada-reer-caluula-bargaal-oo-ka-cawday-burcad-badeeda/#comments Thu, 02 Sep 2010 10:07:42 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18524 Dadka ku dhaqan degmada Caluula ee gobalka Bari ayaa si weyn uga cabanaya falalka ay geystaan kooxaha Burcad badeeda ah ee kusugan deegaan xeebeedka degmada Caluula, sidoo kale waxa ay cabasho xoogleh ka muujiyeen sida ay magaaladu u dayacan tahay oo aysan u lahayn wax maamul ah, kadib markii uu  5 bilood ka hor is casiley maamulkii magaalada Caluula

Qaar kamid ah odayaasha degmada Caluula ayaa sheegay in burcad badeeda inay geystaan falal badan oo argagax iyo dhibaato ku ah dadka. Waxayna sheegeen in horey ay cabashadan ugu gudbiyeen maamulka Puntland.

Odayaasha ayaa sheegay in hada degmada Caluula aysan lahayn wax maamul ah isla markaana guddoomihii degmada uu horey isu casilay, asagoo sheegay in hada uusan jirin maamul wax ka qabta arrimahan.

Odayaasha degmada ayaa ka cawday in burcad badeeda ay degmada Caluula iyo weliba degmada Baargaal ay sameeyaan falal isugu jira adeegsiga khamriga iyo xashiishka, ayagoona rasaas badan ka ridi deegaanka taasi oo cabsi iyo dhibaato ku ah shacabka.

Waxay odayaasha degmada ayaa codsaday in si deg deg ah maamul loogu dhiso degmada Caluula si lagala xisaabtamo degmada, waxayna si weyn u dhaliileen wax qabad la’aanta Dowlada Puntland.

Odayaasha ayaa ka gaabsaday inay ayagu sharciga gacantooda ku fuliyaan oo ay ayagu shacabka iska dhiciyaan burcad badeeda, waxayna sheegeen in shacabka haduu fal geysto ay isu bedaleyso qabiil iyo aano, balse dowlada looga baahan yahay inay amniga Sugto.

Faduma Yusuf oo kamid ah haweenka degmada Caluula ayaa sheegay in haweenkii iyo caruurtii ay argagax ku hayaan burcad badeeda ayadoo sheegtay in ay kooxahan hubeysan ay hubka magaalada la dhexmaraan, ayadoo intaasi u dheertahay gaadiidka burcad badeeda oo xawli kumara magaalooyinka.

Faduma ayaa sheegtay in hada kahor ay shacabka ku mudaharaadeen kooxaha burcad badeeda, isla markaana ka codsadeen, wallow aysan weli ku guuleysan kooxahaasi inay ka baxaan deegaankaasi.

Kaluumeysatada ayaa sidoo kale dhibaato weyn ku qaba burcad badeeda ayadoo kooxahan burcada ah ay baad iyo dhac u geystaan kaluumeysatada doonyahooda kuwaasi oo hada ka ko’ay inay degmada usoo dhawaadaan, ayey tiri Faduma Yusuf oo khadka teleefonka ugu warameysay Horseed Media.

Faadumo ayaa sheegtey in maamulka Puntland uu ilaawey Bulshada Caluula, wax maamul ahna aanu ka jirin halkaas, maamulku Laamiga ma soo dhaafo ayey tiri.

Shacabka ku dhaqan degmada Caluula iyo Baargaal ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid heer xun hada mareysa ayagoo dhaliilay jawaab la’aanta ka imaaneysa dhanka dowlada Puntland, waxayna sheegeen in mas’uuliyiinta dowlada Puntland aysan xil iska saarin wax u qabashada dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/bulshada-reer-caluula-bargaal-oo-ka-cawday-burcad-badeeda/feed/ 3 Caluula Dadka ku dhaqan degmada Caluula ee gobalka Bari ayaa si weyn uga cabanaya falalka ay geystaan kooxaha Burcad badeeda ah ee kusugan deegaan xeebeedka degmada Caluula, sidoo kale waxa ay cabasho xoogleh ka muujiyeen sida ay magaaladu u dayacan tahay oo a... (http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/06/caluula2-200x150.jpg)Dadka ku dhaqan degmada Caluula ee gobalka Bari ayaa si weyn uga cabanaya falalka ay geystaan kooxaha Burcad badeeda ah ee kusugan deegaan xeebeedka degmada Caluula, sidoo kale waxa ay cabasho xoogleh ka muujiyeen sida ay magaaladu u dayacan tahay oo aysan u lahayn wax maamul ah, kadib markii uu  5 bilood ka hor is casiley maamulkii magaalada CaluulaQaar kamid ah odayaasha degmada Caluula ayaa sheegay in burcad badeeda inay geystaan falal badan oo argagax iyo dhibaato ku ah dadka. Waxayna sheegeen in horey ay cabashadan ugu gudbiyeen maamulka Puntland.Odayaasha ayaa sheegay in hada degmada Caluula aysan lahayn wax maamul ah isla markaana guddoomihii degmada uu horey isu casilay, asagoo sheegay in hada uusan jirin maamul wax ka qabta arrimahan.Odayaasha degmada ayaa ka cawday in burcad badeeda ay degmada Caluula iyo weliba degmada Baargaal ay sameeyaan falal isugu jira adeegsiga khamriga iyo xashiishka, ayagoona rasaas badan ka ridi deegaanka taasi oo cabsi iyo dhibaato ku ah shacabka.Waxay odayaasha degmada ayaa codsaday in si deg deg ah maamul loogu dhiso degmada Caluula si lagala xisaabtamo degmada, waxayna si weyn u dhaliileen wax qabad la’aanta Dowlada Puntland.Odayaasha ayaa ka gaabsaday inay ayagu sharciga gacantooda ku fuliyaan oo ay ayagu shacabka iska dhiciyaan burcad badeeda, waxayna sheegeen in shacabka haduu fal geysto ay isu bedaleyso qabiil iyo aano, balse dowlada looga baahan yahay inay amniga Sugto.Faduma Yusuf oo kamid ah haweenka degmada Caluula ayaa sheegay in haweenkii iyo caruurtii ay argagax ku hayaan burcad badeeda ayadoo sheegtay in ay kooxahan hubeysan ay hubka magaalada la dhexmaraan, ayadoo intaasi u dheertahay gaadiidka burcad badeeda oo xawli kumara magaalooyinka.Faduma ayaa sheegtay in hada kahor ay shacabka ku mudaharaadeen kooxaha burcad badeeda, isla markaana ka codsadeen, wallow aysan weli ku guuleysan kooxahaasi inay ka baxaan deegaankaasi.Kaluumeysatada ayaa sidoo kale dhibaato weyn ku qaba burcad badeeda ayadoo kooxahan burcada ah ay baad iyo dhac u geystaan kaluumeysatada doonyahooda kuwaasi oo hada ka ko’ay inay degmada usoo dhawaadaan, ayey tiri Faduma Yusuf oo khadka teleefonka ugu warameysay Horseed Media.Faadumo ayaa sheegtey in maamulka Puntland uu ilaawey Bulshada Caluula, wax maamul ahna aanu ka jirin halkaas, maamulku Laamiga ma soo dhaafo ayey tiri.Shacabka ku dhaqan degmada Caluula iyo Baargaal ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid heer xun hada mareysa ayagoo dhaliilay jawaab la’aanta ka imaaneysa dhanka dowlada Puntland, waxayna sheegeen in mas’uuliyiinta dowlada Puntland aysan xil iska saarin wax u qabashada dadka ku dhaqan deegaankaasi.Horseed Media Abdirisak Shiino no 7:48
Dowlada Puntland oo ka hadashay hawlgalada Bosaso ka socda (Dhageyso)http://horseedmedia.net/2010/09/02/wasaarada-amniga-puntland-oo-ka-hadashay-hawlgalada-bosaso-ka-socda/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/wasaarada-amniga-puntland-oo-ka-hadashay-hawlgalada-bosaso-ka-socda/#comments Thu, 02 Sep 2010 10:03:55 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18523 Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland ayaa ka hadlay hawlgaladii ugu danbeeyey ee ciidamada Amniga ka sameeyeen magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.

Gen.Yusuf Axmed Khayr oo u waramayey Barnaamijka Xog ogaal ee Horseed Media, ayaa sheegay in hawlgaladan ka socda magaalada Bosaaso ay la xariiraan sugida amaanka magaalada oo ay ka dhaceen falal amniga ka dhan ah.

Wasiirka ayaa sheegay in la qabqabtay dad gaaraya 200 oo qof hawlgaladii magaalada laga sameeyey, asagoo sheegay in dadkaasi la qabtay ay baaritaano ku socdaan, asagoo xusay inay jiraan dad badan oo lasii daayey oo wax danbi ah lagu waayey.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay inaysan jirin cid hada laga tarxiilay magaalada Bosaaso, asagoo sheegay in lasii daayey inta badan dadkii wax lagu waayey, inta kalena baaritaan ku socdaan.

Wasiirka ayaa sheegay in cidii danbi lagu helo aan la tarxiili doonin balse la horgeyn doono maxkamada.

Gen.Yusuf ayaa sheegay in ahmiyada hawlgaladan laga leeyahay ay tahay in aan magaalada Bosaaso lagu soo dhex dhuuman, oo aysan gudaha usoo gelin dadka geysta falalka isugu jira dilalka iyo weerarada kale.

Wuxuuna intaasi raaciyey in ay jiraan tuhumo iyo xog ay Ciidamadu hayaan, isla markaana ay baarayaan goobaha la tuhunsan yahay.

“….Cidii dooneysa inay wax yeelayso amniga waa in meel looga soo wada jeestaa….nin walba danta waxay ugu jirtaa in dhulkaan nabad ahaado oo ay dadka xasilooni ku heystaan, ganacsigooda iyo noloshooda….” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Gen.Yusuf Axmed Khayr oo shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan ciidamada Amniga.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/wasaarada-amniga-puntland-oo-ka-hadashay-hawlgalada-bosaso-ka-socda/feed/ 5 Bosaaso Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland ayaa ka hadlay hawlgaladii ugu danbeeyey ee ciidamada Amniga ka sameeyeen magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland. - Gen.Yusuf Axmed Khayr oo u waramayey Barnaamijka Xog ogaal ee Horseed Media, (http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/04/yusuf_axmed-200x132.jpg)Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland ayaa ka hadlay hawlgaladii ugu danbeeyey ee ciidamada Amniga ka sameeyeen magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.Gen.Yusuf Axmed Khayr oo u waramayey Barnaamijka Xog ogaal ee Horseed Media, ayaa sheegay in hawlgaladan ka socda magaalada Bosaaso ay la xariiraan sugida amaanka magaalada oo ay ka dhaceen falal amniga ka dhan ah.Wasiirka ayaa sheegay in la qabqabtay dad gaaraya 200 oo qof hawlgaladii magaalada laga sameeyey, asagoo sheegay in dadkaasi la qabtay ay baaritaano ku socdaan, asagoo xusay inay jiraan dad badan oo lasii daayey oo wax danbi ah lagu waayey.Wasiirka Amniga ayaa sheegay inaysan jirin cid hada laga tarxiilay magaalada Bosaaso, asagoo sheegay in lasii daayey inta badan dadkii wax lagu waayey, inta kalena baaritaan ku socdaan.Wasiirka ayaa sheegay in cidii danbi lagu helo aan la tarxiili doonin balse la horgeyn doono maxkamada.Gen.Yusuf ayaa sheegay in ahmiyada hawlgaladan laga leeyahay ay tahay in aan magaalada Bosaaso lagu soo dhex dhuuman, oo aysan gudaha usoo gelin dadka geysta falalka isugu jira dilalka iyo weerarada kale.Wuxuuna intaasi raaciyey in ay jiraan tuhumo iyo xog ay Ciidamadu hayaan, isla markaana ay baarayaan goobaha la tuhunsan yahay.“….Cidii dooneysa inay wax yeelayso amniga waa in meel looga soo wada jeestaa….nin walba danta waxay ugu jirtaa in dhulkaan nabad ahaado oo ay dadka xasilooni ku heystaan, ganacsigooda iyo noloshooda….” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Gen.Yusuf Axmed Khayr oo shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan ciidamada Amniga.Horseed Media Abdirisak Shiino no 5:10
Garabyada SSC oo heshiis wada gaaray (Dhageyso)http://horseedmedia.net/2010/09/02/garabyada-ssc-oo-heshiis-wada-gaaray/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/garabyada-ssc-oo-heshiis-wada-gaaray/#comments Thu, 02 Sep 2010 10:02:06 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18522 Hogaanka dhaq dhaqaaqa SSC ayaa shaaciyey in ay xaliyeen khilaafyo soo kala dhexgalay labo garab oo kawada tirsan SSC, dhawaana qaadi doonaan hawlgalo cusub.

Col.Cali Xassan Axmed Seberay  Guddoomiye kuxigeen SSC oo u waramay Horseed Media ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafyo uu ku tilmaamay kuwo yar yar oo soo kala dhexgalay hogaanka SSC.

Horey ayuu Keyse Cabdi Yusuf oo kamid ahaa hogaamiyaashii SSC u sheegay inuu ka baxay dhaq dhaqaaqaasi arrintaasi oo la sheegay in ay la xariirtay khilaaf soo kala dhexgalay garabkiisa iyo hogaanka SSC uu hormuudka u yahay Dr.Saleebaan Xagalatoosiye.

Col.Saberey ayaa sheegay in xil loo magacaabi doono Keyse Cabdi Yusuf, wallow uusan carbaabin xilkaasi waxa uu noqon doono.

Wuxuu sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka SSC ka hadlay Sadex Xildhibaan oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo kuraastoodii laga xayuubiyey, asagoo sheegay in Xildhibanadaasi ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta deegaanka kasoo jeeda ee hada ku sugan Buuhoodle oo ka qeyb qaadanaya halganka ay ku jiraan.

Col.Saberey ayaa sheegay in Bisha Ramadaan kadib ay bilaabi doonaan hawlgalo cusub oo uu sheegay inay gobalka Sool uga saari doonaan ciidamada maamulka Somaliland.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/garabyada-ssc-oo-heshiis-wada-gaaray/feed/ 10 SSC Hogaanka dhaq dhaqaaqa SSC ayaa shaaciyey in ay xaliyeen khilaafyo soo kala dhexgalay labo garab oo kawada tirsan SSC, dhawaana qaadi doonaan hawlgalo cusub. - Col.Cali Xassan Axmed Seberay  Guddoomiye kuxigeen SSC oo u waramay Horseed Media ayaa shee... (http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/07/SABAREY-300x224.jpg)Hogaanka dhaq dhaqaaqa SSC ayaa shaaciyey in ay xaliyeen khilaafyo soo kala dhexgalay labo garab oo kawada tirsan SSC, dhawaana qaadi doonaan hawlgalo cusub.Col.Cali Xassan Axmed Seberay  Guddoomiye kuxigeen SSC oo u waramay Horseed Media ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafyo uu ku tilmaamay kuwo yar yar oo soo kala dhexgalay hogaanka SSC.Horey ayuu Keyse Cabdi Yusuf oo kamid ahaa hogaamiyaashii SSC u sheegay inuu ka baxay dhaq dhaqaaqaasi arrintaasi oo la sheegay in ay la xariirtay khilaaf soo kala dhexgalay garabkiisa iyo hogaanka SSC uu hormuudka u yahay Dr.Saleebaan Xagalatoosiye.Col.Saberey ayaa sheegay in xil loo magacaabi doono Keyse Cabdi Yusuf, wallow uusan carbaabin xilkaasi waxa uu noqon doono.Wuxuu sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka SSC ka hadlay Sadex Xildhibaan oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo kuraastoodii laga xayuubiyey, asagoo sheegay in Xildhibanadaasi ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta deegaanka kasoo jeeda ee hada ku sugan Buuhoodle oo ka qeyb qaadanaya halganka ay ku jiraan.Col.Saberey ayaa sheegay in Bisha Ramadaan kadib ay bilaabi doonaan hawlgalo cusub oo uu sheegay inay gobalka Sool uga saari doonaan ciidamada maamulka Somaliland.Horseed Media Abdirisak Shiino no 5:09
Golaha deegaanka Garowe oo kalfadhigooda u bilowday (Dhageyso)http://horseedmedia.net/2010/09/02/golaha-deegaanka-garowe-oo-kalfadhigooda-bilowday-dhageyso/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/golaha-deegaanka-garowe-oo-kalfadhigooda-bilowday-dhageyso/#comments Thu, 02 Sep 2010 10:00:04 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18525

Muuqaalka Garoowe

Golaha Deegaanka ee Garowe caasimada Puntland ayaa waxay shalay u fadhiisteen Kalfadhigoodii ugu horeeyey tan iyo intii lasoo magacaabay golaha cusub.

Kalfadhiga oo maanta galay fadhigii labaad ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo badan oo la xariira amniga iyo xeerka ku aadan Caasimada Puntland ee Garowe.

Waxaa sidoo kale kulankan intuu socdo looga hadli doonaa dakhliga iyo miisaaniyada golaha.

Kalfadhiga Garowe ayaa si habsi ah u socda waxaana Horseed Media arrimahan uga waramay Xoghayaha Golaha Deegaanka Garowe.

Xiligan ayey deegaanada Puntland ka socdaan olalaha lagu dhisayo golayaasha deegaanka ayadoo illaa iyo hada la dhisay golayaasha degmooyinka Garowe, Qardho iyo Jariiban. Waxaana hada socda dhismaha golaha deegaanka ee Bosaaso.

Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Puntland ayaa kalfadhigiisii golaha deegaanka shalay ku dhamaaday buuq iyo is qabqabsi kadib markii ay xildhibaanada golaha ka gadoodeen qoraal uga yimid Madaxweynaha Puntland.

Xildhibaanada golaha Gaalkacyo ayaa codsaday in hab Dastuuri ah loo maro hab dhismeedka golaha deegaanka isla markaana golaha uu yeesho 1 guddoomiye iyo kuxigeenkiisa, walow Madaxweynaha Puntland qoraal uu soo saaray ku sheegay in habka uu hada u dhisan yahay golaha Gaalkacyo aan wax laga bedali doonin illa inta laga gaarayo isbedalka dimuquraadiyeynta ama nidaamka xisbiyada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ah magaalada kaliya ee leh Guddoomiyaha golaha deegaanka iyo Duqa magaalada oo u kala magacaaban yihiin labo mas’uul.

Kalfadhiga golaha deegaanka Galkacyo oo hada la xiray ayaa lagu wadaa in dib loo furo kadib bisha Ramadanka.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/golaha-deegaanka-garowe-oo-kalfadhigooda-bilowday-dhageyso/feed/ 1 - Golaha Deegaanka ee Garowe caasimada Puntland ayaa waxay shalay u fadhiisteen Kalfadhigoodii ugu horeeyey tan iyo intii lasoo magacaabay golaha cusub. - Kalfadhiga oo maanta galay fadhigii labaad ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo badan oo la xariira ... Golaha Deegaanka ee Garowe caasimada Puntland ayaa waxay shalay u fadhiisteen Kalfadhigoodii ugu horeeyey tan iyo intii lasoo magacaabay golaha cusub.Kalfadhiga oo maanta galay fadhigii labaad ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo badan oo la xariira amniga iyo xeerka ku aadan Caasimada Puntland ee Garowe.Waxaa sidoo kale kulankan intuu socdo looga hadli doonaa dakhliga iyo miisaaniyada golaha.Kalfadhiga Garowe ayaa si habsi ah u socda waxaana Horseed Media arrimahan uga waramay Xoghayaha Golaha Deegaanka Garowe.Xiligan ayey deegaanada Puntland ka socdaan olalaha lagu dhisayo golayaasha deegaanka ayadoo illaa iyo hada la dhisay golayaasha degmooyinka Garowe, Qardho iyo Jariiban. Waxaana hada socda dhismaha golaha deegaanka ee Bosaaso.Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Puntland ayaa kalfadhigiisii golaha deegaanka shalay ku dhamaaday buuq iyo is qabqabsi kadib markii ay xildhibaanada golaha ka gadoodeen qoraal uga yimid Madaxweynaha Puntland.Xildhibaanada golaha Gaalkacyo ayaa codsaday in hab Dastuuri ah loo maro hab dhismeedka golaha deegaanka isla markaana golaha uu yeesho 1 guddoomiye iyo kuxigeenkiisa, walow Madaxweynaha Puntland qoraal uu soo saaray ku sheegay in habka uu hada u dhisan yahay golaha Gaalkacyo aan wax laga bedali doonin illa inta laga gaarayo isbedalka dimuquraadiyeynta ama nidaamka xisbiyada.Magaalada Gaalkacyo ayaa ah magaalada kaliya ee leh Guddoomiyaha golaha deegaanka iyo Duqa magaalada oo u kala magacaaban yihiin labo mas’uul.Kalfadhiga golaha deegaanka Galkacyo oo hada la xiray ayaa lagu wadaa in dib loo furo kadib bisha Ramadanka.Horseed Media Abdirisak Shiino no 4:53
Dowlada Ugandha oo sheegtay inay ciidamo badan u diri karto Somaliyahttp://horseedmedia.net/2010/09/02/dowlada-ugandha-oo-sheegtay-inay-ciidamo-badan-diri-karto-somaliya/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/dowlada-ugandha-oo-sheegtay-inay-ciidamo-badan-diri-karto-somaliya/#comments Thu, 02 Sep 2010 09:59:04 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18526 Dowlada Ugandha ayaa sheegtay in ciidamo badan oo ah kuwa militariga oo si khaas ah loo tababaray ay u diyaarisay in loo diro dalka Soomaaliya.

War shalay kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowlada Ugandha ayaa lagu sheegay in ciidamo gaaraya 10 kun oo askari oo dheeraad ah ay Dowlada Ugandha u heyso oo ay ku kordhin karto ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowlada Ugandha ayaa horey u qorsheysay in bilaha soo socda ay ciidamo gaaraya 2 kun u dirto AMISOM, balse hadalka kasoo yeeray Kambala ee ku aadan ciidamadan badan ee sheegtay inay soo diri karto ayaa kusoo beegmaya xili ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ku mashquulsan yihiin sidii ciidamo dheeraad ah loogu diri lahaa Soomaaliya.

Todobaadkan ayaa dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay 4 kamid ah ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda dalka Ugandha.

Dowlada Ugadha ayaa codsaneysa in laga kaalmeeyo dhanka dhaqaalaha sidii ciidamadaasi loo geyn lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana mushaharkooda ay meel ku qoraan Beesha Caalamka.  Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyey in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/dowlada-ugandha-oo-sheegtay-inay-ciidamo-badan-diri-karto-somaliya/feed/ 0
Hogaamiyaasha Falastiin iyo Israil oo wadahadalkooda uga furamayo Washingtonhttp://horseedmedia.net/2010/09/02/hogaamiyaasha-falastiin-iyo-israil-oo-wadahadalkooda-uga-furamayo-washington/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/hogaamiyaasha-falastiin-iyo-israil-oo-wadahadalkooda-uga-furamayo-washington/#comments Thu, 02 Sep 2010 08:31:24 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18516 Waxaa xalay Aqalka Cad ee Maraykanka kulan casho ah ku yeeshay hogaamiyaasha Bariga Dhexe ee Falastiin, Masar, Urdun, Israil iyo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Kulankan casho ayaa horudhac u ah wadahadalka lagu wado in maanta uu u bilowdo hogaamiyaasha Falastiiniyiinta iyo Israil, kuwaasi oo 20 bilood kadib dib u bilaabi doona wadahadalkoodii fool ka foolka ahaa.

Barack Obama ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha uu casumay inay raacaan wadadii ay horey u mareen hogaamiyaashii hore ee  Anwar Saddat, Reggan, Rabin iyo King Abdallah. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in fursadan aysan dhumin oo ay gaaraan heshiis waara.

Benyimin Netenyahu hogaamiyaha Israil ayaa sheegay inuu diyaar u yahay waan waan nabadeed oo rasmi ah, isla markaana uu u arko Maxamuud Cabaas hogaamiyaha Falastiin nin ay ka wadahadli karaan xal loo helo khilaafka iyo dagaalka dheer ee u dhaxeeya Israil iyo Falastiin.

Maxamuud Cabbaas Hogaamiyaha falastiin oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in nabada la gaarayo ay noqoto mid xaqiijisa xoriyada shacabka reer Falastiin kuwooda ku nool dhulka la heysto iyo waliba kuwa qurbaha ku nool.

Boqor Abdullahiga Urdun oo asaguna kamid ah hogaamiyaasha Washington lagu casumay, ayaa khudbadiisa ku sheegay in hadii nabad laga gaari waayo iskudaygana fashilo, ay dhibaato iyo caqabado horleh ku keeni doonto nabadgelyada bariga dhexe.

Madaxweynaha Masar Xusni Mubarak ayaa asagu sheegay in loo baahan yahay Israil inay fursadan ka faa’iideysato isla markaana qaadato baaqii horey ay usoo jeediyeen wadamada Jaamacada Carabta oo ahaa in Israil ay ogolaato maamul Falastiin kana baxdo dhulka ay heysato qeybo kamid ah.

Maanta ayaa lagu wadaa in wadahadalka rasmiga ah ka furmo xarunta Wasaarada Arrimaha dibada ee Washington, halkaasi oo ay ku kulmi doonaan Maxamuud Cabaas iyo Benjamin Netenyahu.

Inkastoo hogaamiyaashan kulankooda si weyn loo hadal hayo, ayaa hadana waxaa jira dad badan oo aaminsan in wax natiijo ah aysan kasoo bixi doonin wadahadalkan, oo ay ku tilmaameen mid uu doonayo Barack Obama inuu ku badbaadiyo sumcadiisa wadamada Islaamka iyo Carabta.

Waxaana dhaliilaha ugu weyn ee loo soo jeedinayo wadahadaladan kamid ah in aysan madasha ku sugneyn Xisbiga hubeysan ee Xamaas oo awood badan ku dhexleh shacabka Falastiin.

Khaliif Yusuf
Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/hogaamiyaasha-falastiin-iyo-israil-oo-wadahadalkooda-uga-furamayo-washington/feed/ 0
Nin Hubeysan oo weeraray xarunta Telefishonka Discoveryhttp://horseedmedia.net/2010/09/02/nin-hubeysan-oo-weeraray-xarunta-telefishonka-discovery/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/nin-hubeysan-oo-weeraray-xarunta-telefishonka-discovery/#comments Thu, 02 Sep 2010 08:24:02 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18514 Nin ku hubeysan waxyaalaha qarxa iyo bistaalado ayaa weerar ku qaaday xalay xarunta dhexe ee Telefishonka Discovery ee fadhigiisu yahay Maryland ee dalka Maraykanka.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray James Jay Lee ayaa ahaa 43 sano jir horey uga soo shaqeyn jiray telefishonkaasi, wuxuuna hada kahor ka sameeyey isla xaruntaasi gadood sanadkii 2008dii.

Ninkan ayaa muddo 5 saac ah ku dhex jiray xarunta asagoo halkaasi ku afduubtay sadex kamid ah shaqaalihii halkaasi ku sugnaa. Ayadoo shaqaalihii kale oo ku dhaw 2 kun ay ka baxsadeen xaruntaasi.

Booliiska ayaa afduubkan soo afjaray kadib markii ay toogteen ninkan hubeysan kadib markii uu madaxa bistoolad uga qabtay mid kamid ah dadkii uu afduubtay. Ninkaasi hubeysan ayaa u dhintay rasaastii ay booliiska ku fureen.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/nin-hubeysan-oo-weeraray-xarunta-telefishonka-discovery/feed/ 0
Xamaas oo toogtay Israiliyiin ku sugan West Bankhttp://horseedmedia.net/2010/09/02/xamaas-oo-toogtay-israiliyiin-ku-sugan-west-bank/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/xamaas-oo-toogtay-israiliyiin-ku-sugan-west-bank/#comments Thu, 02 Sep 2010 08:21:19 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18512 Dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay weerar lagu qaaday labo qof oo kamid ah Israiliyiinta xooga ku degen Daanta Galbeed ee wabiga Urdun (West Bank).

Weerarkan ayaa dhacay xalay ayadoo ay labo qof ku dhaawacmeen, wuxuuna noqonayaa weerarkii labaad oo noociisa ah oo todobaadkan ka dhaca Daanta galbeed ee dhulka Falastiin. Horey ayey isla kooxda Xamaas weerar noocaan oo kale ah ku dileen 4 qof oo israiliyiin ah oo kamid ah Yuhuuda xooga ku degen dhulka Falastiiniyiinta ee magaalada Hebron.

Afartaasi qof ayaa mid kamid ah ahayd haweenay Xaamilo ah, arrintaasi oo ay cambaareeyeen wadamo badan, wallow dhaq dhaqaaqa Xamaas ay sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid iska difaacid gumeysi ah, isla markaana aysan horey u ogeyn in mid kamid ah dadkaasi inay xaamilo ahayd, ayagoo xusay caruurta iyo haweenka badan ee reer Falastiin ee maalin walba dhibaatooyinka kasoo gaaraan weerarada ciidamada Israil.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/xamaas-oo-toogtay-israiliyiin-ku-sugan-west-bank/feed/ 0
31 qof oo ku dhimtay qaraxyo ka dhacay Lahore, Pakistanhttp://horseedmedia.net/2010/09/02/31-qof-oo-ku-dhimtay-qaraxyo-ka-dhacay-lahore-pakistan/ http://horseedmedia.net/2010/09/02/31-qof-oo-ku-dhimtay-qaraxyo-ka-dhacay-lahore-pakistan/#comments Thu, 02 Sep 2010 08:17:49 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18510 Magaalada labaad ee ugu weyn ee dalkaasi Pakistaan ee Lahore ayaa waxaa xalay ka dhacay sadex weerar bambaano oo lala beegsaday dadka Shiicada ah oo halkaasi xalay ku lahaa xus diineed.

Weerarkan ayey fuliyeen labo qof oo bombaano sitay kuwaasi oo isku qarxiyey kumanaan dad Shiico ah oo xiligaasi kasoo noqday xuskaasi, ayadoo 20 daqiiqo kadib weerar bombaano oo sadexaad uu fuliyey nin isqarxiyey.

Uguyaraan 31 qof ayaa weeraradaasi xalay ku dhintay ayadoo dhaawacuna uu gaarayo 280 ruux.

Qaraxyadan kadib ayay magaalada ka dhaceen rabshado ay sameenayeen dad ka xun weerarkaasi oo mudaharaadkooda la beegsaday ciidamada Booliiska oo ay ku eedeeyeen inaysan waxna ka qaban dhanka amaanka.

Dadkan careysan ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah kooxda Talibanka oo ay ku eedaynayaan inay soo abaabuleen qaraxyadaasi dadka badan ku dhinteen.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/02/31-qof-oo-ku-dhimtay-qaraxyo-ka-dhacay-lahore-pakistan/feed/ 0
SOMALIA: High-level UN delegation Arrives in Mogadishuhttp://horseedmedia.net/2010/09/01/somalia-highlevel-delegation-arrives-mogadishu/ http://horseedmedia.net/2010/09/01/somalia-highlevel-delegation-arrives-mogadishu/#comments Wed, 01 Sep 2010 20:13:56 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18506 On Wednesday, a high level UN delegation led by the United Nations Under-Secretary-General for Political Affairs, B. Lynn Pascoe arrived in Mogadishu.

Under-Secretary-General Pascoe was accompanied by Dr. Augustine Mahiga, Secretary General’s Special Representative for Somalia.  The delegation met with the President Sharif Sheikh Ahmed at Villa Somalia.

President Sharif and the UN delegation held a wide-ranging discussion on the situation of Somalia particularly the need for the International community and the United Nations to expedite their support to the Transitional Federal Government of Somalia.

Under-Secretary-General Pascoe informed the President that there will be series of high-level meetings on Somalia in the next four weeks with the objective of providing speedy support to the TFG.

Mr. Pascoe has assured the Somali president that UN security-sector assistance will soon reach the Somali government.

President Sharif gave the UN delegation a comprehensive assessment on the security, political and the humanitarian situation of Somalia and he reiterated his call for serious international partnership with the Transitional Federal Institutions.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/01/somalia-highlevel-delegation-arrives-mogadishu/feed/ 0
SOMAIA: In Puntland, radio journalist fatally stabbedhttp://horseedmedia.net/2010/09/01/cpj-puntland-radio-journalist-fatally-stabbed/ http://horseedmedia.net/2010/09/01/cpj-puntland-radio-journalist-fatally-stabbed/#comments Wed, 01 Sep 2010 20:10:00 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18508 Unknown assailants fatally stabbed radio journalist Abdullahi Omar Gedi in the Galkayo district of Puntland, a semi-autonomous region of Somalia, on Tuesday evening. Gedi, 25, had just left work at Radio Daljir when attackers stabbed him repeatedly and left him unconscious, the station’s managing director, Jama Abshir, told CPJ. Gedi died of his injuries in the General Hospital of Galkayo.

The motive for the attack was not immediately clear, Abshir said. Gedi primarily worked as a technician for Radio Daljir, although he also did some local reporting and on-air presentation. Local radio broadcasts today were filled with condolence messages from the public, Abshir said.

“CPJ sends its deepest condolences and sympathies to the family and colleagues of Abdullahi Omar Gedi,” said CPJ East Africa Consultant Tom Rhodes. “We urge Puntland authorities to do their utmost to bring these perpetrators to justice.”

Two journalists were killed for their work earlier this year in Somalia, one of the world’s deadliest places for the press. A week ago, a stray bullet killed Barkhat Awale, director of Hurma Radio, during a period of heavy fighting between Al-Shabaab insurgents and African Union troops in the Somali capital, Mogadishu. Al-Shabaab insurgents killed Radio Mogadishu journalist Sheikh Nur Mohamed Abkey on May 4 near his home in the capital.

Source: CPJ

URL: http://cpj.org/2010/09/in-puntland-radio-journalist-fatally-stabbed.php

CPJ is a New York–based, independent, nonprofit organization that works to safeguard press freedom worldwide. For more information, visit www.cpj.org.

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/01/cpj-puntland-radio-journalist-fatally-stabbed/feed/ 0
Wafdi sare oo ka socda UN-ta oo soo gaaray Muqdisho (Sawiro)http://horseedmedia.net/2010/09/01/wafdi-sare-oo-ka-socda-unta-oo-soo-gaaray-muqdisho-sawiro/ http://horseedmedia.net/2010/09/01/wafdi-sare-oo-ka-socda-unta-oo-soo-gaaray-muqdisho-sawiro/#comments Wed, 01 Sep 2010 20:01:02 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18502 Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay, wafdigan ayey hogaaminayeen Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan dhanka Siyaasad B. Lynn Pascoe iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha QM ee Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga.

Wafdigan ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha dowlada Federaalka Kumeel gaarka Soomaaliya, Shiikh Shariif Axmed iyo xubno kamid ah dowlada.

Wafdigan ayaa kala hadlay madaxda dowlada xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka ku jiro, ayagoo sidoo kale isla soo qaaday taageerada Qaramada Midoobay u fidiso DKMG Soomaaliya.

IMG_0333 wafdi Villa Somaliya mahiga

Madaxda UN-ta ka socotay ayaa sheegay in dhawaan dalka Soomaaliya ay soo gaari doonaan xubno ka socda Qaramada Midoobay oo dhanka Amniga gacan kasiin doona Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed, ayaa asagu markale ugu baaqay Beesha Caalamka in si dhab ah ugu soo jeesato taageerida Dowladiisa, asagoo ka warbixiyey dagaaladii dhawaan ka soconayey magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa ah midkii ugu sareeyey ee ka socda Qaramada Midoobay oo muddooyinka booqda magaalada Muqdisho, booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xili ay dagaalo culus magaalada Muqdisho ka socdeen 9kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/01/wafdi-sare-oo-ka-socda-unta-oo-soo-gaaray-muqdisho-sawiro/feed/ 1
Obama oo la kulamaya Hogaamiyaasha Bariga Dhexehttp://horseedmedia.net/2010/09/01/obama-oo-la-kulamaya-hogaamiyaasha-bariga-dhexe/ http://horseedmedia.net/2010/09/01/obama-oo-la-kulamaya-hogaamiyaasha-bariga-dhexe/#comments Wed, 01 Sep 2010 16:46:16 +0000 Abdirisak Shiino http://horseedmedia.net/?p=18494 Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta iyo caawa magaalada Washington ku qaabilaya hogaamiyaasha Falastiin, Israil, Masar iyo Jordan.

Barack Obama ayaa kulankiisii ugu horeeyey la yeeshay Raysawasaaraha Israil Benjamin Netenyahu, kulankaasi oo ka dhacay Aqalka cad ayey labada hogaamiye uga wadahadleen dar dar gelinta wadahadalada nabada Bariga Dhexe iyo qorshaha Obama ee ku aadan dhex dhexaadinta Falastiiniyiinta iyo Israil.

Barack Obama ayaa kulankii uu la yeeshay Netenyahu kadib war kooban oo uu siiyey saxaafada ku sheegay in Maraykanka uu mar walba si buuxda u taageersan yahay sugida iyo adkeynta Amaanka Israil.

Obama ayaa lagu wadaa kulankan ka dib inuu si gaar ah ulla kulmo ayaguna Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas,  Madaxweynaha Masar Xusni Mubarak iyo Boqorka dalka Urdun ee Abdallah.

Caawa oo Arbaco ah ayay dhamaan hogaamiyaashan kawada qeyb geli doonaan casho uu soo diyaariyey Obama, halkaasi oo lagu wado inay khudbado kasoo jeediyaan hogaamiyaashan ku sugan Washington DC.

Maalinimada beri ah oo ku beegan Khamiis ayey kulankii ugu horeeyey oo fool ka fool ah magaalada Washington uga furmidoonaa hogaamiyaasha Falastiin iyo Israil. Kulankaasi ayaa ka dhici doona xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee magaalada Washington.

Maalinimadii shalay ayey labada hogaamye ee Maxamuud Cabaas iyo Netenyahu ku kulmeen xafiiska Xoghayaha arrimaha Dibada ee Maraykanka Hillary Clinton, ayadoo kulankaasi dhabada loogu jeexayey wadahadalka maalinta khamiista ah u bilaabi doona labada dhinac.

Barack Obama ayaa muddo 1 sano ah u qabtay in heshiis dhaxal gal ah ay wada galaan Falastiiniyiinta iyo Israil, xiligaasi oo uu soo jeediyey Wakiilka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga dhexe ee Mr.George Mitchell.

Wadahadalkii tooska ahaa ee u dhaxeeyey Falastiin iyo maamulka Israil ayaa burburay sanadkii 2008dii kadib markii ay ciidamada Israil ay qabsadeen Marinka Gaza.

Khalif Yusuf
Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/01/obama-oo-la-kulamaya-hogaamiyaasha-bariga-dhexe/feed/ 0
Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Baxay Itoobiyahttp://horseedmedia.net/2010/09/01/madaxweynaha-puntland-oo-safar-ugu-baxay-itoobiya/ http://horseedmedia.net/2010/09/01/madaxweynaha-puntland-oo-safar-ugu-baxay-itoobiya/#comments Wed, 01 Sep 2010 14:30:27 +0000 Abshir Said http://horseedmedia.net/?p=18493 Madaxweynaha Puntland ayaa maanta safar aan horey loo shaacin ku aadey dalka Itoobiya, safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ku weheliyaan xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Diyaaradda uu Madaxweynuhu raacey ayaa maalintii shalay soo gaartey garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana saarnaa Saraakiil ka socota dawladda Itoobiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madax badan oo ka tirsan Puntland, diyaaradda ayaa la sheegay in ay tahay mid ka dhex shaqeyn doonta Garoowe iyo Adis-baba iyo weliba Bosaso, laakiin habeenkii xalay ayey ku baridey Garoonka waxaana maanta horey u sii raacey wefdiga Madaxweynaha.

Warar aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha safarkiisu uu ahaa mid deg-deg ah isla markaana salka ku haya wada tashi ku saabsan xaaladdaha amni ee ka jira koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.

Horseed Media

]]>
http://horseedmedia.net/2010/09/01/madaxweynaha-puntland-oo-safar-ugu-baxay-itoobiya/feed/ 11