Madaxweynaha dalka Shiinaha oo booqanaya dalka Cuba
Tuesday, November 18th, 2008 at 7:13 am
Horseed Media
Havana
Madaxweynaha dalka Shiinaha Hu Jintao ayaa gaaray magaalada Havana ee dalka Cuba oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah.
Soo dhoweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay garoonka dayuuradaha ee magaalada Havana Mr. Hu, halkaasoo lagu diyaariyay fanaaniinta qaranka ee dalka Cuba.
Madaxweyne Hu ayaa madaxda dalka Cuba ay ka wadahadli doonaan iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhaxeeya labada dal.
Cuba ayaa ah saaxiibka labaad ee ugu wayn dhanka Ganacsiga ee dalka Shiinaha marka la eego dalalka ku yaal Latin America.
Waa booqashadii labaad ee uu Mr. Hu booqasho ku tago tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dalka Shiinaha.
Hu waxaa markii ugu dambeysay ee uu tagay dalka Shiinaha ay ahayd sanadkii 2004tii, markaasoo uu dhidibada u saasay xriir adag oo dhinaca dhaqaalaha ah.
Ganacsigii labada dhinac dhexmaray sanadkii 2007-dii waxaa lagu qiyaasay 2.3 bilyan oo dollar.

Warka Subaxnimo
