8 burcad badeed ah oo Kenya loo dhiibay

Tuesday, November 18th, 2008 at 4:52 pm

Horseed Media

Nairobi

 

Ciidamada Ingiriiska ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhowaan gacanta ku dhigay kooxo burcad badeed Soomaali ah ka dib markii uu dagaal ku dhexmaray badda gudeheed.

 

Dagaalkaasi ayaa keenay dhimashada saddex qof oo mid u dhashay dalka Yemen.

 

Iska dagaalkaasi ayaa warar goor dhoweyto soo baxay tilmaameen in ciidamadu ay qabteen ilaa 8 burcad badeed Soomaali ah.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Ingiriisku ay ku wareejiyeen burcad badeedaasi dowladda dalka Kenya.

 

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in burcad badeedaasi oo la sheegay inay ka soo jeedaan deegaamada Puntland ay iyagu dalbadeen inaan loo dhiibin maamulka Punltand.

 

Todobaad ka hor ayaa burcad badeedan gacanta lagu dhigay ka dib markii ay isku dayeen inay afduub u geystaan maraakiibta badda ku gooshta.