Itoobiya oo mar kale ku celisay in ciidamadeeda ay la baxeyso

Tuesday, November 18th, 2008 at 5:16 pm

Horseed Media

Addis Ababa

 

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay inay ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya iyadoo sheegtay inaysan qorsheheedu ahayn inay iska joogaan dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Siyoum Mesfin waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiyaanku ay kaga bixi doonaan dalka Soomaaliya waqtigii loo qabtay.

 

Waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiyaanku ay dalka Soomaaliya kala kulmeen ciidamada dowladda oo tabar xoogan lahayn isla markaana dowladdu ay ku fashilantay ayuu yiri inay ka qeyb ka soo baxdo waxqabadkii laga sugayay.

 

Ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka waxa uu qeyb ka haa heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen dowladda kmg ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Waxaana waqtigii loo qabtay uu u muuqdaa inuu soo dhow yahay.

 

Itoobiya waxay horey u sheegtay inay dalka Soomaaliya ka baxeyso marka la helo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay amma Midowga Yurub.

 

Ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya waxay haatan tiradoodu ay gaareysaa inka badan 3,000 oo askari oo ka kala yimid dalalka Burundi iyo Uganda.

 

Ciidamada Nabad ilaalinta ayaa bilaabay inay goobo cusub oo Muqdisho ka tirsan ay fariisin ka dhigtaan.

 

Ciidamada Burundi ka yimid waxay fariisin cusub ka dhigteen Kulliyadii hore ee Jaalle siyaad oo ay horey u joogeen ciidamada Itoobiyaanka.