Siyoum Mesfin “Kenya ciidamo ayay u soo diri doontaa Soomaaliya”

Tuesday, November 18th, 2008 at 4:38 pm

Horseed Media

Addis Ababa

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Siyoum Mesfin ayaa sheegay in dowladda Kenya ay u soo direyso dalka Soomaaliya Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka qeyb qaata hawlgalka Amisom.

 

“Kenya ballanqaadkeedu waa mid aad u xoog badan, waxayna ciidamo hal batalyan ah usoo direysaa dalka Soomaaliya si loo xoojiyo hawlgalka nabad ilaalinta ee ciidamada Midowga afrika ay ka wadaan gudaha Soomaaliya” Sidaasi waxaa warfidiyeenada u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Siyoum Mesfin.

 

Mesfin waxa uu suxufiyiinta la hadlay ka dib markii uu soo gabagaboobay kulan socday hal maalin oo ay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

 

Inkastoo Mr. Mesfin uu hadalkaasi sheegay haddana ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo dhinaca Kenya ka soo baxay.