Xukuumada Puntland, Madax kala socota iyo Musharaxiin wada Han-weyn
Thursday, November 13th, 2008 at 4:56 pm
Falanqeynta Todobaadka & DoorashadaHorseed Media
Horseed Media Editorial
Waxaa isa soo guraya xiligii ay dhici lahayd doorashadii 4aad ee Puntland kusoo dooraneyso Madaxweyne iyo hogaan cusub oo maamulka Puntland dhidibada u qabta, hadaba waxaa soo baxaya dil-dilaac ka dhex muuqda dowlada hada xilka heysa oo ay shacabka intooda badan si weyn u dhaliilayaan, waxaana muuqda kala qeyb sanaan siyaasiyiintii lagu aaminay hogaanka dalka oo ayagu hada weli qaarkood u hanqal taagaya una han weyn inay xilka sii hayaan amaba xilal ka waaweyn ay qabtaan.
Maqaalkan waa mid aanu ku eegayno siyaasiyiinta ugu hanwenyn inay xilka dib uga qabtaan Puntland isla markaana maamulka xilal kasoo hayey amaba hada ka haya, ayadoo shacabkuna isweydiintiisu ay u badan tahay in siyaasiyiinta horey loo soo tijaabiyey ay markale hanan karaan codka shacabka Puntland.
Waxaa maalinimadii shalay Magaalada Garowe ee caasimada Puntland shir ku qabtay mid kamid ahaa Wasiiradii hore ee Maamulka oo hada u taagan jegada Madaxweynaha Puntland.
Axmed Siciid Aw Nuur in muddo ah ayuu kusoo jiray maamuladii Puntland soo maray, horey wuxuu usoo ahaa in badan Agaasimaha Wasaarada Dekkadaha, Wuxuu muddo sanado ah soo qabtay Wasaarada Waxbarashada Puntland, xilkii ugu danbeeyey oo uu muddo ku dhaw sanad hayeyna waxay ahayd Wasaarada Dekkadaha iyo Kaluumeysiga.
Hadaba inkastoo uu Axmed Siciid ahayn nin ku cusub shacabka Puntland, hadana hadaladii uu halkaasi ka jeediyey ayaa ahaa kuwo ay dadka intiisa badan aad ulla yaabeen in xiligan uu Musharaxa u sheego shacabka Puntland.

“….Lacagta shacabka laga qaado Dowlada Puntland, waxay u bedelataa Dollar waxaana lagu shubtaa bangiyo gaar ah….” erayadaa ayaa kamid ahaa hadaladii uu musharaxa u sheegay haweenka magaalada Garowe oo uu casumaad u fidiyey maalinimadii shalay.
Hadaba hadaladan ayaa ah mid aan looga baran xubin kamid ah Xukuumada Puntland ama ka baxday, ayadoo oo la oron karo waa isbedal cusub oo ay shacabka Puntland heleen xiligan doorashooyinka oo ay soo baxaan wax yaabo badan oo horey sir hoose u ahaan jiray maamulka.
“……Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo wasiirka Maaliyada ayaa ka danbeeyey warshadii Lacagta sameyn jirtay….” ayuu Axmed Siciid Aw Nuur ka sheegay kulankii shalay asagoo ku nuux nuuxsaday inuu hayo Sir kale oo badan oo uu sheegi doono.
Marka la eego hadal heynta shacabka Puntland ayaa waxaa hubaal ah in ay shacabka u ooman yihiin sirta iyo khiyaanooyinka lagu xanto dowladan inay banaanka u soo baxaan, balse waxaa nasiib xumo ah in hadana Mas’uuliyiintii dowlada ay maanta markale u sharaxan yihiin Xilalkii ay horey u hayeen iyo kuwo kaleba.
Axmed Siciid Aw Nuur sirta uu noo sheegay sir saas usii weyn maaheyn oo Soomaalidu waa dad aan wax kala qarsan karin, isla markaana ummada waxay la socotaan wax yaabo badan oo ay dowlada Sir ka dhigato, balse waxaa weli la la’a yahay shaqsi dowlada ka baxa oo aan xil isu soo taagin balse si dhab ah uga hadla waxa khalad ah ee jira.
Dad badan baa is weydiinaya sababtii uu musharaxan Dr.Axmed uu sirtan horey shacabka ugu sheegi waayey intuu xilka hayey balse, hada markuu musharax noqday banaanka usoo dhigay arrimahan, mase dhici doontaa in sirta kale ee uu ka sharqamiyey inuu shacabka u sheego asagoo aan u adeegsaneyn musharaxnimadiisa iyo in asaga la doorto???
Shacabka ayaa soo dhaweenaya in banaanka lasoo dhigo waxa qarsoodiga ah iyo heshiisyada hoose ee dhexmara xubnaha Xukuumada Puntland ku jira iyo hogaanka sare, ayadoo laga eegayo danta bulshada lagana doonayo in la saxo wixii khaldan.
Dhinaca kale waxaa ayaguna la hadal ahayaa in ay jiraan Xubno kale oo xukuumada kamid ah oo ayagu laftooda u hanqal taagaya in ay isa soo sharaxaan.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdullahi Siciid Samatar oo asagu dhawaan xirtay Bangiga Puntland oo uu sheegay inuu diiday in lacagta lagala baxo, ayaa asaguna la hadal hayaa inuu isu soo taago Jegada Madaxweyne nimada halka warar kale sheegayaan in heshiis ay wada gareen Madaxweyne Cadde Musse oo asagu hada sheegay inuu sharaxan yahay.

Samatar iyo Cadde ayaa isku beel kasoo jeeda, waxayna si weyn shacabku u hadal hayan in labadan siyaasi aysan midna taageero dhameystiran ka heysan beesha ay kasoo jeedaan.
Su’aasha meesha taal ayaa ah sidii ragga isa soo sharaxaya ay taageero uga heli lahaayeen beelaha Puntland oo ka daalay in shaqsiyaad magacooda si khaldan u adeegsadaan.
Madaxweyne Puntland ayaa laga soo sheegayaa inuu shaaca ka qaaday inuu asagu gacantiisa kusoo magacaabi doono Xubnaha beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Puntland, arrintaasi oo la yaab ku noqotay beesha uu kasoo jeedo ee u badan gobalka Karkaar oo ayadu u muuqata inaysanba beel ahaan wax awood ah ku lahayn siyaasada Puntland.
Qaar kamid ah Nabadoonada Puntland ayaa marar badan oo ay Horseed Media la xariirtay waxay sheegaan in arrinta ugu dhibka badan ee beelaha heysta ay yihiin Siyaasiyiintooda oo markii doorasho timaado aad u dhego Nugul, Markii ay xilalka qabtaan aad u dhego Adag.
Wasiir Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdi Yusuf Gaagaab oo asaguna ah ninka lagu eedeeyo inuu horseed u yahay dhaqaale xumida Puntland ka jirta ayaa la sheegayaa in hamigiisa siyaasadeed uu yahay mid xoogleh isla markaana laga yaabo inuu ka qeyb qaato loolanka ka socda Puntland.
Wasiirka Maaliyada ayaa lagu yaqaan siyaasada Puntland inuu had iyo gooraale uusan ka dhex bixin ayaa hada wada olole baaxadleh oo uu ku doonayo in maamulka soo socda uu jego aad u weyn ka qabto, ayadoo loo cabsi qabo sunuudii ku hartay khasnada Puntland.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la filayo xaalada amaan ee ka jirta gobalka Mudug, in qaar kamid ah mas’uuliyiinta uu kamid yahay Gaagaab ay u adeegsan doonaan ololaha doorashooyinka Puntland, taasi oo noqon karta caqabad horleh oo lasoo gudboonaata shacabka reer Mudug ee ka daalay amni xumada iyo maamul xumada.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xassan Daahir ayaa asaguna diyaar u ahayn inuu xilka uu hayo isaga tago isla markaana ku jira loolan hoose oo uu kala qeyb qaadanayo Madaxweyne Cadde Musse inay si wadajir ah dib ugu soo noqdaan xukunka Puntland. Xassan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay sare u qaaday shirarka iyo waliba ololaha uu sheegayo in dib loogu xoreenayo Laascaanood.
Dhamaan mas’uuliyiintan kamid ah Xukuumada Puntland waa kuwo heshiis ku ah oo kaliya in aysan kuraastooda waayin, isla markaana weli u miciyo lisanaya in ay Puntland sii maamulaan, maadaama ay ku qanacsan yihiin shaqsiyan faa’iidooyinkii ay ka heleen intii ay xilalka hayeen.
Balse shacabka Puntland maku qanacsan yahay faa’iidooyinkii kasoo gaaray Maamulka??? Taasi jawaabteedu shacabkaa iskaleh.
Beelaha Puntland & Fursada Doorashooyinka:
Beelaha Puntland oo ayagu ah kuwa soo doorta mas’uuliyiinta xilka u qabata ama ha ahaadaan kuwa Baarlamaanka ama kuwa Xukuumada ku jira, ayaan ayagu weli muujin sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursadan dahabiga ah oo ay kula xisaabtami lahaayeen ragga magacooda kuraasta ku fadhiya.
Beelaha Puntland oo lagu yaqaan inay yihiin dad Nabad jecel ayaan weli helin hab ama nidaam ay kula xisaabtami karaan dadka ay ayagu jegooyinka u magacaabaan ama metala, taasi oo meesha ka saartay in hogaamiyaasha aysan wax cabsi ah ka qabin in lala xisaabtamo ama xilka laga xayuubiyo.
Siyaasiyiinta afduubtay beelaha ayaa hada ayagu ku jira heshiisyo hoosaadka iyo iidaa aan kuu daayee oo loogu heshiinayo in si habeysan awooda lagu qeybsado ayadoo aysan qabaa’ilka wax dhaxal ah ka heli doonin siyaasadaasi madow ee Puntland gaarsiisay heerka ay maanta taal.
Issimada Puntland & Baarlamaanka
Waxaa ayaduna meesha ka marneyn in la isweydiiyo Issimadu manaqon doonaan kuwo ka madax banaan hogaamiyaasha siyaasada oo masoo dooran doonaan Xildhibaanada ay beelahoodu taageersan yihiin, mise faa’iidooyinka ay ka heli doonaan Xukuumada ayaa ka XOOG badin doona cadaalada iyo Xilka saaran?
Hadaba su’aalahan ayaa ah kuwo muhiim ah oo ay shacabka isweydiinayaan xili lagu jiro diyaargarowga doorashooyinka, ayadooHorseed Media isha ku heyn doonto hadalada iyo barnaamijyada ay soo bandhigaan musharaxiinta cusub iyo kuwa horey loo yaqaanay intuba.
Danta ummaduna waxay ku jirtaa in shacabku ay helaan waxa ay xaqa u leeyihiin oo ah Runta iyo Shaqsi cadaalad ah oo u qabta Hogaanka. Puntland xiligan munaasib uma ah indho-sarcaad siyaasadeed iyo heshiis hoosaad oo lagu jahwareeriyo bulshadda.
Qeybaha danbe ee Faalooyinka la xariira Doorashooyinka Puntland waxaanu ku eegi doonaa Musharaxiinta Faraha badan ee dibadaha kasoo yaacay, ma waxay u yimaadeen u Gargaarka Puntland mise Waxay mari doonaan Tubtii ay mareen kuwii kasoo horeeyey!!!
Cumar Siciid
Horseed Media
Editorial

Warka Subaxnimo
