Maxaabiis ka baxsatay xabsiga weyn ee Boosaaso

Tuesday, November 18th, 2008 at 9:07 am

Horseed Media

Breaking News

 

Xabsiga weyn ee magaaladan Boosaaso ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsatay maxaabiis ku xirxirneyd.

 

Taliyaha ciidamada Asluubta ee xabsiyada ee Puntland Cali Nuur ayaa Horseed Media u xaqiijiyay jiritaanka maxaabiistaasi ka baxsatay xabsiga, isagoona sheegay inay tiradoodu ay tahay 8 maxbuus oo dambiyo kala duwan ku eedeeysnaa.

 

Taliyuhu wuxuu ka gaabsaday inuu kala saar saaro maxaabiista baxsatay dambiyada ay ku eedeeysnaayeen.

 

Xabsiga weyn ee Boosaaso waxaa maxabiista ku xirxiran ay isugu jiraan kuwo gacan ku dhiiglayaal ah, kuwo xukun sanooyin ah ku qaadanayay iyo kuwo ku eedeeysnaa falal burcad badeednimo ah.

 

Baxsashsada maxaabiistan ayaa ku soo beegmeysa todobaad ka dib oo ay xabsiga magaalada Garowe ka baxsadeen maxaabiis horey ugu xirxirneyd.