Taariikh Cusub: Obama oo ku Guuleystey Madaxweynaha Mareykanka

Wednesday, November 5th, 2008 at 4:05 pm

Madaxweynaha la doortey Barack H. Obama iyo labadiisa hablood Sasha Obama, Malina Obama iyo Xaaskiisa waa Haweenta ugu Mudan ee Michelle Obama

[audio:BarackGUUL.mp3]
HR Media News Center

Wararka ugu dambeeya ee natiijada codbixinta Mareykanka ayaa sheegaya in musharaxa Dimuqraadiga ee Barrack Obama ayaa shaaca ka qaadaya in Obama uu ka gudbey tiradii looga baahnaa inuu ka helo natiijada codbixinta si uu u noqdo madaxweynaha Mareykanka.

Natiijada ugu dambeysa ayaa sheegaysa in Obama uu heley 338 cod oo ka mid codadka laga rabey inuu ka helo Electoral Vote oo ah 270, taasi oo muujineysa in OBAMA uu ka gudbey intii looga baahnaa.

Ninka la tartamaya ee John McCain ayaa heley illaa hadda inta la ogaadey 156 cod oo ka mid ah 270 cod ee Electoral Vote.

Waxaa taasi miceneheedu yahay in Obama uu noqdey madaxweynaha Mareykanka ee cusub ee 4ta sano ee soo socota.

Dabaal deg ballaaran ayaa ka bilowdey meelo ka mids ah Mareykanka iyo adduunka.

Mr Obama waxaa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey ee madow ah oo ku fariista kursiga madaxweynaha Mareykanka taarikhda, iyadoo madaxweyne ku xigeena uu u yahay Joe Biden.

(HR Media)