Guddiga PUNSAA oo tababar ugu soo xirmay magaalada Jabuuti
Tuesday, November 18th, 2008 at 3:52 pm
Horseed Media
Jabuuti

C/qaadir Maxamed Nuunow waxa uu ka tirsan PUNSAA isagoona guddoomaya shahaado ay guddoonsiineyso Faa'so Loyan oo ka tirsan Saver World
Xubnaha guddiga PUNSAA (Board) iyo xubno ka tirsan Golaha Guud ee PUNSAA (GA) ayaa tababar ugu soo dhammaaday magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Tababarkaasi oo ku saabsanaa maamul wanaaga iyo hawlaha guddiyada ayaa waxaa uu lix maalmood ka socday guriga Umada ee dalka Jabuuti.
Waxaa tababarkaasi bixisay hay’ada Saver World iyadoo ay maalgelisay Midowga Yurub.
Waxa uu ahaa tababarkii ugu horeeyay ee Boardka PUNSAA uu helo iyadoo ay macalimiin ka ahaayeen tababarkaasi Xubnaha Macalimiin isugu jira Soomaali iyo Kenyan.
Xubnaha PUNSAA ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin caddeynaya waxyaabihii ay tababarka ku qaateen.
Hoos u dhigida saboolnimada, hirgelinta iyo ka shaqeynta Nabadda iyo wax ka qabashada xaaladaha nololeed ee dadka tabarta Yar waxay ka mid yihiin qorshe hawleedka ururka PUNSAA.
Xubnaha PUNSAA Golaheeda tababarka qaatay iyo GA-ga waxaa ka go’an wax u qabashada bulshada ay matalaan ee ku dhaqan 7-da gobol ee Puntland.
Warka Subaxnimo
