Markab laga leeyahay Hong Kong oo la afduubtay

Tuesday, November 18th, 2008 at 6:17 pm

Horseed Media

Gulf of Aden

 

Markab laga leeyahay Hong kong ayaa kooxo burcad badeed ihi ka qafaasheen meel ku dhow xeebaha dalka Yemen.

 

Markabkan oo lagu magacaabo The Delight waxaa la socday 25 shaqaale ah, waxa bur u siday dalka dalka Iran.

 

Sarkaal ka tirsan xarunta badbaadinta iyo baadigoobka Badmareenada ee dalka Shiinaha ayaa wakaalada wararka ee dalkaasi u sheegay in in afduubkaasi uu dhacay gabaldhicii galabta.

 

Waxa uu ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo afduubkaasi.

 

Sarkaalku wuxuu sidoo kale ka gaabsaday inuu kala saaro burcad badeeda afduubka geysatay inay Soomaali tahay iyo inkale.

 

Wakaalada wararka ee dalka Shiinaha Xinhua waxay kaloo sheegtay in markabkaasi ku xiran lahaa dekeda Bandar Cabbaas ee dalka Iran si uu ugu dejiyo bur lagu qiyaasay 36,000 oo tone.

 

Xinhua waxay kaloo intaasi ku dartay in shaqaalaha la socda markabkaasi uusan midkoodna ka soo jeedin dalka Shiinaha amma jasiiradda Hong Kong.

 

Waa afduubkii labaad oo 25 saac gudohood laga geysto biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.