Shacabka maxaa dan u ah doorshada Puntland?

Monday, November 10th, 2008 at 7:31 pm

Xaamid C/laahi Xaaji
Xaamid114@hotmail.com

Iyadoo puntland xilli adag oo kala guur ah ku soo beegan tahay oo diyaar garowgii doorshadana lagu jiro ayaa shacabku isweydiinayaa Yaa mudan oo la doortaa?

Doorshada si xaq iyo xor ah ma dhici doontaa? Iyo Musharaxiintan badan Natiijda ma ogolaan doonaan? Hadii mid ka mid ah ku soo baxo doorshada .

Runtii waxaa in dhaweyto musharxiinta doorshada Puntland ay wadeen Ololaha doorshada iyadoo qaarkoodna socod ku soo maray gobolada qaarkood , balse doorshadan ma ahan mid shacabku si toos ah cod u bixinayaan waxaana wax dooranayaa waa baarlamaanka iyadoo xubnaha baarlamaankana ay iska soo xulayaan Beelaha puntland.

Shacab kasta sida uu yahay ayaa hogaankiisu noqdaa arintaasi waa mid jirta , Shacabka ama beelaha xubnaha baarlamaanka soo xulaya waxaa looga bahan yahay waa hadii ay rabaan hogaan fiicanee in ay asaaska ka soo bilaabaan oo soo doortaan dad diin , wadaninimo iyo aqoon leh si ay hormuud ugu noqdaan umada isla maraana la xisaabtamaan cida ay doorteen.

Waxaa dib dhac ku ah Puntland oo 10-sano jirstay in baarlamaanka beeluhu ay iska xulaan xiligakan , waxayna aheyd in saddexda sano ee ugu horeeyay la diyaariyo tira koobka dadweynaha Puntland iyo afti loo qaado dastuurka la sameeyay isla markaasna loo sameeyo nidaamka xisbiyada badan balse taasi ma dhicin.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa loo bahan yahay maantay in wixii dib u dhacay iyo wixii horumar ah oo maantay socda in lagu fekero sidii loo horumarin lahaa isla markaana loo ilaalin lahaa danta guud iyadoo meel leyska dhigayo danta gaarka ah.

Shacabka Puntland oo lagu tilmaamo dad nabad jecel ayaa wax ay nabad haysteen 18 sanp ee soomaaliya ay colaadahu ka jireen , nabadaasi wax ay aheed mid harqaboow u noqtay soomaali badan oo ka kala timid gobolada dalka iyo waddama deriska la aha Puntland.

Ka sokoow shacabka Puntland nabadda Puntland ka jirta wax ay muhiim u tahay soomaaliya oo dhan iyadoo bosaso dhawaan laga furay Maxjarka Xoolo dhoofinta soomaaliya kaas oo ah ka keliya oo soomaaliya ku yaal oo shaqeeynaya hadda.

Xilligan Puntland waxaa kusoo aadan xili kala guur ah oo wax kasta la fila karo waloow arimuhu ilaa iyo iminka si fiican ku socdaan hadana dadka wax ku oolka u ah bulshada waxaa looga bahan yahay in ay ka qeyb qaatyaan horumarinta Nabadda iyo isku keenida bulshada.

Iyadoo Xiliga doorshada Afrikaanka ay dhib badan tahay oo isqabqabsiga iyo taanaasul la’aanta ay ku badan yihiin , inkastoo doorshooyinka puntland hor uga dhacay ay shacabka rabidiisu ay ka weyneed kan siyaasiga ah.

Tusaale ahaan Doorshadii 1998-dii Markii C/laahi Yusuf oo loo doortay madaxweynaha Puntland waxaa jirtay xiligaas siyaasiyiin aan la dhacsaneyn doorshada sida ay u dhacday balse markii ay arkeen rabitaanka shacabka ayeey ogolaadeen markii dambe.

Taa waxaa laga fahmi karaa markii ay shacabku mideysan yihiin in aysan ka faa’ideysan Karin siyaasiyiinta oo iyagu intooda badan dantooda gaareed ka hormariya tan guud.

Waxaa muhiim ah xilligan kala guurka ah in ay meesha ka muuqdaan gudi isku dhaf ah oo ka kooban Culumowudiinka iyo issimo maadama labadaa gobolka aad looga tixgeliyo arimaha nabadda iyo wacyigelinta bulshadana qeyb muhiim ah ka qeyb qaadan karaan.

Waxaa xusid mudan in nabadii Puntland ay mudada ku soo caano maaleysay in ay horumuud u ahaayeen iyagu ,waxaana maantay looga baahan yahay in howshooda ay bulshada u hayaan ay sii laba labaan.

Shacabka maxaa dan u ah?

Nabad baa dan u ah.
Oo yaa nabadda keeni kara?

Runtii nabadda iyo barwaaqda waxaa keeni kara Allaah anaguna hadii aanu raacno wada toosan kitaabka Allana aanu si dhab ah u qaadano shaki kuma jiro waxaanu gaareeynaa horumarka aanu gaarnay mid ka weyn.

Dhanka kale hadaanu ka eegno shaqsiga la doortay hadii aanu shacabku la shaqeyn ma keeni karo nabad , Shacabka waxaa looga bahan yahay in ay doorkoodu ka soo baxaan oo nabadda wacyi gelinteeda ka bilaabaan guri guri , xaafad xaafad , degmo degmo illaa iyo gobol gobol.

Inkastoo nabad ka jirto Puntland haddana waxaa loo bahan yahay sidii loo horumarin lahaa isla maraana looga gudbi lahaa caqabad kasta oo soo wajahada.

“Shacabka waxaa dan u ah nabad, oo dani uguma jirto musharaxiin caruurtooda iyo reerkoda dibadda geystay oo jago doonaya in ay carqaladeen nabadooda” Arintaasu waa mid ay isku raacsan yihiin dadka waxgaradka ah ee ku sugan gudaha.

Waloow mushariixta badan oo u taagan xilka madaxtinimada Puntland ay yihiin rag akhyaar ah isla markaana sheegay in ay ogolaanayaan natiijada.

Gobolada waqooyi bari soomaaliya waxaa soo maray doorshooyin badan 18sano ee tagtay balse laba ka mid ah ayaa waxa ay dhaliyeen khilaaf , Mid wax ay aheen tii shirkii SSDF oo lagu qabtay 1994-tii Qardho, Tii kalena wax ay aheed 2001-dii oo lagu qabtay garowe.

Shacabka Puntland arimahaas oo dhan waay ka soo gudbeen oo waa dad lagu yaqaano caqabad kasta oo soo wajahda kuwo ka moosa, Iyadoo mooda iminka in ay muuqato kursigaasaan caashaqayeey, Aniguna waxaan leeyahay nin lagu seexdoo ha seexan seexdoo ha seexan, nin lagu seexdoo ha seexan seexdoo ha seexan.