Madaxweynaha Soomaaliya oo codsi u gudbiyay dhiggiisa Liibiya

Tuesday, November 18th, 2008 at 12:52 pm

Horseed Media

Tripoli

 

Madaxweynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo maalintii labaad ku sugan magaalada Tripoli waxa uu halkaasi kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Liibiya Mucamar al-Qadaafi.

 

Kulanka labada madaxweyne waxa uu ka dhacay qasriga madaxtooyada ee magaalada Tripoli habeenkii xalay ahaa.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu ka codsaday madaxweynaha Liibiya Mucaamar al-Qadaafi inuu ka qeyb qaato sidoo nabad iyo xasilooni loogu heli lahaa dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Yuusuf waxa uu ka codsaday Mr. Qadaafi inuu soo farageliyo xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo u muuqda inay gaartay meeshii ugu xasaasiga badneyd.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu si adag ugu booriyay madaxweynaha Liibiya inuu sameeyo xiriiro caalami ah oo lagu badbaadinayo dalka Soomaaliya inuusan lugaha la gelin dagaal sokeeye.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf waxa uu magaalada Tripoli inta uu joogo kaga qeybgli doonaa kulan madaxeedka dalalka laysku yiraahdo Siin Saad.

 

Shirkaasi ayaa waxaa guddoomin doona madaxweynaha dalka Liibiya Mucaamar al-Qadaafi oo ah guddoomiyaha ururka SiinSaad.