Nuur Cade oo Edeeyey Madaxweyne C/laahi Yusuf (Faalo & Sawiro)
Sunday, November 16th, 2008 at 9:29 pm
Horseed Media
Nairobi Kenya
Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Ade) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Safaarada Dawlada Somaaliya ee ku taala Nairobi, Raysalwasaaraha ayaa shir kiisa Jaraa’id uga hadlay Arimo kala duwan oo ay ugu horeeyaan Qilaafka Asaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf udhaxeeya.
Nuur Ade ayaa Shirkiisa Jaraaid uga jawaabay Hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxweyne C/laahi Yusuf ee ahaa in ay san jirin Wax Xukuumad ah.
Shirka Jaraa’id ee uu maanta Qabtay Raysalwasaaraha Somaaliya ayaa ka badalnaa Shirar kiisi Jaraa’id ee uu horay uqaban jiray Asagoona Maanta Eedaymo iyo Hadalo kul kulul Adeeg sanayey, Nuur Cade ayaa Horay looga bartay Qabow iyo hadalo dabac san.
Raysalwasaaraha Dawlada Somaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Ade ) ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay Hadalkii Shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Somaaliya C/laahi Yusuf Axmed ee ahaa in Aysan jirin Wax Xukuumad ah, Raysalwasaaraha ayaa sheegay in hadalkaas uu Wal wal weyn ku abuuray isla markaasina uu aad uga xumaaday.
Nuur Cade oo Shirkiisa kahadlaya ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaaliy C/laahi Yuusuf uusan doonayn Dadaalada Dib uheshiisiinta Nabada isla markaasna uu mar walba ka shaqeeyo Qilaaf aan dhamaad lahayn oo hareeyey Madaxda Dawlada Somaaliya uga sareya oo kala ah Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka.
Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Ade ) oo sii hadlaya ayaa Yiri” Xukuumad waa jirtaa Waana jiri dontaa Waana shaqaynaysaa Barlamaanka ayaana hor gaynayaa si ay go aan uga garaan, Nuur Ade ayaa sheegay Go’aan Barlamaanku ay ka qataan Xukuumadaan Cusub in uu asagu u hogaansami doono.
Raysalwasaaraha ayaa sheegay in uu Madaxweynuhu diiday in uu Saxiixo Xukuumadaan Cusub ee uu soo dhisay, Nuur Cade ayaa ka dhawaajiyey oo cadeeyey in C/laahi Yuusuf uu diiday in Saxiixa Asagoo u sababeeyey in ay ku jiraan Xubno Wasiiro ah oo asaga fikirkiisa kasoo hor jeeda, horayna uga diiday in ay iscasilaan markii ay is casileen Wasiiradii Asaga Tageer sanaa, Xubnahaan Wasiirada ah ee uu C/laahi Yuusuf diiday in ay xukuumada Cusub ka mid noqdaan ayaa waxaa ka mid ah oo hor kacaya Axmed C/salaan iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xubno kale oo Wasiiro ah oo Dhamaantood u jan jeera Dhinaca Nuur Cade.
Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Ade ) Ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu ka hor yimid Go’aankii IGAD ee ahaa in aan dib loo soo celin Wasiiradii is casilay Madaxweynuhuna uu isagu saxiixay, Nuur Ade ayaa sheegay in uu London uga tagay C/laahi Yuusuf si uu usaxiixo Wasiirada balse uusan ka aqbalin asagoo ka biyo diid san xubno dhawr ah oo Xukuumada Cusub ku jira.
Nuur Cade ayaa sheegay in uu soo dhisay Xukuumad Cusub oo ay san ku jirin 10 kii wasiir ee horay is ku casilay isla markaasna uu samayn ku yeeshay Go’aankii Barlamaanka ee 11 Sebtember ee ahaa in aan dib loo soo celin Wasiiradii is casilay.
Raysalwasaaraha ayaa sheegay 4 tii Bilood ee lasoo dhaafay in Xukuumadu aysan sifiican ushaqaynay kadib Qilaaf soo noq noqday iyo Qaar ka mid ah Wasiirada oo Xilal kii is ka casilay iyagoo doonaya in ay Xukuumada Ridaan.
Nuur Cade ayaa intii uu shirkiisa jaraaid socday kusoo cel celiyey in Qilaaf ka soo noq noqday ee ka dhex taagan Madaxda Dawlada Somaaliya uu sabab u yahay Madaxweynaha Somaaliya C/laahi Yusuf Axmed uu sida Nuur Cade Sheegay isagu gabi ahaanba kasoo hor jeeda geedi socodka Nabada.
Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Ade ) ayaa gaba gabadii Shirkiisa Jaraaid waxa uu Saxaafada u Aqriyey Xukuumada Cusub ee uu isagu soo dhisay oo ka kooban 18 Wasiir iyo 18 Wasiir ku xigeen, Nuur Cade ayaa sheegay oo Saxaafada u Aqriyey Magacyada Wasiirada Cusub ee badalaya 10 kii Wasiir ee horay is ku casilay, Raysalwasaaruhu waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay shaqaynayso jirto jiri doontana.
Nuur Cade ayaa Yiri” Saxiixa Madaxweynuhu waa sharci oo Dastuurka dalkaa dhigaya balse hadii uu diiday oo uu Saxiixi waayey Xubnaha Barlamaanka ayaan hor gaynayaa ayaga ayaana dalka ka mas uul ah.
Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Ade ) ayaa ka dhawaajiyey in Dawlad Awood qaybsi ah la dhisi doono, isla markaasna Xubnaha Barlamaaka la baraain doono oo ay kusoo darsami donaan Xubno Cusub oo Mucaraad ka Heshiiska ay Jabuuti ku kala saxiixdeen ka mid ah.
Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu shirkiisa jaraaid uga hadlay Dhisida Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna sheegay in C/lahi Yusuf uusan doonayn maamul loo dhiso Gobolka Banaadir uuna kasoo hor jeedo oo uu hagardamo ku hayo Maamulka Gobolkaas loo dhisayo, Nuur Cade ayaa sheegay Maamul udhisida Gobolka Banaadir in ay haatan meel fiican marayso Maamulkana la yeg leeli doono goor dhaw.
Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Ade ) ayaa isagoo ku sii siqaya Gaba gabdii Shirkiisa Jaraaid waxa uu Codsi usoo jeediyey Beesha Caalamka Asagoona ka dalbaday in ay tageero ku siyaan Dadaalada Dib uheshiisiinta ee ay wadaan iyo Naba daynta Wadanka Somaaliya, Raysalwasaaraha Somaaliya ayaa Wadamada Urur Goboleedka IGAD ka codsaday in ay ku tageeraan Fulinta Go’aamadii Dawlada Somaaliya kaga aadanaa Shirkii Dhawaan Nairobi lagu soo gaba gabeeyey, Nuur Cade ayaa Wadamada dariska la ah Dalka Somaaliya Saaxiibka dhawna la ah Dawlada Federaalka ugu baaqay in ay ka warqabaan Dawlada Somaaliya is la mar kaasna ay ku tageraan Nabad kusoo dabaalida Wadanka Somaaliya.
Wasiirada Cusub:
Magacyada Wasiirada Cusub ee lagu badalay 10 kii Wasiir ee haray is ku casilay:
1- Mp Ismail Abdi Mohamed Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Arimaha Diinta
2- Mp Abdula Ismail Wasiirka Wasaara Waxbarashada iyo Hidaha
3- Mp Ahmed Mohamud Goonle Wasiirka Wasaarada Arimha Dibada iyo Iskaashiga Caalamigaa
4- Mp Abdirahman Osman Dirir Wasiirka Wasaarada Ganacsiga/Warshadaha iyo dal xiiska
5- Mr Abdulwahid Ilmi Omar Wasiirka Wasaarada Dastuurka /Arimah Federaalka/Dib uheshiisiinta iyo Hormarinta Gobolada
6- Mp Abdalla Bos Ahmed Wasiirka Wasarada Gashaandhiga
7- Mp Abdirahman Jama Abdalla Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta
8- Mp Irahim Habeeb Nur Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud /Gur yeynta iyo Dib-udhiska
9- Mp Fahma Ahmed Nuur Wasiir ka Wasaarada Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska
10- Mp Ahmed Shiikh Mohamed Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta

Warka Subaxnimo
