Studiyaha Horseed Media ee Holland oo hawada galay

Saturday, November 15th, 2008 at 2:42 pm
Studiyaasha Horseed Media

Studiyaasha Horseed Media

Horseed Media
The Hague, Holland

Waxaa hawada si toos ah u galay Studiyaha cusub ee Horseed Media ee ku leedahay dalka Holland, ayadoo studiyahan uu si gaar ah iyo wadajirba ulla shaqeyn doono Studiyaha Horseed Media ee magaalada Bosaso Puntland.

Horseed Media ayaa ku gudo jirta balaarinta laamaheeda gudaha iyo dibada Soomaaliya, ayadoo xalay Studiyaasha Holland iyo Bosaso ay barnaamijkii Caawa iyo Caalamka Horseed si wadajir ah usii daayeen markay saacada afrika bari dhaaftay 11:30 habeenimo iyo Saacada Holland 9:30 fiidnimo, ayagoo sidoo kale ka qeyb qaadanyeen Suxufiyiinta ku sugan Nairobi (Kenya) Jamaal Shuriye iyo Cabdulqaadir Kaarshe oo kasoo waramayey Kambala (Ugandha).

[audio:Studiyaha_Holland.mp3]

Waxaa ayaguna dhinaca Gudaha si toos ah Barnaamijka uga qeyb qaadanayey Garowe oo uu kasoo waramayey Abdifutah Jama iyo Cabdulweli Gooni asaguna ku sugan Qardho.

Dhawaan ayey Idaacada Horseed hirgelin doontaa idaacado lagu kordhinayo mida hada ka jirta Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Bosaso, ayadoo magaalooyin kale oo kamid ah Puntland ay idaacado xarumo cusub ka furan doonto.