Xubnaha Boardka ee PUNSAA oo maanta tababar uga furmay Djibouti
Tuesday, November 11th, 2008 at 5:03 pm
Horseed Media
Jabuuti
Waxaa maanta si rasmi ah uu tababar uga bilowday magaalada Jabuuti ee jamhuuriyadda Jabuuti xubnaha Dalladda PUNSAA oo tiradoodu ay gaareyso 18.
Waxaa kaloo tababarka goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Hay’ada PDRC.
Xubnaha PUNSAA ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa magaalada Jabuuti si ay uga qeyb qaataan seminaarka maanta sida rasmiga ah ugu bilowday.
Seminaarkan oo ku saabsan Maamul wanaaga ayaa waxaa maalgelineysa EU (Midowga Yurub) Waxaana bixineysa hay’ada Safer World UK.
Seminaarkan ayaa socon doono muddo lix cisho ah oo lagu bixin doono duruus la xiriirta qaabka shaqo ee Guddiga PUNSAA iyo maamul wanaaga.
Cali Faarax Cali Agaasime ku xigeenka Hay’ada horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland ee (PDRC) oo furitaankii Seminaarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in seminaarkan uu ku fadhiyo qiimo weyn.
Waxaa sidoo kale ka hadlay furitaanka Seminaarka gudoomiye ku xigeenka PUNSAA C/risaaq Khaatumi oo isagana si weyn u soo dhoweeyay siminaarka isagoo sheegay inuu yahay mid muhiimad ballaaran xambaarsan isla markaana u rajeeyay xubnaha PUNSAA inay si wanaagsan uga faa’iideysan doonaan.
Waxana uu sheegay in loogu talogalay in PUNSAA Xubnaheeda loo tababaro habka ay u shaqeynayaan si PUNSAA ay u noqoto mid ka soo dhalaasha hadafka loo aasaasay.
Dalladda Ururada aan Xukuumiga ahayn ee (PNSAA) waxaa dhidibada loo aasay 14-kii May ee sanadkan 2008.
PUNSAA waxay leedahay Gole ka kooban 52 xubnood oo (General Assembely) oo laga soo kala xulay qeybaha bulshada ee 7 gobol ee Puntland.
Xubnahaasi 49-ka ah waxay iska dhex doorteen guddoomiye iyo ku xigeen iyo 15 xubnood Guddiga la talinta (Board) oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.
Xubnaha guddiga Boardka ee tababarka uga bilowday magaalada Jabuuti ayaa la filayaa in 16-ka bishan ay soo gabagabeeyaan tababarkooda.

Warka Subaxnimo
