Markabkii Sucuudiga laga afduubtay oo xeebaha degmada Eyl loola soo socdo
Tuesday, November 18th, 2008 at 10:55 am
Mohomed Yemeni
Horseed Media
Bosaso

Markabk ayaa kii ugu waynaa ee burcadu afduubtaan waxana uu sida alaab qiimeheedu yahay 200 malyuun oo doolar
Saraakiisha ciidamada Maraykanka ee ku sugan bad waynta Hindiya ayaa sheegay in kooxdii burcad badeeda ahayd ee afduubatay markabka laga leeyahay dalka Sucuudiga ay hada ula sii socdaan dhinaca dekeda ay burcad badeedu isticmaalaan ee ku taala degmada Eyl ee gobolka Nugal ee dawlad goboleedka Puntland
Markabkan oo lagu magcaabo Sirus Star ayaa ah markabkii ugu waynaa ee ay kooxo burcad badeed Soomaali ah ay afduubtaan Shidaalka waxaana dushiisa saaran Laba milyuun oo fuusto oo shidaal ah waxayna u dhigantaa afar meelood hal meel(4/1)shidaalka uu maalin walba soo saaro dalka Sucuudigu, qiimaha shidaalka saaran Markabka ayaa gaaraya $200.Million
Markabkan ayaa loo afduubtay hab aan horay looga baran burcad badeeda waxana xiliga la afduubanayay uu u jiray xeebta dalka Kenya 860 km
Shaqaalaha saaran markabka ayaa ah 25 qof oo labada kamidina ay u dhalatay dalka Ingiriiska waxayna wararku sheegayaan in dhamaantood ay caafimaad qabaan
Afduubkan ayaa layaab ku noqday ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan xeebaha gacanka cadmeed iyo badwaynta Hindiya marka la eego baaxada markabka iyo masaafada uu u jiray xeebta ee ay burcadu ugu tagtay
Afduubka Markabka Sucuudiga laga leeyahay ayaa muujinaya sida ciidamada ajnabiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay u gabeen hawlihii ay joogaan bada Soomaaliya
Guutada shanaad ee ciidamada Maraykanka ee ku fidsan xeebta Soomaaliya ayaa shaaciyay in markabka hada lagula sii jeedo dekeda Eyl ee dawlad goboleedka Puntland waana deked ay si isdaba joog ah u adeegsadaan kooxaha burcada ah
General Mike Mullen taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee dalka Maraykanka shir saxaafadeed uu ku qabtay wasaarada gaashaandhiga Pentagonka ee dalka Maraykanka ayuu ku sheegay in burcad badeedu ay si fiican u tababaranyihiin isla markaana ay walaac wayn ka qabaan hawlaha ay ka wadaan xeebaha ku yaala geeska Africa
Taliyaha ayaa intaa ku daray in marka ay fuulaan burcadu markabka dushiisa ay adagtahay sida looga soo dejiyo iyagoo madaxfurasho u haysta shaqaalihii markabka
Afduubyada ka dhaca biyaha gacanka cadmeed iyo badwaynta Hindiya oo dhererkoodu uu gaarayo 1 Milyuun oo mayl oo isku weera ayaa ah meesha ay ka dhacaan Sadex meelood afduubyada ka dhaca biyaha caalamka sida ay sheegeen golaha caalamiga ah ee badmaaxiinta aduunka
Falalka burcad badeednimo ee ka dhaca biyaha ku hareeraysan Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay ku soo dhamaadaan si nabad ah iyadoo la bixiyo lacago madax furasho ah
Weerar meleteri oo laga qaado Markabkan Sucuudiga laga leeyahay waa mid aan suurta gal ahayn marka la eego baaxada markabku uu leeyahay iyo qiimaha badeecada saaran
Xeebaha Soomaaliya ayaa afduub loogu haystaa 12 markab oo shaqaalaha saarana ay gaarayaan 250 shaqaale waxaana socda wadahadalo u dhexeeya burcad badeeda iyo mulkiilayaasha markaabiibtaas
Bishan ay ku guda jirno keliya burcad badeedu waxa ay afduubteen Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Japan meel ku dhaw xeebaha Soomaaliya iyo doon kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Chine oo maraysay meel ku dhaw xeebta dalka Kenya iyo Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Turkiga oo siday alaabo Chemico ah waxana uu ku sii jeeday dalka Yemen
Markabkan laga leeyahay dalka Sucuudiga ee lagu magcaabo (Sirius Star) waxaa sameeyay dalka Kuuriyada Koonfureed waxana uu ku sii jeeday dalka Maraykanka waxaan ko u kacay dhamaan qiimaha shidaalka ee lagu kala iibsanayo suuqyada waawayn ee aduunka
Markabka ayaa dhererkiisu yahay 330 m waxana uu culayskiisu dhan yahay 318,000 oo tan Waxana uu la culays yahay mid kamida Maraakiibta xanbaara diyaaradaha ee laga leeyahay dalka Maraykanka
Markabkan ayaa waxaaa iska leh shirkad shidaal oo lagu magcaabo Aramko oo laga leeyahay dalka Sucuudiga waxayna safarkeedii kowaad gashay bishii sadexaad ee aynu soo dhaafnay
Shirkada iska leh Markabka ayaa sheegtay in shaqaaleheeda saaran markabka ay caafimaad qabaan isla markaana ay kooxo wada xaajood u dirtay gobolka si ay uga qaybqaataan hawl kasta oo lagu badbaadinayo shaqaalaha iyo Markabka
Shaqaalaha markabka saaran ayaa lagu sheegay 25 qof waxayna u kala dhasheen wadamada Croatia, Britain,Philipine , Poland iyo Saudiga
Dhinaca kale dalka Norway ayaa ka hadlay xaalada ka taagan biyaha Soomaaliya waxana ay sheegtay in Maraakiibteeda iyo shaqaalaha dalkeeda u dhashay aanay ku safrin doonin Kanaalka Suways iyo biyaha gacanka cadmeed
Madaxa waxaaxda ganacsiga ee dalka Norway ayaa sheegay in khatar gelinayn dadkooda iyo hantidooda ayna ka fogaanayaan isticmaalka Marin biyoodka gacanka cadmeed
Dawlada Norway ayaa sheegtay in ay sidaa u samaynayso khatarta ka soo foolka leh burcad badeeda Soomaalida ayna ka cabsi qabaan in dhibaato ay soo gaarto Hantidooda iyo shaqaalohooda ku gooshaya biha ku dhaw dalka Soomaaliya waxana ay sheegeen in ay kaga baxayso dhaqaale aad u badan hadii burcada ay suura gasho inay afduubtaan Maraakiibtooda
Marin biyoodka gacanka cadmeed ayaa ku dhaw inuu xirmo hadii ay burcad badeedu hawlaha ay ku afduubayaan maraakiibta Ganacsi ay sidaa ku sii socoto
Dhowaana waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ka dhici doona shir lagaga hadlayo dhibaata burcad badeedu ay ku hayso xeebaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ku baaqeen dalalka Yemen iyo Masar ayaan wali shaaca laga qaadin wadamada ka qayb geliya
(HR Mdia)

Warka Subaxnimo
