IGAD oo gaartay go’aan ka dhan ah madaxda sare sare ee dowladda Soomaaliya

Tuesday, November 18th, 2008 at 4:28 pm

Horseed Media

Addis Ababa

 

Kulankii maanta ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa ka soo baxay go’aan ka dhan ah hogaanka sare ee dowladda kmg ah.

 

War murtiyeed ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu sheegay in wasiirada IGAD ay isla garteen in cuno qabateyn lagu soo rogi doono dad gaar ah oo ay ku tilmaameen in ay ka socon la’dahay dowladda.

 

War murtiyeedka laguma faah faahin cida sida gaarka ah ay ugu aadan tahay xayiraadan ay ku hanjabeen.

 

Waxay kaloo ugu baaqeen madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ku gacanseyray wasiiradii uu dhowaan soo magacaabay Nuur Cadde in uu aqbalo.

 

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD kulanka ay maanta ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxa uu ahaa mid aan caadi ahayn oo yimid ka dib markii uu xoogeystay khilaafka madaxweyne Yuusuf iyo ra’iisal wasaare Nuur Cadde.

 

Inkastoo xayiraada ay ku hanjabeen wasiirada IGAD aan si toos ah loogu dhowaaqin cidda ay ku sii jeedo haddana warbixinadooda waxaa laga dhadhansan karaa inay ula jeedaan madaxweyne Yuusuf.