Sacuudiga oo si kulul uga hadlay afduubka loo geystay markabkooda saliida
Tuesday, November 18th, 2008 at 5:19 pm
Horseed Media
Riyadh
Dowladda boqortooyada Sacuudi Areebiya ayaa markii ugu horreysay si kulul uga hadashay markabkooda saliida sida ee afduubka loogu geystay xeebaha Badweynta Hindiya.
Sacuud Alfeysal wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga oo u warramay wariyeyaasha ayuu sheegay in boqortooyadu ay ka xuntay afduubka loo geystay markabkooda isla markaana uu la mid yahay mid ka mid ah falalka argagixisinimo ee ka dhaca adduunka.
Al-feysal wuxuu soo dhoweeyay dadaalada ay wadaan ciidamada shisheeyaha ee ku sugan xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo u jooga si ay ula dagaalamaan burcad badeeda.
Waxa uu sheegay in dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato hawlaha la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.
Markabka Sacuudiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Sirus Star ayaa sida inka badan 200 milyan oo fuusto oo shidaal ceyriin ah.
Afduubka loo geystay markabkan waxa uu soo baxayaa iyadoo todobaadkan lagu wado in magaalada Qaahira lagu qabto kulan ku saabsan wax ka qabashada burcad badeeda.
Kulankaasi waxaa isugu imanaya dalalka Carbeed ee ku laala biyaha badda Cas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yemen Abu Bakar al-Qirbi ayaa sheegay in kulankaasi ay ku baaqeen dalalka Yemen iyo Masar.
Lama oga in dowladda kmg ah ee Soomaaliya lagu marti qaadi doono iyo inkale.
Warka Subaxnimo
